“Way ka kortay ummaddu xilligii been loo sheegi lahaa. Waxay gaadhay xilligii ay iyagu dooran lahaayeen hoggaamiyeyaasha wanaagsan, kuna xulanayaan doorasho” Wasiirka Maaliyadda
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ugu baaqay xisbiyada mucaaridka ah inay la yimaaddaan dedaal, balse aan looga baahnayn inay kursiga ku raadiyaan xag-xagasho, qabyaalad iyo xumaan kale.
Wasiir Samaale oo saxaafadda ugu warramay magaalada Hargeysa maalintii Isniinta, waxa uu sheegay in aanay jirin cid meel ku gaadhi karta qabyaalad iyo xumaan, laakiin horumar lagu gaadhi karo marka gacmaha la isku qabsado wanaagga.
“Cidda doonaysa inay xukuumaddan maanta beddesho waxa laga doonayaa inay dedaalkeeda la timaad, loomana baahna inay la timaad xag-xagasho, qabyaalad iyo xumaan oo cid meel ku gaadhi mayso, cid horena meel kumay gaadhin. Wanaagaas ayuun baa lagu gaadhi karaa meel, maraa wanaagaas gacmaha ha la isu qabsado. Wanaagu waxa uu ku yimaad innagu (Somaliland) marxalado ayaynnu maraynaa ay ummaddeennu iyadu wax dooranayso. Ummaddu way dhaaftay xilligii tolla’ay yaa reer hebelaay wax lagu dooni jiray,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Waxa kaloo xusay in qofka doonaya inuu madax ka noqdo dalka Somaliland looga baahan yahay inuu waddo sax ah u maro, waxaannu yidhi; “Qofka doonaya inuu dalkan madax ka noqdo ha u marro waddada wanaagsan ee uu madaxtinimadaas ku gaadhi karo oo ah ummadda walaaleynteeda, isku haynteeda, is-jeclaysiinteeda iyo ummadda ugu baaqida wanaaga iyo horumarka.
Waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland way ka kortay xilligii qabyaalad lagu kala qoqobi lahaa. Way ka kortay xilligii musuqmaasuq lagu kala qoqobi lahaa, waanay ka kortay ummaddu xilligii been loo sheegi lahaa. Ummaddu waxay gaadhay xilligii hoggaamiyeyaasha wanaagsan ay iyagu xulanayaan oo doorasho ku dooranayaan, kuwii horena ku doorteen, kuwa dambena ku dooran doonaan doorasho ay u madaxbannaan yihiin. Taas ayaan qabaa inay tahay ta xukuumaddani halkaas ku soo gaadhay ee horumarka iyo wanaagga ah, ta maanta ay ku socotaana waa arrintaas,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.