Goobtu waa madaarkii
UCID iyo gobtii iyo
Waxa taagan geesh nacab
Guluf uu dirsaday iyo
Gabaannaa u maamula
Giriif uu ku koriyoo
Gurrac loo adeegsado
Gondagoynta uu faray!
Waa gaadeyaal diran
Guutada ammaankana
Gafanaa u maamula
Gegada nin Dhidaraa
Adaa “gooya” lagu yidhi
Ku galgalo dadkoo idil
Goodyahaw jaq maatida!
Goolaaftankii bay
Dusha giir ka kiciyeen
Wiilkii Garadag adagbaa
Gaar laygu soo diray
Gujuu daaray hanadkii
Ma gabanne karaankii
Inta uu gantaal diray
Ku gammuur hidh iyo feedh
Galaayuus xanuunkii
Goosan baa u ciidamay
Isna loo gargaar fidi
Gumac boolis haystaa
“An gorfaynno” talo yidhi
“Guddoon” buu ku qaabilay
“Taliyaha u geeyaa”
Garashada la hoos dhabay
Isagoon golaa iman
Kii ay is gaaseen
Garaac baa silsilad iyo
Gurro loogu sii daray!
Gabblkoo dhacaayaa
Galaan liina loo daray
“Ma geyee ceshuu” yidhi
Gaajuu ka doorbiday
Haddii ay gar qaataan
Ama garasho leeyiin
Maxaa loo gabannayaa?
Maxaa loo gubtoodaa?
Maxaa loo ganddaa iyo
Guurtida cuskanayaa?
Allaylehe gu’ weeyaan
Gurguurtiyo carruuriyo
La gunneeyo fulayada
Geesi aan la doonayn
Gabbaan aynu jecel nahay
Guntu baarka ay tahay
Talo ay gembiyan tahay
Gabow uu hummaag yahay
Gororsade dhulkii hago
Gaaggaabshe madax yahay!
Guugguulle “dila” yahay
Galaw juuqda uu gabay
Ma gunuusi karayee
Gobollada Woqooyow
Shirka geelu diideen
Qabta reer Galbeedow
Ninkuu gaalku soo diray
Gumeeyoo ha dhawrina
Gahayr raaca subax qudha!
Maansada kore waxa ay si duurxul ah uga warramaysaa xadhig la iigu geystay madaarka Hargeysa 21kii Julaay ee sannadkan 2014ka. Taasba waxa igaga darnaa in maalin kaddib la igu wareejiyay Sirdoonka Gobolka Maroodijeex. Wadarta saacadaha aan taxaabnaa waa 28 aan geed iyo gidaar midna loogu gabban.
Mujaahid Qaryaan Aadan Tarabbi waxa uu yidhi
Adigoo dar lumiyoo
Qaar daba-marayaan
Dacaw aan kugu ciyi
“Dila” baan la odhanoo
Adigoon dardhanayaan
Dusha roobku kaa helin
Duubcas aan naxayn iyo
Daraawiishi kuma helin
Marxuum Abwaan Muxumed Soofe Yaasiin “Kaneeco” Ilaahay qabriga ha u nuuro’e waxa uu sameeyay hees ka warramaysa xaalado adag. Meerisyadan ayaa ku jiray:
Naftan gebiga dheer iyo
Garbiyada ka lulatee…. Hee
Malaha maanta halkaas ayaan taaganahay. Haddii aan is-idhi waxa ay dawladda Somaliland kugu caddayn doontaa oo ay marag u samayn doontaa eedda qaawan ee laguu jeediyay, waxa aan la kulmay wax aan ilina arag, dhegina maqal. Wax aanan abidkay ku seexan kuna soo soo toosin. Gabboodfal aanan geyin iyo gedaafo aan kolnaba i qaban. Tolow sidee ayaa muwaaddin dalkiisa jooga loogula kacay xadhig, wanjaalad, wareejin iyo wacdaro kale? Maxaa sababay in marag loo samayn waayo waxa la igu eedeeyay.
“Tani ma xishooto’e ma ku soo daayeen” ayuu igu yidhi saaxiib weyn oo aan leeyahay. “Xadhiggu waa astaamaha la doono in lagu baraq-jebiyo” ayuu hanad kale iigu laab-qaboojiyay. “Ninkaas waxa loo diray inuu tolkii xidho, kuna tacaddiyo” ayuu yidhi Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir Suldaan Cabdillaahi. Alle ha karaameeyo madax-dhaqameedka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waa kuwa uu dalkani ku taagan yahay!
Beri waxa jiray shabeel ku noolaa meel kayn ah. Geel ayaa aroor hore ku tuntay dhalihiisii, kaddibna waxa loo sheegay in awr baarqab ahi bakhtiisay gabankiisa. Inta uu ka baqday Geelii ayuu qabsaday riyo. Waxaanu yidhi “Dhalahayga geel ma dilin, ee giiro ama riyo iyo foodlay ayaa dilay”. Riyihi waxay u cawdeen orgigii masuulka ahaa ee Gadhle, isaguna waxa uu baaq u diray dadka. Malaha xaaladdaas ayaan ku jiraa.
Maanso la yidhaahdo Gadhle oo soo baxday bishii saddexaad ee sannadkan 2014ka waxa ay ahayd
Waa garangar duur
Geerigo’an cidla’ ah
Guduud hiir ah iyo
Goortay libdhadu
God kasoo baxduu
Gaatame shabeel
Gurboodkiyo dhashuu
“U gabraar” lahaa
Geel kaga tunteen
Gunjigood bakhtiye
Giddi habar-dugaag
Mayeedhaanka guud
Gole loogu yeedh
La goobgoob dembiga
Cidda geysatee
Gefka ba’an ku kacay
Gebi la isku raac
Waxa gabanka dilay
Inuu geela yahay
Aareeyii goblamay
Muusannow gadood
Tashi gaaf-wareeg
La gooh ciilka helay
Ku gadhoodhay cadho
Gadduu yeelayaa?
La soco
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com