Hargeysa, (Hubaal)-Guddida Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay kulan ku yeeshay Magaaladda Hargeysa.
Kulankan ayaa lagu lafo gurayay waxyaabaha Somaliland la tagayso Shirka Turkiga ka qabsoomaya ee labada dal.
Kulankan oo Albaabadu u xidhnaayeen markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis “Waxaanu ka wada tashanaynaa Ajandaha iyo qorshaha Shirka aanu la tagayno, Wada hadaladii hore waxyaabaha ka soo baxay wixii ka fulay iyo wixii aan ka fulin. Waxaanu doonaynaa inaanu Turkiga tagno annaga oo ka boganay arrimaha aanu doonayno inaanu ka hadalno iyo ajandahayaga. Waxaad la socotaan in waxyaabihii ugu mihiisnaa ee Shirkii Jabuuti ka soo baxay ay ka mid ahaayeen arrimaha Masiiriga ah iyo inaan la carqaladdayn wixii dhaqaalaha ah oo aan la siyaasadayn iyo in la fuliyo arrimaha kale ee ay ka mid yihiin Maamulka Hawada” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay inay rajaynayaan in kulamaddan soo socda laga gaadho go’aamo wax ku Ool ah ‘Waxaanu filaynaa inaanu Kulankan natiijo wax ku Ool ah ka gaadhno, waayo ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, waxaanay labadayadaba dantu ugu jirtaa inaanu kala ambabaxno annagoo laba dal oo jaara ah” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu sheegay in hanaankii hore ee wada hadalada loo raaci jiray wax laga bedelay islamarkaana ay ka filayaan Natiijo midho dhal ah oo kulamada laga gaadho.
Wasiirku wuxuu sheegay inay talooyin badan oo arrimaha wada hadalka ku saabsan ka heleen Baarlamaanka Yurub oo ay dhawaan bookhdeen, Dad aqoon yahan ah iyo waliba Wasiiro beesha Caalamka ah kuwaasi oo wax ka taraya Qorshahooda.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku tilmaamay Turkiga, mid aan dhex ka ahayn wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.Sidoo kale, xubin ka mid ah xildhibaano loogu yeedho, xildhibaanadda awooda ku leh Madaxtooyadda, ayaa isna sidaa si la mid ah uga dariyay dhexnimadda Turkiga.
Dhanka kale, gudigan is sheegay inay u xilsaaran yihiin wadahadaladda, ayaan hada iyo ka hor marna shacabka ka qancin, waxay la gole tagaan iyo waxay kala soo noqdaan toona, isla markaana ildheerayaasha arrimaha siyaasadda rogrogaa waxay rumaysan yihiin, in gudiga xukuumadda iyo miisaanka masiirka ummada ee la doonayo in laga midho dhaliyaa aanay is lahayn.
xigasho:ogaal