Wasiir Samaal-Ow, Afkaaga Caano Lagu Qabay, Maraa Waaxid Maraga Aad Furtay!

0
34

Waxa dalkan ay nu ku nool nahay ee Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo in badan lagu xantaa isla markaana ay mucaaridku sheegaan oo dadka intooda badan ee reer Somaliland ahi ay sidoo kalena dhegahooda ka badatay in madaxweyne Siilaanyo aanu talada dalka si toos gacantiisa ugu jirin oo ay koox gaar ahi ka fara maroorsadeen xukunkii iyo taladii dalka,Xantan oo muddo badan ka jirtay dalka ayaa si tartiib tarbiib ah bannaanka ugu soo baxaysay.

hadh3.jpgXantan ah inaanu madaxweynuhu toos u maamulin dalka ayaa mucaaridku ay meel walba la taagnaayeen haddana ay la taagan yihiin,waxaa hadalkan lagu xanto madaxtooyada ka guban jiray wasiirada xukuumadda Siilaanyo oo uu ugu horeeyo wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu meel walba uga jawaabi jiray hadalada mucaaridku ee ku saabsan xanta madaxtooyada.

cid walba oo reer Somaliland ahi taas way ka warqabaan oo cidna looga sheekeyn maayo waxyaabaha uu ku dificaai jiray hadalada ka soo yeedhaya mucaaridka ee ah inaanu madaxweynuhu dalka taladiisa gacanta ugu jirin.

Aan u soo daadago dulucda arrinta aan qalinka u qaatay,waxaynu ogayn in arroornimadii Sabti lagu soo wada toosay isku shaandheyn balaadhan oo madaxweynuhu ku sameeyay xukuumaddiisa,taas oo wasiir Samaale laga qaaday wasaaradii maaliyada ee uu wasiirkeeda ahaa oo laga dhigay wasiirka waxbarashada,waxa markeliya dhagaha dadka reer Somaliland ku soo dhacday wasiir Samaale oo ku gacan saydhay madaxweynaha xilkan cusub ee loo magacaabay,waxaana isla saacado kadib sheegay wasiirku inuu iska casilay wasiirnimada wasaarada waxbarashada isagoo sabab uga dhigay inaanu madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay aad isugu dhawaayeen aanu kala tashan xilkan cusub ama aanu wax ka weydiin,waxaana uu Samaale si saran u sheegay inay jiraan waxyaabo qarsoon oo uu sheegay inay soo bixi doonaan,waxaana inta badan dadka dhageysanayay ay ka dhadhan sanadeen sidoo kalena laga dhadhan sanayo hadalkiisa in aanu madaxweynuhu isku shaandheyntan isgu si toos ah u samayn ama aanu madaxweynaha leftigiisu samayn isku bedelkan gaar ahaan wasiir Samaale.

Hadaba waxaan ku soo koobayaa qoraalkaygan “afkaaga caano lagu qabay Samaaloow” wasiir Samaale waa uu cadeeyay oo uu ka marag kacay xanta taala aqalka madaxtooyada maadaama uu ka mid ahaa

Qalinkii: MMC Hiil-gobanimo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here