Wasiirka Ciyaaraha Oo maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareejiyey Maareeyihii hore ee Hay`adda Xidiihinta Cuntooyinka Qaranka iyo Maareeyaha cusub

0
25

Hargaysa (Hubaal) : Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha ,dhalinyarada iyo dalxiiska Md: Axmed cabdi kaahin ayaa maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareejiyey Maareeyihii hore ee Hay-adda Xidiihinta cuntooyinka qaranka md:Yuusuf cismaan Garas iyo maareeyaha cusub ee hay-adaasi Siciid xasan C/laahi.

Xafladaasi xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda beeraha S/land ayaa waxaa ka soo qaybgalay isla markaasina hadalo kala duwan ka soo jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafainta ,dhaqanka iyo wacyigalinta md Maxamed Aadan cilmi ilkacase, maareeyaha xafiiska samofalka ee wasaaradda dib udajinta marwo Aamina maxamuud diiriye ,wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir,xildhibaan maxamed Jaamac oo ka tirsan mudanayaasha Golaha wakiilada iyo marti sharaf kale.

maareeyaha xidhiidhka cuntadaWasiirka wasaaradda Ciyaaraha ,dhalinyarada iyo dalxiiska md :Axmed cabdi kaahim oo si rasmi ah xilalkii ugu kala waeejiyey maareeyihii hore ee hay-adda xidhiidhka cuntooyinka qaranka Yuusuf cismaan garas iyo maareeyaha cusub ee hay-addaasi ayaa waxa uu wasiirka ciyaaruhu sharaxaad ka bixiyey waajibaadka hay-adaasi qaranka u qabato.

Dhankiisana Maareeyihii hore ee hay-adda xidhiidhka cuntooyinka qaranka yuusuf cismaan garas ayaa ka waramay waxyaakihii u qabsoomay mudadii uu xilka hay-adaasi hayey.

Gabogabadiina Maareeyaha cusub ee hay-adda xidhiidhka cuntooyinka qaranka md:Siciid Xasan C/laahi ayaa si rasmi ah ula waheegay xilkahay-adaasi waxaanu balanqaaday in uu wado shaqayn fiican la sameynaayo hay-adaha ay wado shaqayntu ka dhaxayso hadii ay yihiin kuwa xukuumada iyo hay-adaha caalamiga ahba.

 Halkan guji oo dhageyso codka masuuliyiinta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here