Umadda Reer Somaliland markhaati Ha Ka Noqoto Heshiiskii Beesha Madaxweyne Siilaanyo La Gashay Beesha Muuse Biixi inay Maanta Doonayso Inay Jabiso.

0
34

Sanadkii 2008-dii bishii june ayaa shir balaadhan oo beelaha madaxweyne siilaanyo iyo beelaha Muuse Biixi Ku gaadheen magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer,nuxurka heshiiskaasi ayaa waxa uu ahaa in shanta sanno ee doorashada madaxweynaha loo daayo Siilaanyo sidaasina labada beelood cududooda isugu geeyaan,shanta danbana loo dayo Muuse Biixi labad beeloodna sidaasi ku taageeraan.

Hadaba heshiiskaasi oo sidaasi ahaa ayaa hada waxa uu u muuqdaa in beesha madaxweyne siilaanyo doonayso inay jabiso heshiiskii la wada ogaa ee labada beelood galeen,sidaasi oo ay tahay ayaa waxay umadda Somaliland idho gaar ah ku eegaysa sida ay isku qabtaan beesha madaxweyne siilaanyo ee hada doonaysa inay heshiiskaasi ka baxdo,iyadoo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegeen inay shir isugu yimaadeen wax gaardka beesha madaxweyne siilaanyo,shirkaasi oo ay ku gaadheen in siilaanyo mar kale isku soo sharaxo xisbiga dhexdiisa isla markaana laga baxo heshiiskii hore loo galay.

Hadaba su’aashu waxay tahay sababta beesha madaxweyne siilaanyo uga baxayso heshiiskii hore labada beelood u gaadheen? Ma kursiga ayaa u macaanaaday mise marka horeba waxay doonayeen inay awrkooda ku kicistaan beesha Muuse Biixi?

Hadaba dadka arimaha siyaasada ka falooda ayaa waxay ku tilmaameen beesha madaxweyne siilaanyo ee doonaysa inay jabiso heshiiskii hore loo gaadhay inay noqon doonto mid aan abidkood ka hadhi doonin beel kalena aysan weligood aamini doonin,dhaxalka ay uu yeelan doono heshiiska ay jabinayaana wuxuu noqon doonaa kaasi.

Gababadii waxaa waajib ah in aqoon yahanka,siyaasiyiinta,waxgaradka,haweenka iyo dhalinyarada beesha Muuse Biixi isu yimaadeen shir ay kaga tahsanayaan shir-qoolka beesha siilaanyo ku sameysay.

 

Qore: Axmed C/risaaq Maxamed

 

Email:axmed-1994@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here