Wasaaradda Degaanka Somaliland Oo Saartay Warbixin Ay Kaga Waramayso Mashariicda Hirgeshay + Kuwa Socda Iyo Kuwa La Filayo Inay Bilaabmaan

0
57

Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda degaanka iyo horumarinta Somaliland ayaa soo saartay warbixin koobsanaysa mashaariicda hirgelay, kuwa iminka socda iyo kuwa la filaayo inay bilaabmaan ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga sannad iyo sideedii bilood ee ay Wasiirka ka ahayd Marwo: Shukri Xaaji, Ismaaciil Maxamuud ( Bandare) warbixinta ay wasaaradda degaanka iyo horumarinta oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

JAMHUURIYADDA SOMALILAND: WASAARADDA DEEGAANKA & HORUMARINTA REER-MIYIGA

WARBIXIN GUUD

 ina baandare

  1. Wasaaradda degaanka waxaa hadda ka socda laba mashruuc oo kala ah mashruuc ay lacagtiisa bixisay sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) wuxuu fulin-doonaa mashaariicda hoos ku qoran:-
  2. Saylac, waxaa loo dhisayaa xafiis cusub waana loo qalabaynayaa
  3. Boorame waxaa loo dhisayaa xafiis cusub waana loo qalabaynayaa
  4. Buurta libaaxley waa la dhiraynayaa, xarun dhir kobcineed na waa loo samaynayaa
  5. Hargeisa waxaa loo dhisayaa xafiiska isuduwaha gobolka
  6. Hargeysa waxaa loo dayac tirayaa xarunta dhir kobcinta
  7. Geed-deeble waxaa lugu samaynayaa dhirayn
  8. Banka lafaruug waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn
  9. Lafaruug riverine forest plantation, waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn
  10. Debis waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn
  11. Gacan-libaax waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn
  12. Bookh waxaa lugu samaynayaa dib u dhirayn
  13. Tuuyo waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn
  14. Aroori waxaa lugu samaynayaa daad celin iyo dib u dhirayn
  15. Berbera waxaa loo dhisayaa xafiis isuduwaha wasaaradda
  16. Berbera waxaa loo dhisayaa xarunta dhir kobcinta
  17. Sheekh waxaa loo dhisayaa xafiiska maamulaha degmadda ee wasaaradda degaanka
  18. Burco waxaa loo dayac tirayaa xafiiska isuduwaha wasaaradda
  19. Burco waxaa loo dayactirayaa xarunta dhir kobcinta
  20. Laas-canood waxaa loo dhisayaa xafiiska isuduwaha wasaaradda degaanka
  21. Cerigaabo waxaa loo dhisayaa xafiiska isuduwaha wasaaradda
  22. Buurta Daallo waxaa lugu samanayaa dhirayn

Mashaariicdan kor ku xusan doorka ay Wasaaraddu ku leedahay waa:-

  1. In ay diyaariso qoraalka dalabka mashaariicda (project proposal).
  2. In ay dabo-gal ku sameyso mashaariicdee ay codsatay sidii ay u fuleen.

Dawladaha lacagta mashaaraacdaas bixiyay waxay u wakiisheen Hay’adda la yidhaahdo Mack Mack Donald oo ah Hay’ad Ingiriis ah.

Qandaraasyadda mashaariicdaas lagu bixinaayo waxaa ay Wasaaraddani ka tahay xubin qiimaynta qandaraasyadda iyadoo ay waheliyaan khuburo ka socota hay’adaha deeqda bixiyay iyo Mack Mack Donald.

Marna Wasaaradda looma ogola Madaxdeeda iyo cidkastaba in ay ku yeeshaan galangal bixinta qadaraasyadda iyo cidda la siinaayo. Waxaana lagu qiimeeyaa waayo aragnimadooda ay u leeyihiin hawsha markaas la qadaraasaayo, waayo aragnimadooda shaqo iyo aqoonta farsamo ee ay leediyiin qandaraaslayaasha.

2.Mashruuca ILO.

Wasaaradu waxay wadaa mashruuc  ku saabsan siddii maamulka khayraadka dabiiciga ah loo daadajin lahaa si maamuladda degmooyinka iyo kuwa tuuloyin kuba uga qab galaan, mashruucaasi waxaa laga fulinayaa magaalooyinka ,Gabiley iyo Burco.

3.Mashruuca World Bank.

Wasaaraddu waxay waddaa qoraalka mashruuc lafilayo inuu Baanka Aduunku lacag tiisa bixiyo, waxaa mashruucaa wada fulinaya afar wasaaradood oo kala ah Degaanka, Biyaha, Xoolaha, iyo Beeraha, waxaa shir balaadhan oo ay hogaaminayaan madaxda farsamadda ee Wasaaradaha  laga yeeshaay siddii loo dooran lahaa  sadex goobaad oo mashruucan tijaabadda ahi ka shaqeeyo, dood dheer kadib waxaa la magacaabay Horaaadley iyo Debis, iyaddoo wasaaradda biyaha masuul ka socday na uu magaaladda Oodwayne ku adkaystay maadama ay tahay magaallo haraadan isla markaana dooxa Oodwayne ay ka cabaan xoola dhaqato badani.

4.Mashruuca UNDP

Mashruuca ay UNDP maalgelin-doonto, waxaa loo qorsheeyay in laga fuliyo goobahan soo socda:-

  1. Qoryaale (Togdheer)
  2. Dulcad ( Burco)
  3. Qoryaale (Maroodi-jeex)
  4. Dila ( Awdal)
  5. Dhamal (Maroodi-jeex)
  6. Wagar ( Saaxil)
  7. Warcimraan ( Togdheer)
  8. Bali-dhiig ( Togdheer)
  9. German Government ( GIZ & KFW)

Mashruucan waxaa wadajir u fulin-doona Wasaaaradda Deegaanka & Horumarinta Reer-miyiga, Wasaaradda Beeraha, Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

  1. Gums and resin ( Xabkaha & Faleenka)

Mashruucan oo laga fuliyay Goboladda Sanaag iyo Saaxil, qaybtiisii labaad oo iyana la filaayo in la sii daayo, iyadoo ay naga caawinayaan World Bank, mashruucan oo lagu horumarinaayo xabkaha iyo faleenka.

  1. Shuruucda iyo Xeerarka

Wasiirka wasaaraddu waxay halgan dheer ugashay in wasaaraddu hesho xeerar wakhtigan la socda oo dhiiri galiya ilaalinta degaanka, si looga baxo qabyo sharciyeedkii wasaaradda ragaadiyay, taas oo hadda gacanta lugu hayo sadex xeer oo kala ah”

  • Forest, Range and wildlife act ( sharciga kaymaha iyo ugaadha)
  • National Environmental Management Act ( sharciga guud ee maaraynta deegaanka)
  • Solid waste management Act ( Sharciga maaraynta qashinka adag).
  • Strategic plan ( qorshe hawleedka shanta sanno ee soo socda)
  • Environment policy ( sharciga siyaasadda deegaanka).
  1. Mashaariicda ay Dawladda Somaliland iyo shicibkeedu fuliyeen
  • Wuxuu Madaxweynaha J.S.L Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud (siiraanyo) soo saaray wareegto ku saabsan seerayaasha iyo dhul-daaqsimeedka layska ootay.
  • Waxaa la joojiyay ka ganacsiga sharcidaradda ah ee Ugaadha dalka, iyadoo hawlgalo laga fuliyay dhamaan Goboladda iyo Degmooyinka dalka, dad badan oo ku luglahaana lasoo qabqabtay sharcigana lala tiigsaday.
  • Waxaa olole balaadhan oo lagu baabiinaayo seerayaasha sida sharci daradda loo ootay laga fuliyay bananka Gumburaha iyo Qoolcaday, iyadoo la baabiiyay xidhmooyin dhan (323) saddex boqol iyo saddex iyo labaatan, kuwaas oo ahaa kuwii soo dhexgalay banankaas.
  • Waxaa si dhamaystiran loo dhisay xarun cusub oo ay yeelan-doono Wasaaraddani, taasoo ay lacagteeda lagu hirgeliyay dhismahaasi ay bixisay dhamaanteed Dawladda Somaliland.
  • Waxa la dhisay oo dhamaystirmay xarunta xafiiska Gobolka Gabiley, xaruntaas oo lacagtii lagu dhisay ay bixisay Dawladda Somaliland.

Wasiirka Wasaaraddu, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud ( Bandare) waxay mahadnaq wayn u diraysaa dhamaan dadkii kala shaqeeyay hirgelinta iyo diyaarinta dhamaan mashariicda aynu kor kusoo xusnay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here