Ee Hargeysa (Hubaal/Geeska Afrika)- Hurdo la’aanta oo keliya ma’aha sababaha keena tamar la’aantu, balse waxaa jira wax yaabo yaryar oo badan oo aynu samayno, kuwaas oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba daal iyo burbur badan innagu keena, haddaba qormadeenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr ka mid ah caadooyinka ay khubaradu sheegeen in aanay fiicnayn oo ay keenaan daal iyo burbur, waxa aanay yihiin:
– Qofka oo aan biyo ku filan cabin: waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in hoos u dhac yar oo ku yimaadda biyaha jidhku xataa haddii uu yahay boqolkiiba 2 keliya uu keeno burbur badan, waxa aanay sababtaa in wadnuhu uu garaaca yareeyo, iyo xawaaraha ay neefta oxygen ku gaadhayso muruqyada iyo unugyada kala duwan oo yaraada.
– Xadiidka (Iron) oo dhiigga ku yaraata: Haddii maadadda xadiidka ee dhiiggu hoos u dhacdo qofku waxa uu arkaa daal iyo burbur badan, waayo waxaa hoos u dhaca xaddiga neefta oxygen ee muruqyada iyo unugyada gaadhaysa. Waxaana muhiim ah in qofku ogaado in maadadda xadiidka (Iron) oo hoos u dhacdaa ay sababi karto xanuun badan, sidaa awgeed ay qasab tahay in uu dhaqso dhakhtar ugu tago.
– Qofka oo isku kallifa hawl aanu mar wada awoodi karin: Qofka oo doona in wax kastaa ay sidooda u dhammaadaan waxa ay kalliftaa in uu xoog u shaqeeyo, waqti ka badan inta ay naftu awooddana ku kallifo, sidaa awgeed qofku waa in uu is waafajiyo awooddiisa runta ah iyo xaddiga hawleed ee uu mar kasta qoondeeyo in uu qabto. Baadhitaanno cilmiya ayaa xaqiijiyey in waqti dheeraad ah oo la shaqeeyaa aanay waxba ku tarayn shaqada laga rabo in uu qofku guto, sidaa awgeed waxaa fiican in shaqada loo qaybiyo qaybo ku salaysan waqtiga caadiga ah ee uu qofku shaqayn karo, haddii kale qofkana waxa ay ku keentaa daal iyo burbur aan dhammaan, shaqadana wax badan oo muuqda kuga kordhiso. Hurdo la’aanta oo keliya ma’aha sababaha keena tamar la’aantu, balse waxaa jira wax yaabo yaryar oo badan oo aynu samayno, kuwaas oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba daal iyo burbur badan innagu keena, haddaba qormadeenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaybtii saddexaad ee caadooyinka ay khubaradu sheegeen in aanay fiicnayn oo ay keenaan daal iyo burbur, waxa aanay yihiin:
– Buun buuninta badan iyo ku talax tagga: Haddii marka uu maamulahaaga shaqadu shir degdeg ah kuugu yeedho aad markaba u qaadato in uu shaqada kaa eryayo, ama aad ka baqdo in aad gaadhigaaga kaxayso meelaha qaar adiga oo ka warwarsan in aad shil gasho iyada oo baabuurta kalaba si caadiya u marayso, waxa aad ogaataa in aad qabto cudurka ay khubarada caafimaadka nafsiga ahi afka qalaad ku yidhaahdaan Catastrophizing taas oo ah in qofku uu mar kasta niyadda ku hayo in xaaladda uu joogo mid ka xumi ay dhacayso. Xaaladdani qofka waxa ay ka dhigtaa qof aan waxba qabsan karin maskax ahaanna mar kasta niyad jabsan. Haddii ay maskaxdaada arrintan oo kale ku soo dhacdo inta aad xoog u neefsato waxa aad nafta weydiisaa sida ay waxan xun oo keliyi u dhici karaan ee aanay wax fiican u filan karin.
Dawada ugu fiican ee aad kula dagaalami karto cudurkan Catastrophizing; waa adiga oo bulshada dhex gala oo iska ilaaliya guri joogga kelida ah, jimicsi aad samayso, dhibta aad tabanayso oo aad saaxiibkaaga dhow la kaashato, waayo waxaa laga yaabaa in uu ku caawiyo iyo adiga oo mar kasta naftaada u sheega in aanay khayaaliga iyo malo-awaalka isu dhiibin.
– Quraac la’aanta: Cuntadu waa shidaalka jidhka, marka aad seexatana jidhku weli shaqada waa uu sii wadaa isaga oo isticmaalaya cuntadii aad siisay, shaqooyinkaas waxaa ka mid ah in dhiiggu si dabiici ah u wareego iyo in neefta muhiimka ah ee Oxygen ay gaadho dhammaan qaybaha iyo unugyada jidhka ee u baahan, sidaa awgeed marka aad subaxdii kacdo jidhku waxa uu u baahan yahay in shidaal dambe lagu shubo, quraacda ayaana ah shidaalkaas oo haddii aad ka booddo waxa aad filataa daal iyo daal nafsi ah iyo caajis aanad wax qabad diyaar u ahayn.
Weliba waxaa muhiim ah quraacda ay ku jiraan midhuhu sida cuntooyinka laga sameeyo gallayda sida boorashka, iwm, cuntooyinka duxda (Dufanka caafimaadka qaba), cuntooyinka barootiinta leh, khudradda, caanaha aanu dufanku ku badnayn, beedka, iwm.
– Cuntada aan nafaqada lahayn: Cuntada ay sonkortu ku badan tahay, waxa ay badisaa macaanka dhiigga, waxa aanay sababtaa burbur iyo daal nafsi ah. cuntooyinka fiican waxaa ka mid ah digaagga oo welib ah ka duban laakiin iska jir ka la shiilo, baradhada, saladhka iyo khudradda iwm.
– Waxa aanad odhan karin ‘MAYA’: Waxa aad ogaataa in raalli gelinta dadka iyo ka farxintoodu ay kaaga baahan tahay tamar iyo in aad marar badan adigu farxaddaada iyaga u hurto. Haddii ay tahay macallinka carruurtaada oo kaa dalbada in aad keeg iy cunto fudud u soo samayso dhammaan ardayda ay isku kooxda yihiin, ama maamulahaaga shaqada oo kaa dalbada in aad maalinta jimcaha ee fasaxa aad tahay shaqayso, waxa aad ogaataa in ay fiican tahay in aanad mar kasta “HAYE” odhan, naftaada ku tababar in ay mararka qaarkood, “MAYA” tidhaahdo. Haddii kale waxa aad naftaada u horseedi doontaa diiqad iyo calool xumo joogto ah oo aakhirka kugu keenta daal iyo caajis nafsi ah oo aad danahaaga ka qabsan kari weydo.
Xafiiska aad ku shaqayso ayaan habaysnayn: Miiska aad ku shaqaynayso oo aan habaysnayn ama aad u fool xun iyo xafiiska oo isku dhex qubani waxa ay nafta ku beeraan daal iyo niyad jab caqabad ku noqda wax-qabadkaaga, isla markaana xakameeya awoodda ay maskaxdaadu u leedahay in ay lafa-gurto warka ay hayso, sidaas waxaa lagu xaqiijiyey cilmi-baadhis ay samaysay jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka. Marka aad shaqadaada dhamaysato maalin kasta waxa aad ku dadaashaa in aad kala nidaamiso xafiiskaaga, isla markaana nadaafaddiisa meel ku ogaato si subaxda dambe aad shaqada ugu bilowdo iyada oo naftu ku faraxsan.
Qeybtii 2aad
Hurdo la’aanta oo keliya ma’aha sababaha keena tamar la’aantu, balse waxaa jira wax yaabo yaryar oo badan oo aynu samayno, kuwaas oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba daal iyo burbur badan innagu keena, haddaba qormadeenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaybtii saddexaad ee caadooyinka ay khubaradu sheegeen in aanay fiicnayn oo ay keenaan daal iyo burbur, waxa aanay yihiin:
– Fasaxa ha shaqayn: In fasaxa aad fasax u qaadato oo aanad wax shaqadii aad ka fasax qaadatay la xidhiidha ku dhex darin ayaa ah sida ugu fiican ee aad farxad ugu qaadan karto fasaxaaga naftana uga ilaalin karto niyad jabka iyo in ay shaqadeeda nacdo. Iska jir in xilliga fasaxa aad hawlo shaqo qabato, xataa in aad eegto in farriimo shaqo kuugu soo dhaceen cinwaankaaga E-mail ka ayaa ah in aad shaqo qabanayso, haddii kale waxaa hubaal ah in aad fasaxa ka soo noqon doonto adiga oo daal iyo tacab badan dareemaya xiiso badanna u qabin soo noqoshada. Fasaxu waa waqti ay naftu dib u soo ceshato hal-abuurnimada, awooddeeda wax-soo-saar, tamarteeda iyo kartida ay shaqada u leedahay, waana in fasaxa kadib shaqada ruuxa laga dareemaa arrimahaas oo dhan. Haddi
– Iska jir maan-dooriyaha: Nooc kasta oo maan-dooriye ah, xataa haddii uu yahay qaadka, waxa uu qofka ku beeraa hurdo la’aan iyo in aanu habeenkii jidh ahaan iyo maskax ahaan midna u seexan, taasina waxa ay subaxdii ku keenaysaa in uu hurdo la kala daato oo ay ku adkaato shaqadu, haddii uu shaqada tagana waxaa laga arkayaa caajis iyo tamar-darnaan cid kasta oo ka ag dhow u muuqata.
– Sariirta ha ku dul shaqayn: Dad badan ayaa caado u leh in habeenkii marka ay sariirta dul tagaan ee hurdo ay isu diyaariyaan ay dib u shidaan talefankooda gacanta ee casriga ah ama aaladaha kale ee wax laga akhristo si ay internet ka uga hubiyaan in farriimo cusub loogu soo diray, qaarna kombiyuutarka gacanta ayaabay dib u shitaan si ay sariirta dusheeda shaqo qabyo ka ahayd ugu dhammeeyaan. Khubarada caafimaadka ayaa caddeeyey in ilayska ka soo baxaya shaashadda aaladaha aynu kor ku soo sheegnay uu awood u leeyahay in uu ka takhalusaa nidaamka shaqo ee ku dhisan waqtiyeyn baayooloji oo jidhka ku beeran, nidaamkaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo Circadian Rhythm oo burburaa waxa ay keenaysaa in uu meesha ka baxo hormoonka Melatonin oo caawiya in nidaaminta hurdada iyo soo jeedka ee qofka.
Haddii laga maarmi waayo in xilliga hurdada la isticmaalo qalabkan waxa ay khubaradu ku talinayaan in uu qofku wejigiisa u jirsiiyo ugu yaraan 14 hiis oo u dhiganta 35.5 Sentimitir iyada oo weliba ay khubaradu ku adkaysanayaan in taasi ay tahay uun xal ku meel gaadh ah oo aan meesha ka saarayn khatartii ahayd in qalabkan oo la isticmaalo xilliga hurdada loo diyaar garoobaa uu khalkhal ku rido nidaamka hurdo ee qofka, hurdo la’aantaasina ay maalintii keenayso daal iyo burbur badan oo jidhka iyo maskaxda labadaba ah.
– Maadadda Caffeine: Maadadda kaafiyeenta (Caffeine) ee bunka iyo noocyo sharaabbada ka mid ah ku jirtaa waxa ay khalkhal ku abuurtaa nidaamka hurdo iyo saacadda baayoolojiga ah ee marka waqtiga hurdada la gaadho jidhka ku beerta lulada. Daraasad uu natiijadeeda baahiyey joornaalka Clinical Sleep medicine ayaa caddaysay in haddii Caffeine la cabbo xataa lix saac ka hor waqtiga hurdada haddana in nooc uu saamayn ah ku yeelato hurdada, taasina ay subaxdii keenayso daal iyo burbur jidhka iyo maskaxdaba ah.
– Saamaleylka maalmaha fasaxa: In habeenka fasaxa si aad ah loo soo jeedaa waxa ay khalkhal ku beertaa hurdada maalinta xigta oo dhan, in dhaqankaas la caadaystaana waxa ay yeelataa saamayn aan maalmaha toddobaadka ee kale ka hadhin qofka oo daal badan iyo caajis keenta. Dhammaad