Wasiirka Duulista Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababaha Xannibay Duulimaadyo Ay Fly Dubia Ka Bilaabi Lahayd Somaliland

0
29

Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maanta hor tagay Golaha wakiilada, ayaa wax laga waydiiyay sababta Shirkadda Duulimaadyada Fly Dubai ooh ore ugu balan qaaday inay Somaliland Duulimaadyo ka bilaabayso ay u baajisay Duulimaadyada, waxaanu sheegay inay ku xidhay shuruudo dhanka xayndaabka madaarka ah.

“Waxaa Madaarkeena qiimayn ku sameeyay Shirkaddo badan, waxaa ka mid ah Fly Dubai, waxay ahayd 5-tii bishan inay Duulimaadyo samayso, waxa kaliya oo ay u xanniban tahay Silig hal Kiiloomitir iyo badh ah, oo 13KM imika ka qabyo ah. Markii ay daraasad ku sameeyeen waxay inagu xidheen Kiiloomitirkaas iyo badhkaas inaynu dhamayno, waanan wadnaa” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirku waxa uu sheegay Wasiirka-duulistain Madaarka Hargeysa horumar sameeyay islamarkaana Shirkaddo badani danaynayaan “Shirkaddaha Madaarka Qiimaynta ku sameeyay Kenya Airways baa ka mid ah, Turkish Airways baa ka mid ah, Geeska Africa marka la eego waxaynu ka mid nahay garoomada soo Ifaya ee soo koraya ee ugu wanaagsan, wuxuun baanay ku xidhan tahay inaynu qabyadeenana guffayno, wixii horumar ahna halkaa ka sii wadno” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa sidoo kale Golaha faahfaahin ka siiyay Xeer hay’ad madax banaan oo Somaliland yeelato loogu sameeyo Duulimaadyada, xeerkaasi oo haatan Golaha hor yaala ayuu wasiirku u sharaxay Mudaneyaasha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here