Hargeysa(Hubaal):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa si kulul u cambaareeyey, isla markaana sharci-darro iyo tacaddi ku tilmaamay xukunka subaxnimadii hore ee saaka ay Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) waxay subaxnimadii hore ee saaka abbaaro lixdii subaxnimo xukuntay Guddoomiyaha Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe saddex sano oo xadhig ah, halka Tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige oo aan markaa Maxkamadda hor-joogin ay ku xukuntay afar sano oo xadhig ah, halka ay Wargeysyadaasna ku xukuntay Konton Milyan oo Lacagta Shilinka Somaliland ah iyo Ruqsaddii oo ay kala noqotay Wargeysyadaas.
Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID u taagan Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu cambaaraynayo xukunkaas oo u muuqda mid sharci-darro ah oo ay Xukuumaddu jeebka ugala soo baxday Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf.
“Waxaannu aad uga xunnahay in maanta (saaka) lixdii subaxnimo la keenay Maxkamadda gobolka Hargeysa Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Mulkiilihii Wargeysyada Haatuf oo Af-Soomaali lagu qoro iyo Somaliland Times oo Ingiriisi lagu qoro, Maxkamadda ayaan joogay doorkii hore waanan ka hadlay, Xeerka maanta lagu qaaday Sharci ahaan maaha sharci. Waxay ahayd in lagu qaado Xeerka Saxaafadda ee Xeer NO: 27/2004 ee Baarlamaanku ansixiyey, ee may ahayn in lagu qaado Xeerka Ciqaabta, sababta oo ah Cid muu dilin, cidna waxba umuu geysan.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jaamal Cali Xuseen oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa xukunkaas ka dib.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inaan loo baahnayn inay dawladda lafteedu sharciga dalka u yaalla ka tallaabsato oo ay jebiso, waxaanu yidhi; “Xeer Saxaafadeed baynu leenahay oo Baarlamaanku innoo ansixiyey, waxaynu noqonaynaa sidii Miyi aan dawladi ka jirin oo kale, dawladda waxa laga filayaa inay Shuruucda dalka ku ilaaliso, maaha inay iyadu ka booddo, oo kolba kii ay neceb tahay ay Sharci jeebka ugala soo baxdo oo ay u isticmaasho maaha.”
“Yuusuf Cabdi Gaboobe Salaasadii shalay ayay ahayd in Maxkamadda la keeno, dawladdu Muddaharaad bay ka baqatay oo lama keenin, balse saaka lixdii Subaxnimo ayaa isagoo keligiiya la keenay Maxkamadda oo la xukumay sidii Maxkamadihii Xukunkii Millateriga ahaa oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen. Waxaanu ku baaqay in dib loo eego go’aankaas sharciga baal-marsan ee ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ee Masuuliyiinta Haatuf iyo Hay’addooda Warbaahineed lagula kacay.