Waa Maxay Cadaaladda Uu Madaxweynuhu Hagaajinayaa,Garsoorku Miyaanu Ahayn Awrkan Cadaysimahaa

0
95

Wax ka qabashada iyo toosinta cadaalada umadani ama qarankani u baahanyahay maaha kolba gudoomiye la eryo iyo mid la maga-caabo ee waa toosin dastuuriya iyo  xeerarkii lagu maamulilahaa in loo sameeyo garsoorka.

garyaqaan xuseen shabeelSida dastuurka Qod.37aad  uu dhigayo  qarankani waxa uu leeyahay sadex waaxood oo kala madax banaan oo mid waliba hawsheeda shaqo u gudanayso sida dastuurku ugu gaaryeelay ,dhanka kale Qod.97aad ee dastuurku waxa uu sheegayaa in qaranku uu yeelanayo waaxda garsoorka oo hawsheeda u fulinaysa si dastuurka waafaqsan oo ka madax-banaan waaxaha qaranka ee kale.

Iyada oo qodobadaa iyo qaarkale oo dastuurkii si cad ukala qeexen waaxaha qaranka ayaa hadana dastuurku dhinaca kale awoodii iyo madaxbanaanidii waaxda garsoorka diciifiyay oo halkii laga odhan lahaa hayada maamulaysa haayada garsoorka loobixiyay gudida cadaalada oo waliba xubnihii gudida cadaaladu ka koobnayd laga dhigay qaar ka imanaya labadii waaxood ee kale (Fulinta iyo sharci dajinta) taasoo waliba ay u dheertahay xubnaha ka imanaya labada gole ee kale badankoodu aanay wax aqoona iyo waaya aragnimo ah oo ay u leeyihiin shaqadan loo xilsaaray iyo cidan ay maamulayaan toona aanay jirin oo laga yaabo inaanay waligood meel sharci lagu dhigayo iyo meel uu garsoor yahay toona aanay ka hawl galin oo aanay duruufta shaqadan loodiray ku xeeran iyo waxa looga baahanyahay toona  aanay fahan sanayn bal u fiirso qodbka dastuurigaa ee ka hadlaya ama sharaxya shaqadooda(gudida Cadaalada) iyo meelaha ay ka kala imanayaan xubnaha ay ka koobantahay gudida cadaaladu waana sidan soo socota.

Qod: 107 aad ee dastuurka jamhuuriyada somaaliland oo sheegaya dhismaha gudida cadaalada iyo xubnaheedu meelaha ay kakala imanayaan.

Waaxda fulinta waxa ka imanaya.

  1. Gudoomiyaha haayada shaqaalaha.
  2. Agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada.

Waaxda sharci dajinta waxa ka imanaya.

  1. Laba xubnood oo golaha wakiiladu soo magacaabo labadii sanoba hal mar.
  2. Laba xubnood oo golaha guurtidu soo magacaabo labadii sanoba hal mar.

Garsoorka waxa ka yimaada Afartan xubnood oo kaliya.

  1. Gudoomiyaha maxkamada sare.
  2. Labada garsoore ee ku xiga xaga darajada (seniority).
  3. Xeerilaaliyah guud.

Waxaana ay u xilsaaranyihiin magacaabida iyo shaqo ka eriga dalacsiinta,anshaxmarinta  garsoorayaasha maxkamadaha hoose ee ilaa racfaanda ilaa dagmooyinka sidoo kale waa gudida lafteedee wax xeera oo shaqadeeda damaanad qaada ma laha nidaaminaya ma laha.

Hadaba hadaad eegto qaab dhismoodkooda iyo xaqiiqada jirta manta  ay iska muuqato in wixii xukuumadu u baahato siday doonto u marinayso iyadoo magaca gudida cadaalada uun lagu shaanbadaynayo sida ku dhacday garsoorayaal shaqadoodii u gudanaaya sidii sharciga ahayd markii sidii la rabay wax u dhigi waayen in shaqadoodii sabab la’aan looga caydhiyo sidaa si lamidina ay hurantahay inta shaqada wali sii wada shaqa ka saaridoodana waxa la maqlaa uun  iyadoo la leeyayahay gudida cadaaladaa eriday waana gudidaa aynu arkayno waxa ay ka koobantahay, wax xeera oo u dhaxeeya oo loo marayaana  ma jirto.

Sidoo kale waxa aan mudadaa 25ka sono ah aan la samaynin oo qabyo ah xeerkii garsoorka ee xaqooda ilaalin lahaa garsoorayaasha damaandadana uga ahaan lahaa shaqadan dhibta badan ee duruufaha kakani ku gadaamanyihiin ee loo igmaday dhanka kalana ka ilaalinlahaa dadwaynahan aadka uga cabanaya cadaalad darada inaan sidii la doono laga yeeline xeerka iyo xaqiiqada loogu garsooro xeerkaasoo samayntiisana dastuurku jideeyay sida ku xusan Qod:102 aad ee dastuurka waxaanu  ilaa manta horyaalaa golaha wakiilada oo aan la ansixin.

Sidoo kale wax illaamanta qabyo ah oo aan la samayn xeerkii nidaaminaayay garsoorayaasha maxkamada sare ee uu samayntiisa dastuurku jideeyay sida ku cad Qod:101 aad ee dastuurka.

Waxa kale oo aan ilaa manta la samaynin xeerkii nidaamin lahaa Maxkamadaha ciidamada iyo Xer-ilaalinta ciidamada oo isagana samayntiisa uu dastuurku waa jibiyay sida uu tilaamayo Qod:104(2)aad ee dastuurka jamhuuriyada somaaliland.

Waxa kale oo maqan oo aan isna la samayn xeerkii qeexaayay wada shaqaynta wasaarada cadaalada iyo haayadaha garsoorka oo ilaa manta awoodohoodii la kala garan layahay tusaale ahaan shaqaalihii maxkamadaha waxa laga xukumayaa wasaarada cadaalada taasoo meel ay sharciga kaga taalaa aanay jirin taasna waxa sababay xeerkan oo maqan isagoo samayntiisu datuuri tahay sida ku tilmaaman Qod:106(2) ee dastuurka jamhuuriyada somaaliland.

Dhinaca kale waaxdan garsoorku maamul ahaan iyo maaliyad ahaan toona uma madax banaana sidaa darteed ma jirto si cadaalada looga baahanyahay looga helaa waana waax awoodeedii la dhantaalay oo wixii horumar ahaana laga ilaalinayo , hadii xaalku sidaa sii ahaadana qarankan jiritaankiisuba waxa uu ku jiraa halis.

Dhinaca kale garsoorku malaha miisaaniyad  ku filan baahiyihiisa ama u dhiganta ta labada waaxood ee kale qofka xaqsoorka loo dhiibtay ee baahidiisiina aan waxba laga qaban waxa laga sugayo dadwaynahaan u dhaafayaa jawaabta arinkaa?

 xaga amniga waxa ay ula simanyihiin dadwaynaha cadigaa oo waxaad arkaysaa garsoorihii ama xeerilaaliyihii oo dacwad dila ama argagixiso ah ka soo baxay oo dadwaynaha baska la raacaya ama sii lugaynaya wadooyinkaa  taga xaafadiisa oo kaligiiya xaaladaana bal qiyaasa jawaabteedana dadwaynahaan u dhaafayaa.?

Garyaqaan: Xuseen Shabeel C/laahi

Xu06-shabeel@hotmail.com

 Tell:0634741313

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here