Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Oo Dawo Wakhtigeedu Dhacayo Kala Wareegtay Hay’ad Ajnabi Ah

0
80

Agaasimaha Guud ee Xannaannada Xoolaha oo hay’adaha la shaqeeya uga digay inay qaybiyaan dawo aan la soo marin wasaaraddooda

“Waxa jira dawooyin hay’aduhu had iyo jeer keenaan, waxana laga yaabaa in aanay keenin waqtigii loogu talogalay dawooyinkaas” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa

Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kala wareegtay Hay’adda Islamic Releif World Wide dawo wax yar ka hadhsan yihiin waqtiga loogu talogalay isticmaalkeeda.

agaasimaha-XoolahaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Jaamac Maxamed Odowaa oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in 20 kartoon oo dawo dhicisteeda muddo yar ka hadhsan tahay ka soo wareejiyen hay’adda Islamic Relief si aan ummadda loogu gudbin, taasoo uu xusay inay qayb ka tahay dawooyin loogu talogalay in xoolo-dhaqatada loo qaybiyo sannadkii 2013.

Dr. Odowaa waxa uu caddeeyey in hay’adaha qaybiya dawooyinka xoolaha aanay dalka keenin dawo waqtiga isticmaalmoodu dhacayo ama muddo-dhaafay, kana baaqday xilligii la isticmaali lahaa, si aanay taasi saamayn ugu yeelan caafimaadka xoolaha iyo dadkaba.

“Waxa jira dawooyin hay’aduhu had iyo jeer keenaan, waxana laga yaabaa in aanay keenin wakhtigii loogu tallogalay dawooyinkaas, hadday keenaan dib-u-dhac ayuun baa markasta ku yimaad oo waqtigeeda dawooyinka kuma qaybiyaan.

Dawada ay haysay hay’adda islaamic Relief sidaan warka ku helay aniga way iga horreysay markii ay wasaaradda la shaqayn jirtay. Dawooyinka waxa la keenay sannadkii 2013-kii, waxna waa laga isticmaalay, waxana loogu talagalay xoolaha in la siiyo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xooluha.

Waxa uu intaas ku daray, “Annagu ilaa hadda ma haynno dawooyin dhacay oo la qaybiyay, kuna saabsan xagga xoolaha, hadday dhacdayna waa khalad wixii xoolaha dhibaato ku keenaya. Hay’adaha dhinac xoolaha nagala shaqeeya waxaannu faraynaa in ay soo maraan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha hadday qaybinayaan wax ku saabsan dawooyinka xoolaha.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan waajib ku tahay sidii ay shacabka ugu ilaalin lahaayeen daryeelka iyo caafimaadka xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.

“Horta dhaqaalaha aynu ku tiirsan nahay 75% waa xoolaha, halka adduunku baatrool kaga faano, innaga waa xoolaha, waxana loo baahan yahay in la sameeyo xoolo-dhaqatadii hore, lana ilaaliyo xoolaha, maadaama uu ku tiirsan nahay dhaqaalaheenna. Ujeeddada ugu weyn waxa weeye ilaalinta xoolaha iyo soo celinta xoola dhaqatadii hore, seerayaasha aannu samaynay waxaannu ugu talogalnay inaannu ku kobcinno xoolaha si loogu ilaaliyo tayadooda.”

Geesta kale, maamulka hay’adda Islamic Relief oo qaar ka mid ah warbaahintu xafiiskooda ku booqdeen si wax looga weydiiyo arrintaas shalay, ayaa sheegay in aanay ka hadlayn dawooyinka dhacay, isla markaana aanay cidna siinayn wax xog ah.

source:Jamhuuriyamedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here