“Waxa aanu wada kulanay maanta taliyaha booliska iyo wasiirk arrimaha dibada oo walaal nagu yidhi khasab ayaad kaga baxaysaan dhismaha library-ga, waananu ka diidnay”.
Hargeysa (Hubaal)- Rugta akhriska Buugaagta Ee Gaandi Library oo ku taalla Faras magaalaha Hargeysa ayaa la weriyey in laba caano maal gudahood lagaga raro Agabka yaalla, isla markaana loo faaruqiyo Ganacsade Xukuumaddu siisay dhismaha Boostii Hargeysa oo dheega ku haysa Gandi Library.
Sida lagu baahiyey degellada wararka qaarkood, oo aanu warkan kasoo xiganay Masuuliyiinta GANDI Library ayaa lagu wargeliyey in 24 saacadood buugta dibada looga guro dhismaha rugta, isla markaana ay ku wareejiyaan dhismaha ganacsade laga iibiyey oo doonaya in uu ku balaadhsado dhisme uu ka dhisayo dhulkii boostii hore ee Hargeysa oo ku xigta saldhiga dhexe ee Hargeysa.
-
Muuqaalka Wareegtadii Xukuumaddii Marxuum Cigaal ay sanadkii 2000, Masuuliyiinta Maktabada Ku Siisay Dhismaha Library-ga…..Waxa ku saxeexan Wasiirkii Daakhiliga Ee Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal. Md, Axmed Jaambiir Suldaan
“Waxa noo yeedhay taliyaha booliska iyo wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo nagu yidhi ka baxa oo ka gura buugta meesha” Sidaa wax Cabays.com u sheegay, Mahad Ismaaciil Gandhi oo ah gudoomiyaha rugta kutubta ee Gaandhi Library, waxaanu intaa ku daray “Waxa aanu wada kulanay maanta taliyaha booliska iyo wasiirk arrimaha dibada oo walaal nagu yidhi khasab ayaad kaga baxaysaan dhismaha library-ga, waananu ka diidnay”.
Mahad oo Degelku waydiiyey su’aal nuxurkeedu yahay sababta mar labaad ay u soo laba kaclaysay in Gaandhi Library la xidho , maadaama hore markii ay soo shaac baxday iibka dhismuhu uu madaxweyne Siilaanyo joojiyey in la iibiyo, ayaa ku jawaabay “walaal baryahan oo dhanba qoladii ganacsatada ahay ayaa nagu dul warawareegaysay, waxayna doonayaan in xoog lanooga saaro, anaguna yeelimayno”
Dhanka kale waxa uu Mahad Ismaaciil sheegay in ay arinka isku dayeen in ay si toos ah ugala macaamilaan kuna qanciyaan ganacsatada Ilama Xarbi oo xukumada Siilaanyo ka iibisay dhismaha iyo dhulka uu ku fadhiyo Gaandhi Library, hase ahaatee xubno xukumada ahi ku dhex jiraan, isla markaana ay doonayaan in xoog dibad loogu tuuro buugaagta. sida uu sheegayna aanay doonayn wax kale oo aan ahayn in dhismahaa gacanta loo galiyo, isagoo ah dan guud marki horeba.
Goobata uu ku yaal Gaandhi Library oo hore u ahaan jirtay madbacadii qaranka ee xiligii midow-gii Soomaaliya, yaa waxa ogolaansho ma guuraan ah suurto galiyey in halkaas uu Mahad Ismaaciil Gaandhi ka furo rug kutubta , isagoo buutana ka ururiyey dalka Canada sanadkii 2001 dii. Hase ahaatee waa xukumadii ugu horaysay ee hunguraysa dhulka ee ganacsato u gacan galisa dhsimaha iyadoo aanu jirin magaalada meel caruurta iskuuladu wax ku akhriyi karaan ama buug waxbarasho ka helayaan oo ka wada dhaxaysa si lacag la’aan ah.
Arinkan oo aanu isku daynay in aanu dhanka wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha booliska, sidoo kale ganacsatada iibsaday ee Ilma Faarax Xarbi waxa ka weydiino, nooma suurto galin, hase ahaatee waxa ay noqonaysaa fadeexadii ugu weynayd ee dhanka wxabarashada Somaliland in albaabada loo xidho rugta kali ah ee buugaagta ee caasimada badhtankeeda ku taal, taas oo 14 kii snao ee ugu dambeeyey halkaa ka furnayd.
