HUBAAL KA AKHRI:  Sharcinimada Xukunka Lagu Riday Mas’uuliyiintii HAATUF iyo Wargeysyadoodii  Falanqayntii Garyaqaan Xuseen Shabeel

0
31

Hadaan u soo daadago dulucda hadalkayga waxa jirtay in dacwad ay  eedaysanyaal ka yihiin  gudoomiyaha iyo tafatiraha wargaysyada Haatuf iyo Somaalilandtimes ay ka socotay mudooyinkii u danbeeyay ee bilahan aynu ku jirno dacwadaas oo eededu u qornayd sidan

25/06/2014.

  • Marka hore waxaan ka afeefanayaa inaanan maqaalkaygan cid gaara  ku taageerayn cid gaarana aanan ku canbaaraynayn.

Hadaan u soo daadago dulucda hadalkayga waxa jirtay in dacwad ay  eedaysanyaal ka yihiin  gudoomiyaha iyo tafatiraha wargaysyada Haatuf iyo Somaalilandtimes ay ka socotay mudooyinkii u danbeeyay ee bilahan aynu ku jirno dacwadaas oo eededu u qornayd sidan.

 xuseen shabeel

Dhibane: Qaranka jsl iyo dhibanayaal kale.

Eedayasanayaal: Yuusuf Cabdi Gaboobe (Gudoomiyaha Haatuf) iyo Axmed Cali Cige (Tafatiraha wargayska Haatuf).

Kuna eedaysan Qod: 287,215,328,269(2),451(3),45,71 XCG.

Marka kowaadba hadaynu ka hadalno qoraalka eeda iyo qodobada loo cuskaday eedani isma laha cida loo adeegsanayo iyo eedaysanayaasha magacyadooda kor ku xusani sababtoo ah xeerka ciqaabtu ma khuseeyo loomana cuskan karo sharciyan dacwadaha saxaafada maadama ay leeyihiin xeer saxaafadeed oo dhaqan gala loona raaci karo wixii dacwada ee khusaysa dhamaan warbaahinta somaaliland iyo cida ka shaqaysaba.

Dhanka kale waxa dacwadan ka dhibana ah qaranka iyo dhibanayaal kale oo aanay magacyadooda iyo astaamahoodu toona  cadayn sida ka muuqata qoraalka eeda taasoo sharciyan aanay banaanayn in eed loo sameeyo sidaa darteed mar hadaanay jirin cid cayiman oo la garan karo oo dhibane ka ah eeda dhamaan qoraalka eedu waa baaba oo waa waxba kama jiraan in lagu dhaqmo iyo in ay maxkamadi dhagaysataaba sida ku xusan Qod: 71(g)XHC.

Hadaba iyadoo taasi jirto ayay hadana maxkamada gobolka ee M/jeex mudaysay  markii kowaad  dhagaysiga dacwadan 04/05/2014 maalintaas oo markii la guda galayba ay ka biyo diideen qareenadii difaacayay eedaysanayaashu geedi socodka dacwada,isla maalintaas oo ay maxkamadu go’aamisay in la xidho masuuliyiintan mudo ka dibna lagu soodaayay damaanad,hadana markale ayay maxkamadu dhagaysatay dacwadii iyadoon wax qareena oo difaacayaa joogin eedaysanayaashan taasoo xaaran ku ah sharciga oo khilaafsan xaqa uu siiyay dastuurka jsl iyo xeerarka kale ee dalka u dajisan muwaadinkasta inuu xaq u leeyahay inuu helo qareen una wakiisho dacwadiisa si uu u helo difaac haboon oo sharciga waafaqsan lana gali Karin la’aantiis sida ku xusan Qod: 27(1),28(2) ee dastuurka iyo 15 XHC.

11695

Iyadoo waxaasoo dhami jiraan ayaa hadana isagoon wax difaaca helin lagu xukumay sadex sano iyo ganaax 50,000000 (konton milyan ah) oo aan xeerarka dalka ganaax intaa leegi jirin meel uu kaga jiro iyo meel uu kaga xusan yahay toona lana garanayn qodobka iyo xeerka ay maxkamadu u xukuntay xukunkan cadaalada iyo xeerarka dalka u dajisan baal marsan waxaan u arkaa xukun cadaalad doro ah loomana raacin xeerkii saxaafada ee uu kiiskoodani hadii lagu cadeeyo loo raaci lahaa,waxa kale oo xukunkani ka soo hor jeedaa oo uu baal marsan yahay xoriyatul qawlikii iyo madax banaanida saxaafada.

  • Dhanka kale waxa nasiib daro ah cid kastaa markay mucaaridka tahay ayuunbay jeceshahay inay saxaafada iyo maxkamaduhu madax banaanadan,tusaale waxa kuugu filan markuu kulmiye mucaaridka ahaa iyo maantuu ciro can baaraynayo xukunka ku dhacay haatuf qirayona ianaanay maxkamaduhu ,madax banaanayn waxaasoo dhami waa wax jira oo aynu wada ognahay iyo qaarkaloo badanibee waxaan mudane C/raxmaan ciro oo ah gudoomiyihii golaha sharcidajinta odhan lahaa awooda kaliya ee mucaaridku ma canbaarayn uun baa intaad leedahay xukuuumadu xoriyadeedii ha u soo celiso garsoorka maxaa adiga awoodaadii kaa qariyay, sidaynu wada ognahay garsoorku dastuuriyan ma madax banana ,dhaqalo ahaan ma madax banana ,sikuyuurati ahaan ma madax banana oo dhamaatood waxa gacanta ugu haysa laanta fulinta ee intaad cidkale u baryayso waxaan kuu soo jeedin lahaa cidi wax ma madax banaanayse xeerbaa wax madax banaaneye intaad madaxda katahay laanta sharci dajinta in dastuurka dib loo furo oo garsoorka la madaxbanaaneeyo dastuuriyan si loo helo cadaalad loowada siman yahay adigana taariikhday kuu gali lahayd,somaalidu waxay ku maah maahdaa rag cadaalad waayay sida cawsha kalayaac inta aan la helayo garsoor dastuuriyan madaxbanaana tani way taagnaanaysaa iyo qaarkale oo badaniba.

Garyaqaan: Xuseen Shabeel C/laahi.

Email:lowyerhussein@gmail.comxu06-shabeel@hotmail.com.

La soco qaybta danbe……………………………………

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here