Ururka SSWJ oo Shaaciyay Bannaanbaxyo Salmi ah oo Lagaga soo Horjeedo Cabudhinta Saxaafadda Somaliland

0
37

Ururka SSWJ oo Shaaciyay Bannaanbaxyo Salmi ah oo Lagaga soo Horjeedo Cabudhinta Saxaafadda Somaliland
Waxa la qorsheeyey in bannaanbaxyada salmiga ah ka dhacaan Somaliland iyo wajahada hore ee guriga madaxweyne Siilaanyo ka degan yahay London
Hargeysa (Hubaal)-Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxbannaan ee SSWJ, ayaa sheegay inay qabanqaabinayaan bannaanbax salmi ah oo lagaga soo horjeedo cabudhinta saxaafadda iyo xayiraadda saaraan wargeyska Haatuf iyo Hubaal, kuwaasoo qorshuhu yahay inay ka dhacaan gudaha Somaliland iyo magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka SSWJ xalay, ayaa lagu sheegay in bannaanbaxaas loogu tallogalay sidii xukuumada madaxweyne Siilaanyo loogu caddaadin lahaa inay faraha ka qaado wargeysyada xayiran ee Haatuf iyo Hubaal, isla markaana tixgeliso madaxbannaanida iyo xoriyadda saxaafadda.
“Ururrada saxaafaddu iyagoo la kaashanaya qaybaha kala duwan mushtumaca Somaliland iyo Isbahaygsiga Ilaalinta Xoriyaadka ee ka kooban ururrada bulshadda, kuwa xuquuqal-insaanka, xoogaga siyaasadeed ee mucaaridka iyo xubno ka tirsan labada aqal baarlamaan, waxay qaban-qaabinayaan bannaanbaxyo iyo kulamo (Rallies) salmi ah oo ay ka qaybgalayaashu ku cabirayaan shucuurtooda ka dhanka ah cabudhinta saxaafadda, isla markaana ay xukuumadda kaga dalbanayaan inay faraha ka qaado oo ay ciidamadeeda kala baxdo xarumaha labada wargeys ee ay xidhatay si ay dib ugu bilaabaan adeegyadii ay bulshadda u qaban jireen.

 

saxaaffadda
Waxa kale oo aannu hadda hirgalin doonaa qorshe aannu markii hore hakinay oo ay ururrada u dooda xoriyadda saxaafadda iyo xuquuqal-insaanka ee dalka Britain ay guriga Madaxwayne Siilaanyo ee London ka hordhigayaan mudaharaadyo ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin caddaadiska iyo cabudhinta ay xukuumadiisu ku hayso warbaahinta xorta ah ee Somaliland.
Haddii uu ilawsan yahay Mr. Siilaanyo waxa aannu xasuusinaynaa inuu Madaxwayne u yahay dal aan wali hantiyin guushii halganka dheer ee uu ugu soo jiray sidii uu beesha caalamka aqoonsi uga heli lahaa.
Haddaba, haddii aannu dan ka lahayn sumcadiisa gudaha bal ha u tudho uun sumcada dibadeed ee dalkan oo Haatuf iyo Hubaal xoriyadoodii si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ha ugu soo celiyo, hana joojiyo dhaqankan cusub ee uu xarrumaha meheradaha warbaahinta albaabada ugu laabayo,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay ururka SSJW.
Waxa kaloo warsaxaafadeedkaas lagaga hadlay siyaasadda cusub ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo kula dhaqmayso saxaafadda madaxabannaan ee dhalliilaha u jeedisa maamulkooda, arrintaasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid albaabada loogu laabayo hay’adaha warbaahinta ee soo bandhiga maamul-xumada iyo fadeexadaha dul-hoganaya xukuumadda tallada haysa.
“Madaxwaynaha iyo La-taliyeyaashiisu waxay xal moodeen in sida kaliya ee ugu dhibyar ee warbaahinta madaxabannaan ee dalka lagu cabudhin karaa ay tahay in halkii ay ka xidhi jirtay hawl-wadeenada warbaahinta ay taas ku beddesho xayiraad ay ku soo rogto Wargeyska ama Telefishanka madaxabannaan ee dhaliilaheeda iyo fadeexadaha dul hogganaya bulshadda u soo bandhiga.
Xukuumadu waxay iska dhaadhicisay in halkii markay suxufi wax ka sheegay xidhaba ay ku mutaysan jirtay cambaarayn iyo dhaleecayn aan kala go’ lahayn oo kaga timaad bulshadda reer Somaliland iyo beesha caalamkaba ilaa inta suxufigaasi la soo daynayo ay xukuumad ahaan uga sahlan tahay meheradii uu suxufigaasi ka shaqaynayey oo ay albaabada u xidho.
Maamulka Siilaanyo wuxuu siyaasadiisan cusub ee uu kula dhaqmayo warbaahinta madaxabannaan ee dalka ku tijaabiyey wargeyska Hubaal oo uu amar ku bixiyey in xarruntiisa la xidho 13 December 2013.
Xukuumadu markay aragtay in gudo iyo dibedba muddo gaaban oo laga daba-qayliyey mooyaane aan wax dambe kaga imanin xarruntii Hubaal ee ay xidhay ayaa waxay ku dhiiratay inay sii wado dhaqan-xumadeedan cusub, waxaanay 7/4/2014-kii albaabada u laabtay xarruntii guud ee wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, iyadoo xarrumihii labadaas wargeys iyo Hubaal-ba ay ilaa hadda u xidhan yihiin.
Madaxwayne Siilaanyo waxay ahayd inuu wax ku qaato fadeexadii ka raacday iyo magac-xumadii ay dalka u soo jiiday dhaqan-xumadan cusub ee uu xarumaha meheradaha warbaahinta ciidamada ku wareejinayo.
Xukuumadu gudcur bay gudaysaa haddii ay u haysato in bulshadda reer Somaliland iyo ta caalamkuba ay saddexda wargeys ee wali xidhan kaga hadhayaan Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Axmed Cali Cige ee xadhigii xaqdarada ahaa ee lagu xukumay ay ka dhaaftay,” ayaa warsaxaafadeedkaas lagu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here