Nairobi (Hubaal) Wada-hadallo hoggaamiyayaasha asxaabta siyaasadda Somaliland doonayeen inay la furaan hoggaamiyaha kooxda la baxday Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaan suurto-gelin.
Wadahadalladan oo la doonayey inay ka dhacaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa u baaqdey sabab aan la garanayn, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo shalay ka hadlayey Magaalada Burco oo safar taageero raadin ah ku joogo “Saddexda Guddoomiye ee saddexda xisbi Qaran, waxaanu isku daynay safarkii aanu ku tagnay Kenya in aanu la kulano Cali Khaliif,laakiin nooma ay suurta galin” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro, waxaanu intaasi ku daray “Laakiin, Somaliland way la kulmaysaa Cali Khaliif, haddii Illaahay ka dhigo”
Guddoomiye Cirro, ma sheegin sababta uu u baaqdey kulanka ay doonayeen inay Nairobi kula kulmaan Mr. Galaydh iyo inay ballan kula lahaaayeen halkaasi, hasa-ahaatee waxa uu sheegay in siyaasadda xisbiga WADDANI ay tahay in siyaasiyiinta Somaliland miisanaka ku leh lala hadlo “Siyaasadda xisbiga WADDANI waxa weeyaan in aynu noqono Somaliland oo aan magacyo la kala bixin, waxaanu doonaynaa deegaanka wax tirsanaya iyo ninka siyaasiga ah ee Miisaanka leh ee Somaliland u dhashay ee wax tabanayaba in aynu la hadalno” ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo intaa sii raaciyey “Waxaynu diyaar u nahay in aynu Cali Khaliif la hadalno, waxaanuna doonaynaa inaanu abuurno Somaliland oo mid ah”
Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa toddobaadkan wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ku sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal dhex mara Somaliland, waxaase uu intaasi raaciyey in qaabka wada hadal ee uu doonayo uu yahay in Somaliland iyo Khaatumo ahaan loo wada hadallo, laakiin taasi ayaan la ogeyn waxa uga qorsheysan xukuumadda Somaliland.
Xigasho:Wargayska Somalilandtoday