Urur Ay Ku Midoobeen Ardayda Reer Somaliland Ee Ethiopia Oo Lagaga Dhawaaqay Magaaladda Addis-Ababa + Boqolaal Arday Oo Ka Gaybgalay Doorashadda Guddoomiyaha Cusub + SAWIRO

0
56

Hargeysa(Hubaal)-Urur ay Ku Midoobeen Ardayda reer somaliland ee Waxka Barata Wadanka Ethiopia ayaa Lagaga dhawaaqay magaaladda Addis ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia .

Munaasibadda Ku dhawaaqista Ururkani Cusu5b  ayaa Lagu qabtay Barxadda Hore ee Saafaradda somaliland ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Munaasibadda Kasoo qayb galay Safiirka somaliland ee Addis ababa Mudane Ayaanle Salaad Diiriye iyo Madaxkale oo ka socda somaliland kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Maamul Ku xigeenka Madaarka Caasimadda Hargeysa Cabdilaahi Yusuf Axmed.

3

madashani lagu unkay ururka ardayda somaliland ee dalka ethiopia oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay waxaa kasoo qayb galay ku dhawaad 300 oo arday kuwaasi oo wax ka barta dalka Ethiopia iyaddoo siddoo kalenna ay Madashii lagaga dhawaaqayay Ururkani ay Hadalo ka Jeediyeen Safiirka Somaliland ee Addis ababa Mudane Ayaanle Salaad Diiriye.

2

Siddoo Kalenna waxaa Madasha Ka hadlay Martisharaf Ka socday somaliland kuwaasi oo hawlo shaqo u jooga Magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia .

6

Ururka Cusub ee Ardayda somaliland ee dalka Ethiopia ayaa isla Xafladaasi Guddoomiye loogu doortay   Khaalid maxamed Ibrahim oo ka mid ah ardayda somaliland ee waxka barata dalka Ethiopia.4

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here