Wasiirka Biyaha Waxan Leeyahay Xaabsade Markii Laga Tashaday Buu Tegey Fu’aad Aadan Caddena Markuu Tolkiis La Tashaday Buu Tegey Adiguna Markaad Tidhi Sheekh-Zubeer Ma Jiro Ayaad Tagtay

0
33

Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen-gaab) oo ay isku hayb yihiin odayaasha ruug caddaayada siyaasadeed ah Axmed Cabdi Xaabsade(Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka) iyo Fu’aad Aadan Cadde(Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Gobolllada Bariga) kuwaasoo ilaa maalintii President-Egal aamminsanaa guradana u fadhiyey siyaasadda Somaliland haseyeeshee maanta sida warbaahinta aynu kala soconno ka googoostay qalbigoodana ka jeediyey Somaliland iyo aamminsanaantii siyaasaddeedaba.xus-gaab

Waxan leeyahay Wasiir-Xuseenow Xaabsade markii uu ogaadey in xukuumadda Siilaanyo ka tashatay ee laga kaaftoomay oo halkii uu odayga ka ahaa ama isaga wax laga weydiin jirey cid kale oo weliba ka miisaan iyo meeqaam hoosaysa lasoo geliyey ayuu go’aansaday inaan waxba u ool kuna tashaday tolkii inuu dib ugu laabto kana soo horjeesto siyaasadda Siilaanyo.

Fu’aad Aadan Caddena maanta markuu ogaadey in odaygii meesha ku weheliyey meesha iskaga tegey sidoo kalena uu ogaadey isaga iyo tolkiis in la rabo in la iska hor keeno oo lagu yidhi shirkadaha shidaalka baadhaya ayaa beeshaadu ka hor timide orodoo ka maslax isaguna tolkiis markuu u tegey la tashaday oo ogaadey xaqiiqada jirta iyo inaan meel uu kusoo noqdo inaanay jirin ayaa dantu tidhi soco.

Adigana Xuseenow (Wasiir-Xuseen-gaab) waxa muuqata oo marag ma doon ah inaad tashatay oo tagtay markaad tidhi Sheekh-Zubeer ma jiro ee aad mediaha adiga iyo tolkaaba ka hadasheen

 

Qalinkii:Sugulle Waabberi

 

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here