Warsaxafadeed:- SANAAGMEDIA GROUP
Bahda Ururka suxufiyiinta Sanaagmedia Group waxa uu garab taagan yahay Talaabadii SOLJA Kaga dhiidhiday dhawaaqii qadhaadha ee Wasiir cukuse ku tiraabay kaaso uu ku maaganaa in ku takooro warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland.
Sanaagmedia Waxa uu si adag u cambaaraynayaa in Wasaarada Warfaafintu ku taliso inay Card- ama aqoonsiyo ay maamusho ay usamayso Saaxafadda Madaxa banaan.
Sanaagmedia waxa uu bogaadiinaya Xoghayaha ururka Solja Maxamed Rashid Iyo wakiilka gobolka Sanaag Abdulaahi Darwiish oo ka dhiidhiyay in saxaafada Xorta ah Xukumadu hungurayso inay jeebka ku ridato.
Sanaagmedia waxa uu xoojinayaa Go’aanka Saaxafada madaxa banaan ee ay kaga soo horjeedaan xeerarka Madaxtooyadu wadato.
Ururku waxa cambaaraynayaa Xadhiga cabudhinta iyo cago juglaynta Xukumadu ku hayso saaxafada madaxa banaan Ee Dalka
Sanaagmedia waxa uu saaxafadda Somaliland ka raali gelinayaa Xubno calooshooda ushaqaystayaal ah oo magaca ururka iyagoo sheeganaya Sifo khaldan ka bixiyay hadafka iyo qorshayasha Ururkan.
Mar labaad Ee marsadexaad waxa uu ururku Cambaaraynayaa Hadaladdi xanafta badnaa iyo hanjabaadihii is barkanaa Ee wasiir Cukuse
Alaa Mahadleh
Ceerigaabo/Somaliland