“Jadeecaduna waa Miyiga oo waxay ku badan tahay Tuulada Taalla-Buur la yidhaahdo, haddana waxaa u danbaysay Booraamo, ilcarmo, Kabare iyo Boodhlay, markaas….” Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan
Burco, (Hubaal):- Ugu yaraan illaa laba qof ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu dhintay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, sida ay caddeeyeen Saraakiisha Caafimaadka ee gobolka Togdheer oo uu xanuunkaasi ka dillaacay bishii u dambeysay, halka ay dad badan oo kalena u jiifaan xanuunkaas.
Deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa laga soo sheegay inuu ka dilaacay Xuunka Jadeecada, kaasoo soo ritay tiro dad ah oo aan Lambarkooda weli si rasmi ah loo cayimin inta ay yihiin. Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin Xaaji Saleebaan oo la hadlay ama u warramay Shabakadda Gobanimonws oo aannu Warkan ka soo xigannay, ayaa ka war-bixiyay Xanuunnada ka dilaacay deegaannada gobolkaas.
Dr.-Cabdi“Illaa Roobab kii danbe intii ay da’een waxoogaa shuban ah baa kusoo kordhay magaalada Burco, dad doora ayaa Cusbitaalka la keenay oo aan maalintii shan ka badnayn oo Carruur u badan illaa intaannu ognahay laba Qof baa u dintay. muddo illaa Toddoba cisho ahba wuu soconayay.” Sidaa ayuu yidhi Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin.
Waxaanu Isu-duwe Cabdi Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa intaas ku ladhay oo yidhi; “Jadeecaduna waa Miyiga oo waxay ku badan tahay Tuulada Taalla-Buur la yidhaahdo, haddana waxaa u danbaysay Booraamo, ilcarmo, Kabare iyo Boodhlay, markaas dhawr meelood baannu Kooxo u dirnay oo illaa toddoba cisho waa laga shaqaynayay. Hadda xagga Hawdka waxaa laga soo daweeyay ama lasoo tallaalay dad ay ku dhacday iyo qaar laga soo talaalay illaa Laba Boqol oo qof.”
Isu-duwaha oo ka hadlaya Tallaabada ay qaadeen iyo Farriinta Bulshada uu u dirayo, waxa uu yidhi; “Waxaannu dadka u sheegaynaa inay Nadaafadda ilaaliyaan oo Biyaha iska nadiifiyaan, Faraxalka badiyaan, waayo? Waxa uu ka dhashaa waa nadaafad-xumada, Qofkii ay ka shakiyaan ee ay Shuban uga shakiyaan in ay Dhakhtarka soo gaadhsiiyaan oo aanay sii eegan, waayo? Annagu dadka Cusbitaalka la keeno waannu dawaynaa oo Dhakhaatiirtu way la dedaalaan, laakiin qofka haddii Guriga lagu haysto goorta la ogaadaa waa goor dambe oo qofku soo dhacay.”
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu arrinta Cudurkan Shuban-biyoodka ee labada Qof ugu dhinteen Burco wax ka weydiinno Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaanay noo suuragelin inaannu dhiniciisa wax war ah ka helno, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu dhawr jeer Xalay ka wacnay.
wasiirka iyo ku xigeenkiisa caafimaadkaSidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaas Nicmo Xuseen Qawdhan oo aannu iyadana Khadka taleefanka kula xidhiidhnay si aannu arrintan wax uga weydiinno, ayaa ka gaabsatay inaanay ka hadlaynin warkaas, maaddaama oo uu Wasiirka oo Wasaaradda uga sarreeyaa dalka ka maqnayn ee uu gudaha dalka ku sugan yahay.