Tiradii Ugu Badnayd Ee Salaadiin Iyo Cuqaal Ah Oo Xukuumaddu La Kulmi Doonto Si Ay Mudo Kordhin La Qorshaynayo Ugu Taageeraan

0
32

Salaadiinta Iyo Cuqaasha Oo Ka Kooban Beelaha Somaliland Ayay Tiradoodu Ku Dhawday 2000

Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa abaabulaysa kulan laysugu keeni doono guud ahaan Salaadiinta iyo Cuqaasha Somaliland.

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaaya kulankaas ayaa sheegaya in xukuumaddu ay doonayso inay Salaadiinta iyo Cuqaasha ka codsato in nabadgalayda la’la xoojiyo isla markaasna taageero iyada loo muujiyo, halka  xog hoose oo Wargeyska Waaheen helayaana ay intaas ku sii darayso in kulankan loogu diyaar garoobaayo mudo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku jirta dhamaadka mudo xileedkeedii.

 Siilaanyo

Salaadiinta iyo cuqaasha la marti qaadi doono ayaa ku dhaw 2000 oo ka kooban guud ahaan beelaha Somaliland, waxaana kulankan lagu wadaa inuu hudheelka Maansoor uu ka dhaco maalinta Salaasada ah ee fooda inagu soo haysa ee tobanka bishan labaad ee aynu ku jirno.

source:waaheen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here