TOOYASHO IYO TOOGOBEEL: Gabay Abwaan Sacad Ku Cabiray Siyaasadda Qabyaaladda Ku Dhisan Iyo Saamaynta Taban Ee Ay Ku Yeelatay Bulshadda Somaliland

0
207

Gabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee  ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida  ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuran geeddi dheer. Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da dhinaca qaafiyadda,  waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da  ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd; gunaanadka beydadka gabaygani waa duco,macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.Taariikhda: 11 February 2015. Cinwaanka Email: saadroodhiile@gmail.com

 Abwaan Sacad Roodhiile picture

  1. Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere

  1. Tigraar aan u dhigay waa hora, weli ku taagnaaye

  1. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene

  1. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay

  1. Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane

  1. Kolkii gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane

  1. Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay

  1. Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye

  1. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey

  1. Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay

  1. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye

  1. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin

  1. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi

  1. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni

  1. Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye

  1. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene

  1. Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay

  1. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe

  1. Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan

  1. Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda

  1. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane

  1. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene

  1. Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima

  1. Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan

  1. Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tayoota

  1. Taaj-mahaal buumbayda hindiya, taamil sari laanka

  1. Talaabib iyo falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo

  1. Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taksaas

  1. Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok

  1. Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago

  1. Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda

  1. Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado

  1. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay

  1. Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane

  1. Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta

  1. Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto

  1. Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway

  1. Tijagistaanida bari xigtee, tidicii ruush goysay

  1. Iglan goobta tootanham iyo hitrow, tagsigii biristool

  1. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay

  1. Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali

  1. Badda tooxle marinka jabuuti, ticisidaa yamani

  1. Itoobiya tigreega maqale , taana hara buuxa

  1. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase

  1. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane

  1. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene

  1. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam

  1. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe

  1. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday

  1. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay

  1. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay

  1. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye

  1. Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay

  1. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay

  1. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay

  1. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?

  1. Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixi tafaasiisha

  1. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban

  1. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye

  1. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone

  1. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye

  1. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri

  1. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye

  1. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin

  1. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde

  1. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde

  1. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye

  1. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo

  1. Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan

  1. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey

  1. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray

  1. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo

  1. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane

  1. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin

  1. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini

  1. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey

  1. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan

  1. Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan

  1. Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray

  1. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay

  1. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane

  1. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday

  1. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e

  1. Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e

  1. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e

  1. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay

  1. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane

  1. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo

  1. Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?

  1. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye

  1. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene

  1. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane

  1. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere

  1. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane

  1. Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsi ma daayaane

  1. Tuur iyo tarbiico isku yeel, tahar ma gooyaane

  1. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane

  1. Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye

  1. Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega?

  1. Ma tognee hankaad damac tidhaa, waa tabceeyaane

  1. Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale

  1. Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobay

  1. Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay

  1. Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye

  1. Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye

  1. Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye

  1. Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay

  1. Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye

  1. Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene

  1. Faro madhnaan inay taagan yahin, tollaw yaa u sheega?

  1. Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene

  1. Kolba hebelka badhi taarayaan, loo tartar jeexye

  1. Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska

  1. Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye

  1. Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunkan beenoobay

  1. Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?

  1. Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene

  1. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Maah-maah tiraabtii rag hore, taan ka soo gaadhnay

  1. Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene

  1. Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne

  1. Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye

  1. Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey

  1. Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo

  1. Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto

  1. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye

  1. Hore tuug hadduu baraq nuglaa, cararka tuuraayey

  1. Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya

  1. Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye

  1. Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e

  1. Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye

  1. Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine

  1. Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin

  1. Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane

  1. Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tagi waayo?

  1. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray

  1. Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye

  1. Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay

  1. Tagto hore mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan

  1. Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane

  1. Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin

  1. Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye

  1. Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?

  1. Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene

  1. Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye

  1. Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey

  1. Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e

  1. Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joognay!

  1. Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane

  1. Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene

  1. Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e

  1. Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto

  1. Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray

  1. Oo weli annaa taagan odhan, taniba waa yaabe

  1. Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye

  1. Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso

  1. Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya

  1. Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?

  1. Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta

  1. Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow ayaa sheega?

  1. Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero

  1. Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye

  1. Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye

  1. Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye

  1. Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?

  1. Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray

  1. Oo taxadder foojigo war helin, talada gaadhsiine

  1. Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo

  1. Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday

  1. Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!

  1. Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine

  1. Tacabkii dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo

  1. May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane

  1. Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli

  1. Talyanigaa u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan

  1. Tahluukadii badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay!

  1. Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday

  1. Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?

  1. Teeraanka ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarsan

  1. Tabkac kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay!

  1. Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye

  1. Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye

  1. Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay

  1. Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?

  1. Taakh hore ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene

  1. Tamayuluq rag tii hore bursaday, taas ma loo joogay?

  1. Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye

  1. Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo

  1. Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye

  1. Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye

  1. Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?

  1. Tifiiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya

  1. Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo

  1. Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane

  1. Tafantaaca hadal riiq taraa, toobbonaan malehe

  1. Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane

  1. Taharow tiknoolajiyadaa, loo tartamayaaye

  1. Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay

  1. Tarwadhid qaran kolkii uu ku jira,waan tin guranaaye

  1. Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane

  1. Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin

  1. In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?

  1. Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay

  1. Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin

  1. Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine

  1. Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane

  1. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene

  1. Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay

  1. Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe

  1. Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere

  1. Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye

  1. Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye

  1. Marna tidicyo dheer kuu mudhaad, aad tafniidaaye

  1. Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine

  1. Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye

  1. Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye

  1. Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdaaye

  1. Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan

  1. Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare

  1. Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye

  1. Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe

  1. Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye

  1. Marna talaabo shay kuu jiraad, taabka gaabnaane

  1. Marbaad toggag barwaaqa ah dagtaa, midhaha tuushaaye

  1. Marna tafantoof cayd iyo haraad, gali tahriib dheere

  1. Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qarankii taabiciye

  1. Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye

  1. Talanteel adduunyaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe

  1. Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye

  1. Ku tuntuunso diintii islaam, tani intaan joogto

  1. Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe

  1. Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay

  1. Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama

  1. Eebbow tafaafulka qabyaaladdu, tafarruqay keentay

  1. Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye

  1. Eebbow tagaabodii na sii, tawakalkii raacnay

  1. Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye

  1. Eebbow tafsiirkiyo quraanka, nagu talaal laabta

  1. Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi la tilmaanto

  1. Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene

  1. Eebbow tufaaxaan tirsano, takliif soo yeedhe

  1. Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane

  1. Eebbow caddaaladdi ma taal, kuway taxaabeene

  1. Eebbow tahdiid cago jugladaa, gure taqsiir baase

  1. Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane

  1. Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye

  1. Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye

  1. Eebbow tamcaarodii baryada, ducada noo tiiri

  1. Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye

  1. Eebbow musheekh tabarruc badano, taqiya oo fiican

  1. Eebbow takbiirtiyo dikrigaa, taajud kuu gaara

  1. Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo

  1. Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin

  1. Eebbow ma tirin karo nimcadaa, taala dunidaaye

  1. Eebbow salaadaanu tukano, tiirkan ku hanuunay

  1. Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi

  1. Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane

  1. Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene

                               Aamiin, aamiin

DHAMAAD

Macnaha  Ereyada ku jira Gabayga

  1. Toogobeel = Baahi-beel , kaaftoon qofko ka maarma in gacan qof kale ku tiirsanaado

  1. Tooyasho: Warsasho qofka reerka uu yahay, reer maad tahay, yaa tahay qabiilka.

  1. Tisayn= ooda marka la is dulsaar saaro ee meel banaan loo diido, tis oo ah ka dhigid,

  1. Tigraar= Qori lagu tiiriyo shay soo dhacayey, sare u qabta, kala haya laba shay oo isku soo ciiraya.

  1. Tigin= Qodin yar oo dhulka lagu taago, sida biraha taanbuuga, ama hargaha marka la dhisayo.

  1. Tooraynta= Waa socod toos ah degdega oo aan leex-leexad lahay

  1. Togon= Laan laga soo gooyo geed biri magaydo ah oo udub dhexaad guriga arooska ah lagu taago.

  1. Moodhadh- gaadhiga ama baabuurka

  1. Tawaad= Awood ama xoog, loo tawaan waaye

  1. Tallamay= Tashi, ka feker waxaasi sidii noqonayo

  1. Tirana= Meel magaceed, caasimada dalka albania

  1. Tahan= Awood ama xoog

  1. Tahan 2 Micno kale cabaar, masaafo, wa xoogaa

  1. Haatif= waxaanad arkayn oo kula hadla

  1. Taabud= wanaagsan, ama burji

  1. Tasayn= xaqirid, yaraysasho, fogayn

  1. Tookh= Faan iyo is amaanid

  1. Buraashad= Weyso yar oo biyaha lagu shubto

  1. Tix-maal= Abwaanka qofka suugaanta tiriya

  1. Tallahaase= Meel magaceed, caasimada golbalka florida

  1. Kansas = meel magaceed gobol maraykan

  1. Tubeeka = meel magaceed caasimadda magaaladda kansas

  1. Koloraado=Meel magaceed gobol ka mida maraykan

  1. Taawilo= Wakhtiga soo socda wax ka sii sheegid

  1. Tabaaloobid= dhibaatoobid, wax qof dhib ka gaadho

  1. Tayaaq= Dhawaaq dheer oo gargaar lagu dalbanayo

  1. Tahanbaabid=hungoobid, waayid waxaad filaysay

  1. Toggo= Doorasho ama xulasho

  1. Taamilo= Wax kugu dhacay oo cashar ama waano lagu qaato wixii kaa soo maray.

  1. Tamuux= Ciida dhulka, wax tammuuxda ka badan

  1. Tamani= Sawirasho ama ka fekerid arrin

  1. Tartar= Dhinaca garabka ama feedhaha hoos tooda

  1. Teeris= Ciyaarta turubk saddex waraaqood oo kolka isku beeg maan lagu badiyo

  1. Toogahayn= ka warqabid siday wax yihiin

  1. Tafaqsi= Xoogsi aan loo aabbadayin

  1. Todraac= xeeladda lagu maalo neefka diida in la liso

  1. Teeri= Waran yar oo meel la qabsado leh

  1. Tabiino= waxtar af ama adig ah oo aah tarto

  1. Tahna= in yarna, wax yarna, inyarna ka ma soo helin

  1. Turufoole= beenaale, qof dadka been u sheega

  1. Tunbul= reero ama dad meel wada degan

  1. Tunbuur= Dacaw yar ama dawaco yar

  1. Tacluus= xanuun baahsan oo dadka mar ku wada dhaca

  1. Tammadin= Qof ku dayasho mudan oo lagu hiran karo

  1. Toodibo= Digniin qab, ka war qabid

  1. Taddawur= Horumar iyo wax qabad

  1. Tasarruf= wax sidaad doonto ka yeelid

  1. Tanaadin=Barwaaqo gaadhid

  1. Tahluuko= Dhimasho dad iyo xoolaba oo dhacda

  1. Tabkac= Arrin ama go’aan dhibaato mar lagu dhaafo

  1. Tiiftiif= Jeex jeex mid diirka sare ee qof

  1. Taakh= Lugooyo ama ku hantaaq mid

  1. Taftaafeene= Xanuun ku dhacay la caatoobid

  1. Turaabida= kalma carabiya oo ciida ama carada

  1. Tamandac= Hadal meel ka dhac ah hantaatac

  1. Tafantac= Daan-daasi iyo gardaro

  1. Tobboon= Wanaag, fiicnaan

  1. Tarwadhid= Talaxgab, awood la,aan wax qabad

  1. Temmin= qiime wax lagu goosto

  1. Tahbiib= Diidmo ku qasbid wax aanad qof doonayn

  1. Tahdiid= Caga juglayn iyo tacaddi dadka lagula kaco

  1. Tooman= wax kala dhiman, sida bilaha dayaxa

  1. Tarshad= biyo ku saydhin ama shay qoyan oo kale

  1. Tiimbaro= shaanbadda xafiisyada waraaqda lagu qor

  1. Tacliiq= faallo ka bixin wax la sheegay sida war

  1. Tagxeel= farshaxanimada wax loo dhigo, sida hadal

  1. Tawlanaan= Wax isku habaysan oo isku duba ridan

  1. Togidda-= Furfurmida xadhiga ama taxa

  1. Tafniid= Kala baandhayn, kala bixbixid

  1. Tadhaq= Nacas qof nacas ah oo seedi u dhanaanayn

  1. Tootiro= Qof nasiib daran oo meeshu joogo roob ku helin

  1. Taab-gaabni= Adin gaabni, cag culays

  1. Tafantoof= qaq iyo qaxoonti, bayhoof

  1. Toolmoon= Wanaag, wax fiican oon nusqaan lahayn

  1. Tagaaboda= Taageerada caawimada

  1. Tacabbir= Tahriib ama dhalandhool

  1. Taa’ib= qof danbiga ka toobad keena

  1. Tamcaaro= Duco ama alla bari dadku isku yimaado

  1. Talaf= Dhibaato ama masiibo timaada

  1. Taraqi= Qani ama barwaaqo horumar(kelmad carabi)

  1. Teeraan= Garoonka ku bada lagu ciyaaro

  1. Tulud= Neef geela

  1. Tanaladii= kelmad ingiriisi, godadka buuraha hoos mara ama ka dhex dusa.

  1. Tooxle= Balaadhan ama balac aweyn

  1. Tammuun= Tuuryo sida warmaha

  1. Toobal-caare= Shay la kala ergisto

  1. Mantoona = meel magaceed, Gobol maraykan ka mida

  1. Misiisibii= meel magaceed., gobol ka mida maraykan

  1. Tu’in= sida arka loo fadhiisiyo, awrka tu,i fadhiisi

  1. Taw= xoog u ordid, u dhaqaaqid, taw dhe

  1. Taw= macne kale gabayga ugu jirto, erey xabashi ah oo macnihiisu yahay u kaadi, jooji, daa,

  1. Guhaan= qof wuxuu sheego la arko sida gabayaa

  1. Humaag= sawir aan sifiican u muuqan sida midka abwaanku arko marka gabay tirinayo.

  1. Tarraq= kabriid ka dabka laga shito

  1. Tahar =hilib and baruur iyo jiidh mida ahayn

  1. Tarbiico= iin lugo qalqalooca dadka qaar

  1. Taangi=kaara dagaalka

  1. Tawrad= dawlad sida tii kacaanka soomaaliya

  1. Tabqas= dhaqaale khasaarin

100.Maqale= meel magaceed,maqaalad quumiyada tigreegu degto ee itoobiya

101.Hilin= dariiq, waddo

102.Tebis= neefka dhedig marka uu rimi waayo, uur qaadin

103.Tahlid= shay u awood waayid, ama haleelid waayid

104.Taraarax= sibiibixasho sida marka meel qoyan ama isku sinayn

Cinwaanka Xidhiidhka

saadroodhiile@gmail.com

Fiiro-gaara: Kelmaduhu waxay u kala horeeyaan sida gabayga beydadkiisu  u kala horeeyaan intooda badan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here