Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: Shaqsi Karti Iyo Aqoon U Leh Arrimaha Dibadda?: W/Q Saynab Guure‏

0
28

Wasaaradda arrimaha dibada ee Somaliland waa isha kaliya ee siyaasad ahaan muuqaalka Somaliland ka iib gayn karta beesha caalamka iyo quruumaha kale ee aynu rajada weyn ka qabno inay mar uun aqoonsi siiya dawladeena Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibada waxaa hogaanka loogu dhiibay aqoonyahan kasbaday xeel dheeri siyaasadeed, kana gaadhay diplomacy-da hadlkii ugu saraysay, la soo shaqeeyey jimciyada quruumaha ka dhaxaysa qaybteeda xalinta khilaafaadka.

Inta aanan shaqadiisa u guda gelin waxaan jeclaan lahaa in aan wax yar idiinka iftiimiyo khibradiisa shaqo ee uu soo qabtay.

Wuxuu la soo shaqeeyey Joint oo ah ergayga gaarka ah ee hawlgalada iyo maamulka ee midawga United Nations African Operation ee wadanka koonfurta Suudaan ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNAMID)

Mohamed Biixi Yoonis wuxuu door muuqda ka qaatay hawlaha Saadka iyo xalinta caqabadaha soo wajaha UNAMID ilaa intii uu shaqada ku jiray, waxa kale oo kaalin ka soo qaatay waaxda Mission Support in UNAMID dalka DAARFUUR xiligii ay colaaduhu ka alsoonaayeen.

Maxamed Biixi Yoonis sanadihii 2002 wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee United Nations Supervision Organization (UNTSO) u qaabilsan arrimaha xabad joojinta, 2006 wuxuu ahaa sarkaalka Madaxa Maamulka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwaha Arrimaha Gaarka ah ee Geeddi-socodka ee Bariga Dhexe (UNESCO).

Hadii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo horumarintiisa wuxuu si muuqata ula soo shaqeeyey bangiga horumarinta Afrika ee loo yaqaano Côte d’Ivoire isagoo ka soo qabtay jagooyin kala duwan sida madaxa baanka, agaasimaha, la taliyaha maamulka iyo agaasime xigeenka arrimaha bili’aadnimada ee baanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here