“Suldaan Xasan Shalay Samaale Ayuu Dilay Maantana Muuse Biixi Inuu Dilayo Oo Aanu Ogolayn Inuu Siyaasi Muuqdaa Beeshiisa Ka Soo Boxo Ayaan U Arkaa”

0
35

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa si adag u naqdiyey halkii ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi oo dhowaan eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxaanuu Boqor Buurmadaw ku tilmaamay Suldaan Xasan inuu yahay nin aan doonayn in uu siyaasi muuqadaa ka soo boxo beeshiisa.

Boqor Buur-madaw oo khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carab, ayaa waxa uu ku eedeeyey suldaanka Guud ee Subeer Awal in uu hore u soo gawracay C/casiis Maxamed Samaale, isla markaana uu hadalkiisani yahay mid gawracaya Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi sida uu hadalka u dhigay.

buurmadow

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Hawsha doorashadu waxa ay u taallay Komishanka Doorashooyinka oo markii ay iyaguna ka fiirsadeen waxa muuqata in ay qabyo badani jirto oo aanay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomi karayn, taasina waa wax caadi ah oo mar walba Somaliland ka dhici jiray wax dhibaato ahna ma laha waana wax muuqda”

Boqor Burmadaw oo la waydiiyey waxa uu guurtida ka filayo inay muddo kordhinta ka dhigaan waxa uu yidhi “Guurtidu waa cidda ay saaran tahay maslaxadda iyo sidii ay dadka isugu celin lahaayeen iyaga ayey saaran tahay, waxaanan qabaa in Guurtidu aanay wax dhibaato ah oo aanay dalkan maslaxadi ugu jirin aanay samaynayn ayaan qabaa, waxa ay maslaxad u arkaan ee ay wax ku hagaagayaan uun inay qabanayaan ayaan filayaa anigu, hawsha muddo kordhintana iyaga ayaa gacanta ku haya oo guddi ayey u saareen, markaa iyaga ayaa looga baahan yahay haddii ay doorasho sannadkaas ku qabsoomayso inay sameeyaan, haddii aanay ku qabsoomayna inay wax macquul ah oo la liqi karo inay ku daraan ayaa looga baahan yahay”

Buurmadaw oo ka ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu u arko hadallada ka soo yeedhaya madaxdhaqameedka, waxa uu yidhi “Anigu waan arkayey odayaashii maalintii dhawayd hadlayey oo waliba rag badan oo aan qadarin u hayo oo aan la yaabay inay maqaamkooda sidaas u hadlaanna ay ii muuqanayeen, markaa haddii beel beel loo hadlayo arrinkaas waxaan u arkaa masuuliyadda ugu weyni inay maanta anaga na saaran tahay oo beeshii uu madaxweynuhu ka soo jeeday aanu nahay, wax umadda isku haya inaanu samaynno mooyaane in aanu maanta buuq iyo wax umadda kiciya inaany samaynno ma doonayno, waxaanu aragnaa anagu  madaxweynuhu waxa uu qabtay ee uu dalka ka qabtay iska daa Somaliland-e Somalia xataa intii soo martay cid qabatay ma jirto, mana doonayno inuu wax qabadkiisu madaxweynaha xumaan inuu isku bedelo, waxaanu jecelnahay in uu madaxweynuhu xilka ka tago  iyada oo dadku is jecel yahay ayaanu anaguna jecelnahay, ta labaad nimankan walaalaha ah ee maalintii dhaweyd hadlayey ee afka beesha Subeer Awal ku hadlayey waxaan u arkaa uun inta ay naga ilbaxsan yihiin inay tahay, anagu beel ahaan (Habarjeclo) badaw ayaanu nahay oo haddii aanu hanjabno khasaare badan ayaanu ku galnay, imikana waxaanu iska wacdinaa in uu khasaaruhu yahay dib u dhac, hanjabaad aan Ri’ gees lagaga ridaynna waxaan u arkaa walaalahay inay tahay inta ay naga ilbaxsan yihiin”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo si gaar ah ugu jawaabaya Suldaanka guud ee Subeer Awal, waxa uu yidhi “Horta Suldaankii Guud ee Subeer Awal waxa uu joogaa Abu-dabay, manuu hadli wax nusqaan ihina kama iman, Sandaladda Subeer Awal-na waa mid aanu aad u qiimaynayno, waana sandalad umadda oo dhan ka dhexaysa, Xasan Cabdillaahi waa hogaamiyaha sandaladda Subeer Awal weeyaan, waxaanu jeclaan lahayn uun inay ka muuqato haybaddii sandaladdu, haddii uu hadlayana inay salaadiintii kale ee dhiggiisa ahaa inay ka dhinac muuqdaan ayaanu jeclaan lahayn, waanuu ku hadli karaa afka reerka maadaama oo uu ku sii simihii yahay, ta uu ka hadli lahaana waxa weeyaan isku soo jeedin iyo xaaladda oo meel laga furdaamiyo la waayey maslaxaddeeda inuu ka hadlo ayey ahayd, waxaanan uga tacsiyadaynayaa in laga daba hadlo ayaaba wax yeello ah, laakiin waxa ayaandarro ah in inta uu dibjiriintii dooxa isa soo dhinac fadhiisiyo inuu yidhaahdo salaadiintii beesha weeyaan oo salaadiintiina ay meesha ka maqan tahay dhibaato weeyaan taasi”

Boqor Buurmadaw oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Suldaan Xasan Suldaan C/laahi waa nin aanu saaxiib nahay oo xumaan nagama geyo, laakiin waxaan odhan lahaa wixii umadda isku soo dhaweynaya ee magaca iyo haybadda sandaladdu ay ku jirto inuu xidhiidhkeeda qabto weeyaan, haddii ay tahay inuu cid wax la doonayana anagu markii aanu Siillaanyo wax la doonaynay salaadiinta beesha oo dhami gurigiisa ayaanu ugu horraynay oo aanu walaalayaalow wax nala qabta ayaanu lahayne, haddii uu cid maanta wax la doonayo ninkii maanta guntiga kor u qaadi lahaa ma aha, ninkii hanjabi lahaana ma ahee waa ninkii gurguurasho cid walba ugu iman lahaa maanta, waxa laga hadlayaana waa siyaasad oo xoolo lama kala dhicin kale”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo eedaymo u jeedinaya suldaan Xasan, waxa uu yidhi “Beesha uu ka hadlayo laba nin ayaa siyaasadda hadda ugu jiray, midi C/casiis Maxamed Samaale ayuu ahaa midna Muuse Biixi Cabdi ayuu ahaa, waxaan u arkaa Samaale inuu shalay dilay, Maantana inuu hadalkiisaasi Muuse Biixi dilayo oo annu cid wax yeelayn ayaan u arkaa, taasina ay noqonayso halkii uu beeshiisa siyaasad wax ugu dooni lahaa inuu dagaal iyo rabshad wax ku wado ayaan u arkaa oo aanuu ogolayn inuu siyaasi muuqdaa beeshiisa ka soo boxo ayaan u arkaa, taasina waxa ay dhaawac ku tahay raggii uu la baryo tegi lahaa ee uu kaxayn lahaa ayey dhaawac ku tahay, waana ku sime aanu waliba ku simenimadiisa ixtiraamayno weeyaan, in uu sandaladda si wanaagsan ugu hogaamiyo oo aanuu cidna wax ugu dhimin ayaanu jecel nahay, waxaanu leenahay wixii wanaagu yahay u soo leexo”

Ugu dambayn Boqor Buurmadaw, waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Annaga Beel ahaan Somaliland wey na sharaftay oo xilkana si sharaf leh ayaa naloogu dhiibay, Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynahana waxaanu leenahay waxa ay sharaftu ku jirtaa dadka oo is haysta oo aan kala tegin oo aan la is nicin in somaliland tartan sharaf leh loo qabto iyo ciddii bedeli lahayd ee umadda isku wadi lahayd inaad ka fikirtaan weeyaan, Madaxweynahana kama muuqato korodhsiimo inuu doonayo, mana aha nin kursiga hamuum u qaba oo waa nin in badan soo shaqeeyey oo dalkana taariikh badan ku leh, tii halgankii iyo intani inay ku filan tahay ayaan qabaa Axmed Siilaanyo, Somaliland-na cid isku wadda ayey u baahan tahay oo hawlo badan ayaa ku furan, qof kasta oo masuul ahina inuu ku hadlo wixii dadka isku soo dhaweynaya ayaan qabaa anigu oo ka xilka hayaana aanuu odhanin kama kacayo ka mucaaridka ahina aanuu odhanin waddo kasta o khaldan ayaan u marayaa oo laga fikito waxa inagu xeeran ayaan qabaa anigu, maslaxaddana laga wada shaqeeyo”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here