Hargeysa(Hubaal) -Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ee Dhinaca Amniga Md:Cabdilaahi Abokor ayaa ka hadlay sababta keentay Casilaadiisii Xilka laga qaaday,waxaana uu sheegay in aanay haba yaraatee jirin in Xilka looga qaaday Xil gudasho la’aan balse ay jirtay khilaaf ka yimi xaga Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE,waxaana uu tibaaxay in uu ilaa hadana daremaayo in uu khilaafkaasi yahay ka sababay in xilka laga qaado.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee dhinaca Amniga Md:Cabdilaahi Abokor ayaa hadalkan ka sheegay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa waxaana ka mid ahaa hadaladiisii: “Sababahaan uga tagay waxaa ka mid ahaa,sabab aan xilkayga u gudan kari waayey may jirin,laakiin waxaa jiray khilaaf ka yimi xaga golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa sabab u ahaa in aan xilka ka tago,imikana waxaan dareemayaa in ilaa hada uu arinkaasi taagan yahay,dalkan hadii la doonayo in uu siyaasad dagan yeesho waxaa loo baahan yahay in si xora laysku doorto,si xorana ay isku maamulaan,hadii aan maanta taa laga waan toobin waxaan aamin sanahay waxaynu nahay qabiilo isku tagay hadii ninkasa lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkisa waxaa ay noqonaysaa dee in hadhaw toole dee lakala furfurmo sida basasha”.
Md:Cabdilaahi Abokor oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi:”markaa waxaana halkan aan uga soo jeedinayaa xukuumada aan ka tirsanaa in la xaq dhawro xuquuqda muwaadinka iyo muwaadinka xurmada leh ee xisbiga u soo hal gamay ee xurmada mudan in aan maanta laga dor bidin nin shili maan la siisan karo,markaa waxaan jecelahay si aan mustaqbalkeena sanado badan oo boqolaala aynu uhelno nidaam cad oo muuqda oo aanay inaga noqonin sida wadamada afrika in qof inta la soo ibsado uu golaha dhexe la keensado”