Mid Ka Mid Ah Hoggaamada Dhaqanka Ee Garbaha U Ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Goostay Somaliland Iyo Ciidan Maleeshiyo beeleed ah Oo uu Buuraley La Galay(DAAWO)

0
45

Boorama (Hubaal ) Mid ka mid ah salaadiinta Ugu Miisaanka Culus  beesha Samaroon ayaa  ku dhawaaqay  inay ka baxayaan Somaliland ka dib markii ay ka arki waayeen danahoodii iyo waxii ay xaqa ugu Lahaayeen Isla markaana laga dhega adaygay Baaqyo iyo kulamo ay ku doonayeen inay ku hor fadhiistaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Suldaan Abubakar Wabar Ayaa Hadal uu Saxaafada Ugu talogaly oo lagu Baahiyay Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Gobolka Awdal Waxaa uu ku sheegay  inay gebi ahaanba ka goosanayaan Somaliland iyagoo ku biiraya somaliweyn,waxaana uu dhankiisa ka dalbaday wadamada Jabuuti iyo kililka Shanaad ee somalida Itoobiya Sidii Ay u Taageeri Lahaayeen Masiirkooda Ka Laabashada Somaliland

Suldaankan Ka Mid Ah Madaxdhaqameedyada Boorama Ee Maanta Ka Hor Yimid Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland Ayaa Ahaa Tiirarkii baroosinka u Ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Kaasi Oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa Guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo Ay Isku Siyaasad Dhow Yihiin Sida La Sheegay

 Waxa dhawaan soo shaacbaxday in madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici uu ka biyo diiday habdhaqanka xubno ka tirsan gollaha wasiirada ee Somaliland ee heysta dhegta madaxweyne Axmed Siilaanyo Kaasi oo Keenay in Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Soo Abaabulo Salaadiinta Iyo Madaxdhaqameedyada Gobolka Awdal kuwaasi oo loo Guntay Inay Jiraan Tabashooyin Ka Jira Deegaanka Goboladaasi Si Xukuumadu Wax Uga Qabato.

Salaadiintan uu Soo Abaabulay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Ayaa la sheegay inuu ku doonayay in Wax Laga Dhegaysto,Awoodiisa ku Xigeena La Ilaaliyo,Isla Markaana Wax Laga waydiiyo Xaalada deegaamada uu Kasoo Jeedo Halka Salaadiintanina Ay garbo u yihiin.

Breaking_News1Ilaa Iyo hada Kama Uusan hadlin Arintan Madaxweyne Xigeenka Somaliland wax u Dhimaysa Qaranimada Iyo Jiritaanka bulshada Somaliland Ee Ay ku Kaceen Salaadiinta Beeshiisa,Iyadoo warar Aan Lagu kalsoonaan Karin Sheegayaan In Suldaankan Uu Wato Qaar Ka Mid Ah Ilaalada ciidamada Gaarka Ah Ee Madaxweyne Ku xigeenka Kuwaasi oo Suldaankaasi ku ilaalinaya Agagaarka buuraha Gobolka Awdal oo uu ku joogo si dhuumaalaysi Ah.

Madaxweyne ku Xigeenka Ayaa Caan Ku Ah Inta Badan Cabashooyin uu kazoo jeediyo Xukuumada uu ka Tirsan Yahay,Isagoo horena U Duday Iyadoo Aan La Saadaalin Karin Jawaabta Rasmiga Ah ee Kasoo Baxaysa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo markasta La Socda Xaalada Gobolkaasi

HALKAN KA DAAWO SULDAANKA GOOSTAY EE MALEESHIYO BEELEEDKA BUURAHA LA GALAY

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here