Ugaas Cabdirashiid Oo Beelaha Samaroon Kula Dardaarmay Inay Nabadgelyada Illaashadaan, Ummada Kalena Ixtiraam Kula Dhaqmaan

0
29

Xukuumada oo taageertay go’aamadii shirka ka soo baxay

Boorama (Hubaal)-Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaad Doodi ayaa u soo jeediyey shacabka gobolka Awdal inay nabadgelyadood adkaystaan, bulshada reer Somalland-na kula dhaqmaan ixtiraam iyo karaamo.

gaas Rooble oo ka hadlayey xafladii xidhitaankii shirkii beelaha Samaroon dhowaan yeesheen ayuu sheegay in loo baahan yahay sidii ay u doonan lahaayeen dad wax la qabta, iyaguna wax wada qabsadaan.

Mar uu ka hadlayey dardaarankiisa beesha waxuu yidhi, “Illaahay baa mahad leh, oo isku keen keenay, waxaynu qaadanay qodobo aad u muhiim ah, oo ay koow ka tahay midnimadeenu, haddii tafaraaruq yimaado waxba ma qabsan karno, markaa midnimadeena hala adkeeyo, ummada aynu la nool nahayna sidii laynugu yaqaanay hala siiyo ixtiraam iyo karaamo, dardaarankuna waxa weeyi xadhiga illaahay aynu qabsano, oo diinteena aynu quweyno, dadka dhibaatooyinka ka samaynaya magaalooyinkana aynu iska qabano.

ugaaska samaroonUgaas Rooble oo ka hadlayey muhiimada dekeda Lughaya iyo sida loogu baahan yahay inay helaan dad wax kala qabta ayuu yidhi, “Haddii aynu nabadgelyada adkayno noloshu way inoo dhib yaraanaysaa, waxaan dhamaan bulsho-weynteena ogeysiinayaa in hore aan ugu dadaalaynay dekeda, maantana aanu aad ugu sii dadaalayno oo aanu keeni dad badan oo wax inala qabta, inaguna aynu wax wada qabsan doono. Carruurteena tahriibaysa waxaynu ku joojin karnaa marka aynu dhaqaalaheena dhisno, ee dalkeena dhisano, waayo qurbe wax yaalaa ma jiro, ee dhulkeena aynu ka shaqaysano, haddii kale dhibaatooyinku way sii soconayaan, waxaan cadaynayaa waxay shacabku doonayaan inaanu u taaganahay inaanu ka hawlgalno.

Waxaan u mahad naqayaa guud ahaan intii ka hawlgashay qabsoomida shirkan, waxaanan ugu duceynayaa in illaahay ka abaal mariyo ninkii dhisay halkan waa iskuulka’e Cabdiraxmaan Maydal, intaasi ka dib wuu duceeyey.

Dhinaca kale, xukuumada ayaa taageertay shirkii dhowaan beelaha samaroon qabsadeen, Wasiirka warfaafinta Cabdlilaahi Maxamed Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland diyaar u yahay sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha dadweynaha reer Awdal tabanayaa, balse tabashooyinkaasi yihiin qaar u baahan in la daweeyo, waxna laga qabto dhammaantood.

“Madaxweynuhu wuxuu diyaar u yahay inuu xal u helo dhamaantood oo haddaba siday suurogal u tahay dhammaan hadday noqoto iyo hadday qayb ahaan noqotaba inuu xal ku fardaamiyo ayuu ku maqan yahay, laakiin mushkiladda intaas le’eg maaha wax saacaddo lagu saxo, wax dibnaha saaran oo degdeg loo odhanayana maaha. Waa wax u baahan godkaas hore ee ay ku dhacday in laga qodo. Waa wax u baahan in la kabo oo la daweeyo oo la dhayo. Madaxweynuhu waa u diyaar inuu xal u helo, waanu ku muqan yahay,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Cukuse.

Waxa kaloo wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan qodobada ka soo baxay shir ka dhacay degmada Baki ee Gobolka Awdal, waxaannu yidhi; “Waxaannu magaca dawladda hambalyo ku gaadhsiinaynaa shirka ka socda Degaanka Gob ee Gobolka Awdal, shirkaasoo ergadiisu ka koobnayd 700 oo ergay, kuwaasoo ka kooban mutacallimiinta, cuqaasha, sallaadiinta, Ugaasyada, culimada, waxgaradka kale, waxaannu ku hambalyaynaynaa dariiqa wanaagsan ee Illaahay waafajiyay.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa sidoo kale ammaanay safarkii madaxweyne Siilaanyo ku maray gobolada iyo degmooyinka dalka, isagoo tilmaamay in safarkaasi ahaa mid taariikhi ah oo madaxweynuhu ku ogaaday xaaladaha nololeed ee dadka ku dhaqan degaanadii uu maray, isla markaana muddadii tobanka maalmood ahayd ee safarku qaatay la furay mashaariic badan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmooyinka Somaliland.

source:Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here