Hargeysa (Hubaal) Komiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa caawa warqad u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),taas oo ay ku soo bandhigeen xiliga rasmiga ah ee hawlaha doorashooyinka ee ay qaranka u hayaan ku soo dhamaytirayaan.
Inkastoo komiishanka doorashooyinku aanu soo saarin qoraal ama warsaxaafadeed arrintan ku aadan,waxa illo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ay wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen warqad caawa komiishanka doorashooyinka qaranku u gudbiyey madaxweynaha,waxa ay ku faah-faahiyeen uguna soo bandhigeen madaxweynaha muddada rasmiga ah ee ay hawlahooda ku dhamaytirayaan,isla markaana ay doorashadu ku qabsoomayso,Waxaanay guddidu ku sheegeen warqada ugu dambeyn in bisha June sannadka 2016-ka ee soo socda ay ku dhmaystirayaan hawlaha doorashada
madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu u gudbiyo golaha guurtida go’aankan komiishanka doorashooyinka qaranku ka soo saaray muddada doorashadu qabsoomayso ee ay caawa u gudbiyeen madaxweynaha
Hubaal Media Network
Hargeysa…Somaliland