Ciidanka Booliska Oo Kulan Lagu Xoojinayo Nabbadgelyada Hargeysa Ku Soo Bandhigay 53 Dhalinyaro Ah Oo Xukuno Lagu Fuliyey

0
31

“Maxkamadaha Waxay Xukumeen 53 Dhalinyaro ah, 45 Dhalinyaro oo kalena Gacaantanu ku Haynaa”Af-hayeenka Booliska Gaashanle Abdilaahi

“Hawlgalka Ciidanka Booliska Waanu Taageersan  nahay, Dhankayagana Amaanka Waanu ka Xoojinaynaa” Maayir Ku-xigeenka.

nabadgelyada

Hargeysa(Hubaal) Kulan Balaadhan oo laga hadlayey Adkaynta Nabbadgelayda oo ay ka Soo qaybgaleen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareyoguuto Cabdilaahi Fadal Iiman, Maayir Ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne,   Gudiyada Nabbadgelyada Caasimada Hargeysa, Taliyaasha 13 Saldhig iyo Ururada Bulshada oo Matalayey Dhammaan Degmooyinka Caasimada Hargeysa ayaa Shallay lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Dawlada Hoose.

Kulankan ayaa Waxa Go’aan lagu gaadhay in Tallaabo adag laga qaaddo Dhalinyaro Maafiyo Noqotay oo Shacabka Hargeysa Dhib weyn ku haya.

Af-hayeenka Ciidanka Booliska Gaashanle Abdilaahi Xassan Farax oo Warbaahinta la Hadlay markii kulankaasi dhammaaday ayaa Waxa uu Sheegay in 53 Dhalinyaro ah ay Maxkamadaha Dalku Xukumeen kuwaasi oo lagu xidh-xidhay Jeelasha Gobolada Dalaka, Waxa kale oo uu Xusay in ay Gacanta ku hayaan 45 kale.

Isaga oo Arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.  “Ujeedada Shirkani Waxa uu ahaa isku xidhka Waxyaha Bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa iyo Booliska, Siddii ay isku kaashan lahayeen, Siddii ay Dhinac ay ugga soo wadda jeedsan lahayeen Illaalinta Nabbada, Waxa kale oo Go’aan lagu gaadhay in Tallaabo adag laga qaaddo Dhalinyarada Mushaakilaadka keenaysa, Maxkamadaha Dalku Waxay Xukumeen 53 Dhalinyaro ah kuwaasi oo loo kala Gudbiyey Gobolada Dalka, 45 Dhalinyaro oo kalena Gacaantanu ku Haynaa, Saacada aan kula hadlayo Ciidanka Boolisku Dhalinyaro kale ayey soo Xidhxidheen, Marka Waalidiinta waxaan ugu baaqaya mar haddii ay Caruurtooda qabsan waayeen, Waa loo qabbandoona, Marka Dalka Dawladbaa jirra marka ma ogolin in dalku fawdo noqdo, Marka waa ta keentay shirkan ah in Meel Qudha layskugu Yimaado oo La taageero Hawlgalka Booliska.” Af-hayeenka Ciidanka Booliska Gaashanle Abdilaahi Xassan Farax

Maayir ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne oo Isaguna ka hadlay Kulankaasi ayaa baaq u diray Bulshada Caasimada ku dhaqan isaga  u soo jeediyey in ay la shaqeeyan Ciidanka Booliska, waxa kale oo uu ka hadlay Talaabooyin Cusub oo ay Nabbadgelayda ku adkaynayaa oo ay qaadayaan. Waxanu yidhi. “Kulankan waxanu kaga wadda hadlaynay Xooginta Nabbad gelyada, iyo sidii ay isku xidhmi lahayeen Booliska iyo Bulshadu isla markaana isla Jaanqaaddan, waxa kale oo aanu balan qaadaynaa in aanu Adkayno Aamanka Nabbada oo aanu la socono Kantaroolada laga soo gallayo Magaalada, waxa kale oo aanu la socondoona Dadka guryaha laga kiraynayo, dadka iska kala dhexgooshaya magaalada oo aanu la socondoona dhaqdhaqaaqoda”Ayuu yidhi Maayir ku-xigeenku.

source:waaheen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here