Taliyaha Booliska Somaliland Oo Sharaxay Hawlgalo Boolisku Ku Soo Qabtay Mukhaadaraad,Tahriibeyaal Iyo Dhalinyaro

0
17

Hargeysa(Hubaal) -Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in Hawl galo Ciidanka Boolisku sameeyay horraanta sanadkan cusub ay ku soo qabqabteen Mukhaadaraad tiro badan. Waxa uu sidoo kale farriin digniin ah u diray dhalinyarada Kooxaha isku disha ama dadka u waxyeelayso koox-koox.

“Todobaadkii u dambeeyay iyo kan aynu horraantiisii ku jiraba Ciidanka Boolisku wuxuu fuliyay hawlgalo balaadhan oo wajiyo badan leh, kaasi oo ku wajahnaa Mukhaadaraad iyo dhalinyaro Koox isku disha oo sanadkii horena hawlo badan ciidanka Boolisku ka qabtay oo ilaa 550 Sharciga la hor geeyay xukunno kala duwana ku xukumay” ayuu yidhi Taliye Fadal oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa.

fadalTaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay Mukhaadaraad Ciidanku qabtay “Wuxuu todobaadkan Ciidanka Boolisku qabtay Mukhaadaraad aad iyo aad u fara badan, kaas oo iskugu jira Xashiishad iyo Khamriba.Illaahay mahadii waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen saddex Xidhmo oo Xashiishad ah oo sida Jaadka dhaadheer loo xidhay iyo Saddex Eedaysane iyo Baabuur, waxaana la hor gayn doonaa Sharciga, Ciqaabna way mutaysan doonaan.

Sidoo kale Ciidanka boolisku waxay qabteen Khamri dhan sagaal boqol iyo shan(905 Litre) Litir. Khamrigaas waxaa lagu qabtay hal Eedaysane iyo laba Baabuur, waxaanu Magaalada Hargeysa ka soo galay laba jaho. Khamriga iyo Xashiishadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha amaanka khal-khal galiya” ayuu yidhi Taliye Cabdillaahi Fadal.

Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in Ciidanku si adag uga hawl galay xakamaynta Tahriibta islamarkaana Dhalinyarada Somaliland ee tahriibaysa uu soo qabto. Waxa uu sheegay in 180 Qof oo ka mid ah Qoomiyadda Oromada oo tahriibaysa lagu qabtay Meelo kala duwan oo dalka ah islamarkaana dib loogu celiyay Ethiopia.

Wuxuu Taliye Fadal farriin u diray dhalinyarada Rabshadaha kasamaysa Magaalooyinka dalka, kuwaasi oo uu sheegay in Ciidanka Boolisku ka qaadi doono talaabo adag.

Hadalka Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal, ayaa imaya iyadoo Shalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Aafo Qaran ku tilmaamay dhalinyarada Xaafaddaha kala duwan iyo Magaalooyinka dalka ku soo badanaya oo uu sheegay inay soo kordhiyeen dhaqamo xun iyo dhac ay kula kacaan Bulshada.

ramaasnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here