WAR DEG-DEG AH: Madaxtooyada oo diyaarisay warqada aqbalaada is-casilaada uu fidiyay wasiir Samaale

0
68

Hargeysa (Hubaal) Illo-wareedyo xogogaal ah ayaa sheegaya in madaxtooyadu ay qortay warqadii ay kaga aqbalaysay wasiir Samaale iscasilaadii uu iska casilay xilkii dhawaan madaxweynuhu u magacaabay ee wasaaradda waxbarashada, wasiir Samaale oo isagu maanta la sheegay maruu ku sugnaa aaska xisaabiye ku-xigeenkii Qaranka oo Hargeysa lagu aasay inuu damacsan yahay in maalinta Beri uu doonayo inuu xilkii uu u ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gebi ahaanba wareejiyo,waxaana wararka ka imanaya aqalka madaxtooyadu sheegayaan in isla caawaba loo geeyo wasiir Samaale warqada laga aqbalayo iscasilaada uu fidiyay

wasiir samaaleCabdicasiis Maxamed Samaale ayaa iska casilay xilka cusub ee wasaaradda waxbarashada taas oo isku shaandheyn uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumaddiisa lagaga qaaday xilkii wasiirnimo ee uu hore uga hayay wasaaradda maaliyada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here