WARBIXIN Shalay Caalamku Sas & Walaac Kaga Muujiyey Ciidammada Illaalada Shirkadaha Shidaalka ee Somaliland Shaacisay Inay Samaysanayso+GUDAHA KA AKHRI Bogga Warbixintan Lagu Baahiyey Asligeeda Hore

0
45

“Tirada ciidammada, hay’adaha ay hoos tagaan, mowqifka dawladda Ingiriisku ka qabto abuuristooda, cidda mushaharkooda bixinaysa iyo sharciyadooda”

Hargeysa (Hubaal/Irin)- Warbixin xasaasi ah oo soo baxday shalay, ayaa daboolka ka qaadday inta ay le’eg tahay cabsida walaaca caalamku ka qabo qabo Ciidammada Ilaalada Shirkadaha Shidaalka ee Somaliland aasaaskooda ku dhawaaqay bishii October ee sannadkii 2013, iyadoo warbixintu soo bandhigtay xogo kala duwan oo ku saabsan ciidankaas.
Ciidammada Ilaalada shidaalka Somaliland aasaaskooda ku dhawaqday oo la yidhaa OPU (Oil Protection Unit), ayaa warbixintu tibaaxday in bulshada caalamku walaac ka muujisay inay dabka ku shido xiisadda ka taagan xuduudaha u dhaxeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Putland.

Awoodaha ciidammadan iyo cidda maamulaysa oo aan ilaa hadda la xaqiijin, ayaa warkan oo lagu daabacay mareegta la yidhaa IRIN , waxa lagu sheegay in La-taliyaha Ammaanka ee Dawladda Ingiriiska Mr. Assaye Risk uu Somaliland talo ahaan ku siiyey inay si hordhac ah u shaqaalaysiisato 420 askari oo ciidammada OPU lagu bilaabo, tirada guud ee ciidankana lagu jaan-gooyo 580 askari, kuwaasoo loo kala qaybin doonoo lix unug oo si toosa u hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si looga hortago khataraha ku imaan kara shirkadaha shidaalka ee dalka ka hawlgalaya, iyadoo kharashaadka ciidankan ku baxayana ay bixinayso shirkadda Genel Energy.
Lacagta ciidammada OPU ku baxaysa sannadkii waxay warbixintan xustay inay qiyaas ahaan dhan tahay $20 ilaa 25 milyan doollar, lacagtaas oo u dhiganta amma ku dhaw kharashaadka shirkadaha shidaalka ee Somaliland ka hawlgalayaa ku bixiyaan mushaharka billaha ah ee shaqaalahooda.
Sida warbixintan iftiimisay dawladda Somaliland ayaan awooddin in ay dakhli dheeraad ah oo xagga ammaanka ah bixiso, maadama 54% isticmaashay kharashaadkii ammaanka dawladda Ingiriisku ugu talagashay oo $2012 milyan oo doollar sannadkii dhan.

SAWIRKAN Guji Si Aad U Booqato Bogga  Warbixintan Asal Ahaan Lagu Daabacay Markii Hore Iyada Oo Luuqada Ingiriisida Ah

IRIShirkadaha Somaliland shidaalka ka baadhaya oo ay hormood u yihiin shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Genel Energy, shirkadda Imaraadka ah ee RAK Gas, shirkadda Norwegian/UAE ee DNO iyo shirkadda Ansan Wikfs oo dalka Yemen ka diiwaangashan leeyahay, ayaa ciidammadan ilaalin doonaan marka ay hawshooda si rasmi ah u bilaabaan.

Waxa kaloo warbixintan walaac ka muujisay ciidammadan oo aan si rasmi ah u jirin, shaqale lahayn, xarun laga maamulana aan loo samayn, kharashaadka ku baxayaana aanay caddayn, iyadoo warbixintu sheegtay in ciidankaas oo Somaliland sannadkan dhammaadkiisa hawlgelinayso ay keeni karaan khataro badan oo xagga ammaanka mandaqadda ah.

Saska ugu badan ee laga qabo Ciidanka Ilaalada Shidaalka Somaliland ee OPU, waxa uu ku salaysan yahay, iyagoo ka hawlgalaya degaannada gobollada Sool iyo Sanaag oo saliidda ugu badan ku jirto, isla markaana maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Putland ku muransan yahay.

“Marka saddex dhinac oo kala duwan si wax u kala tafsiirtaan amma cidda iska leh dhulka, ciidammada Somaliland ee Ilaalada Shidaalka ee OPU waxa qaar khatar badan keeni kara, calaamadna colaadeedna u diraya oo tilmaamaya in cidii kula tartamaysay aanay awood lahayn, taasina waxay hurinaysa colaada ka taagan degaannadaas (Sool iyo Sanaag).” Sidaa waxa yidhi qof warbixintu soo xigatay oo ka hawlgala horumarinta shidaalka oo diiday in magaciisa la sheego.
Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdillahi Ducaale, ayaa sheegay in aan shirkadahan ka welwelay dadka degakna, balse ka cabsi qabaan Al-shabaab, sababtaasna loo abuurayo ciidammada ilaalada shirkiadaha shidaalka baadhaya.

Tony Hayward oo madax ka ah shirkadda Genel Energy
Tony Hayward oo madax ka ah shirkadda Genel Energy

Waxyabaha kale ee warbixintu qaylo-dhaanta ka bixisay waxa ka mid ah in ciidammadan dawladdda Somaliland diidday inay ka ansixiso barlamaanka, kuna dooday inay ka mid yihiin ciidammadii hore u jiray, sidoo kalena aanay ahayn ciidan cusub oo la abuurayo.
“Ciidammadan waxa maamulaya, hoos tagayaana dawladda Somaliland, waana qaar bilayska ka mid ah, sidaa daraadeed shirkadaha shidaalku shaqo kuma laha, umana sheegayaan ciidankan waxay qbanayan iyo waxaanay qbanayn,” ayuu Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale mareegta wakaaladda wararka Qarammada Midoobay ee IRIN oo warbixintan diyaarisay.
Geesta kale, xildhiban Ibraahim Jaamac (Rayte) oo ka mid ah Guddida Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in ciidankan qaab-dhismeedkiisa uu arkay, isla markaana hoos tagayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ciidammada bilayskana aanay shaqo ku lahayn.
“Waxaan xaqiiqsaday in ciidammada noocan ah u baahan yihiin sharci u oggolaanaya inay hawlgalaan, laguna maamulo, haddii sharcigaas la waayana hawlagalladoodu waxay noqonayaan qaar sharci-darro ah,” ayuu yidhi xildhibaan Rayte.
Sidoo kale, waxay warbixintu walaac ka muujisay khatarta ay xuquuqal-insaanka ku yihiin ciidammada gaarka u tababaran ee RRU-da Somaliland oo la aasaasay 2012kii.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here