Wasiir Cukuse Oo Colaad iyo Xumaan Kala Dhex Dhigay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Saxaafadda Madaxa Banaan

0
40

Hargeysa(Hubaal)Colaadda iyo Nacaybka u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Saxaafadda Madaxa bannaan ayaa Taariikhda Markii ugu horraysay Gaadhay Halkii ugu sarraysay, iyadoo taasna Sabab looga Dhigay Wasiirka Warfaafinta oo aaminsan in Cabudhini ay xal u noqon karto Libin laga gaadho Warbaahinta.

Colaadda uu wasiir cukuse kala dhex dhigay Xukuumadda iyo  warbaahinta ayaa haatan meeshii ugu xamaasadda badnayd maraysa, waxaana aan Muuqan wax waan-waan ah oo saxaafaddu ka gelayso dagaalka ay ula badheedhay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Kaliya Ujeeddada uu wasiirku ka leeyahay Colaadda iyo cuqdada uu maddaxweynaha u gelinayo Warbaahinta, ayuu uga dan leeyahay inuu Madaxtooyada dhexdeeda kaga Kasbado Taageero iyo tahniyad, balse waxa ka xun waxyaabaha ka dhashay iyo muuqaalada Anshaxa ka baxsan ee ay Baahinayaan warbaahin aanay xukuumaddu wax tallaabo ah ka qaadi Karin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la filayaa in markuu dalka dib uga soo laabto uu xilka qaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse.

Xigasho: DAMALNEWS.COM

Cukuse55

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here