Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Dhallinyarada Rabshadaha Ka Sameeya Caasimadda Iyo Taliye FADAL Oo Dhibkoodu Ka Raray Gurigiisii

0
35

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde ayaa shaaca ka qaaday qaraar culus  oo lagu xakamaynayo dhallinyarada habeenkii Baadhashada iyo fowdada ka sameeya Magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa yidhi “Habeen dambe wixii ka dambeeya, Qof kasta oo lagu qabto Fal ka dhan ah nabad-gelyada wuxuu mutaysanayaan xabsi dheer oo aan hore loogu qaadi jirin, waalidka carruurtooda ka adkaan waaya ee ku eegaya baxdowga, iyagana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa”

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa yidhi “Habeen dambe wixii ka dambeeya, Qof kasta oo lagu qabto Fal ka dhan ah nabad-gelyada wuxuu mutaysanayaan xabsi dheer oo aan hore loogu qaadi jirin, waalidka carruurtooda ka adkaan waaya ee ku eegaya baxdowga, iyagana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa”

 fadal

Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa intaas ku daray in Xabsiyo gaar ah loo diyaarin doono Rabsho-wadeyaasha si dhaqan-celin loogu sameeyo, laakiinse muu caddeynin sida ay isu qabanayaan diyaarinta xabsiyada iyo howl-gallada ka bilaabmaya Arbacada caawa dadka lagu soo qabtaa “Xabsiyo gaar ah oo aanu ku xidhno ayaanu u diyaarinaynaa iyaga iyo waalidkoodba si marka maxkamaduhu u xukumaan loo geeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xabsiyada ayaa noqon doono kuwo ka fog-fog laga samayn doono hayjad ama meel aanay cid iyo ciirsi toona ka helayn kuwa lagu xukumo falalka amni daradu”

Dhanka kale, koox dhallinyaro ah oo ka dhisan degmooyinka Maxamed Mooge iyo Axmed Dhagax oo isku xidhan ayaa waxay Taliyaha booliska ee Somaliland ku qasbeen inuu qoyskiisa ka raro gurigiisa degmada Axmed Dhagax.

Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa qoyskiisa dejiyey gudaha xarunta ciidamada Birmadka si aanay dhallinyaradaasi dhibaato ugu geysan, maadaama oo ay socdaan hawl-gallo lagu tirtirayo kooxeysigooda.

Kooxahan dhallinyaradan ah ayaa tan iyo markii boolisku bilaabay hawl-gallada ka dhanka ah waxay isku dayayeen inay sameeyaan falal ay kaga aar-goosanayaan Taliyaha booliska.

source:dhamaysmedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here