Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia Oo Dib U Dhacay

0
33

Hargeysa(Hubaal) -Wada xaajoodka u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo Maanta ka furmi lahaa Dalka Turkiga ayaa dib u dhacay. Lama oga sababta keentay in wada hadaladu dib u dhacaan balse hore waxaa labada dhinac ugu qorshaysnaa in 26-ka Bishan oo maanta ku beegnayd wada hadaladu dib uga furmaan Turkiga.

wadahadalkaWasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in wada hadaladu muddo kooban dib u dhaceen islamarkaana 1-da bisha March ay Turkiga ka furmi doonaan. Wasiirka oo BBC-da la hadlay ma sheegin sababta keentay in muddadooda wada hadalku dib uga dhaco.

Waxaa la rumaysan yahay in dib u dhacu ka yimid dhinaca Somalia, maadaama Guddida Somaliland u qaabilsan wada hadalku diyaar garow ugu jirtay shirka todobaadadii la soo dhaafay. Guddida ayaa lahayd kulamo u dhexeeya iyaga iyo kuwo ay la yeesheen Asxaabta Qaranka.

Kulamadan oo heer Wasiir iyo Xildhibaanno ah ayaa lagu talo jiraa in haatan loo gudbo arrimaha Mustaqbal ee labada dhinac kuwaasi oo si aada ugu kala mawqif fog. Somaliland ayaa ajandaheeda geed ka go’anka ahi yahay in Gooni isku taagu yahay lama taabtaan, sidoo kalena Somalia ayaa aaminsan inaanay suuro gal ahayn in laga wada hadlo kala goynta wixii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Somalia.

Mucaaradka Somaliland ayaa dhaliilsan Wada hadalada Qaran ee Xukumaddu hogaaminayso, iyagoo ku doodaya inay ahayd in Mucaaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan lagu daro. Dadka qaar ayaa sidoo kale rumaysan inaan wada hadalada wax natiijo ah laga gaadhi doonin balse waxaa la dhawrayaa 1-da March marka uu shirkaasi furmo iyo natiijada uu ku soo xidhmo.

 xigasho:ramaas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here