W/Q: Xasan Xuseen Cabdillaahi
Waxa ay ahayd 27kii July 2010-kii, markii uu hoggaanka qarankan la wareegay Md. Axmed Maxamed MAxamuud (Siilaanyo), oo doorashadii MAdaxtooyada ee 26 June isla sanadkaas ka qabsoontay dalka, taas oo Xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo musharraxa u ahaa uu aqlabiyaddii shacabka dalka kasbaday.
Muddadaas oo hadda laga joogo Afar sanno iyo dheeraad, waxa indhaha caafimaadka qaba iyo caqliga saliimka ahi qirayaa in isbedelkaas la mahadiyey,.
Sideedaba marka uu isbedel hoggaamineed dunida ka dhaco laba arrimood mid uun baa la filaa, ama laba dariiq mid uun buu qaadaa hoggaamiyuhu, waa ta koowaade in uu ka soo baxo xilka uu dhabarka ku qaaday oofiyana ballankii uu la galay bulshada uu u adeegayo masuulkii shaqada u igmaday iyo alle(SWT). waa ta labaade waxa uu qaadaa wado qaloocan, uuna dayaco kana soo bixi waayo waajibaadkii loo xilsaaray,umaduna haraamto uuna noqdo mid aan haakah la odhan maalmaha uu joogo kursiga.
Md. Siilaanyo Muddadii uu majaraha u hayey hogaanka dalka, waxa biyo kama dhibcaan ah in xukuumaddiisu ay baro dheeraysay qiyaas ahaan intii laga filayay waxqabad, si kale haddii aan u idhaahdana ballanqaadyaddii ku suntanaa buugii barnaamijsiyaasadeedka Xisbiga kULMIYE uu ku galay doorashada.
Waxa mudadaa kooban qabsoomay, Waxqabad ku daysho muddan, wax la majeerto, wax lagu hirto oo mahadho iyo raad taariikheed aan sal guurayn oo sheydaanka laga naaro ka taga, kumanaan sano oo dambena aan duugbayn.
Marka runta loo dhabbo galo, waxa marag mad-doon ah oo shacbigu ii qirayaa in waxqabadka xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii uu Madaxweyne Siilaanyo Majaraha u hayay hoggaanka dalka ay tahay mid aan sacabadda lagu qarin Karin sida cadceeda, hadday noqoto koboc dhaqaale oo gaadhay heer miisaaniyaddii qaranku ay shan jeer korodhay [2010 markii madaxweynuhu xilka la wareegay waxa miisaaniyaddu ahayd 47 million, haatan oo afar sanno laga joogana waxa ay kor u dhaaftay 250 Million oo dollar], halkaas waxa aad ka garan kartaa xajmiga ay dakhligii xukuumaddu kordhay iyada oo la dhimay [decrease] kharashaadkii bixi jiray. Dhinaca tacliinta waxa judhii ay xukuumaddu xilka qabatayba la fuliyey ballanqaad ummaddu ku nasatay oo ahaa in tacliinta ardayda dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah laga dhigo bilaash, iyada oo weliba lagu kabay 1500 oo macalin oo la shaqaalaysiiyey kuwaas oo loogu talo galay inay ka qayb qaataan tayaynta waxbarashada dawliga ah. Dhinaca mashaariicda horumarineed waxa tan iyo intii madaxweynuhu xilka hayay la hirgeliyey mashaariic bilic iyo kabidba ah, kuwaas oo isugu jiray hirgelinta dhismeyaal aad u tiro badan, kuwaas oo isugu jiray kuwo la dayac tiray iyo kuwo la bineeyeyba. Waxa xusid mudan in maanta ay wasaaradaha dalka ka dhisan ay dhammaantood ku jiraan dhismeyaal cusub oo xukuumaddu u hirgelisay, marka laga reebo tiro yar oo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ah oo dhismeyaal duug ah ku jira, halkaasna waxa laga garan karaa ka midho dhalinta yoolka Xukuumadda Md. Siilaanyo oo ay ka go’an tahay u hagar baxa wax u qabashada bulshadii dooratay.
Si aan su’aashan jawaabteedu aanay inoola taraarin isla markaana ay si fudud oo bulshadu u fahamto nuxurkeeda aan qiimayno waxqabadka uu madaxweynaha Jamhuuriyada s/land hirgeliyey mudadii uu xilka hayay iyo guulaha laga gaadhay himillooyinka qarankani higsanayo, aan soo qaadano Dedaalka Diblumaasiyadeed Ee uu qaranka ku hagayey muddadas iyo safarradii buur iyo banaanba lahaa ee uu gobollada dalka ku gaalaa bixiyeyba. sidoo kalena halganka af iyo addinba lahaa ee Madaxwaynaha Somaliland u galay ka midho dhalinta qaddiyadeena ee uu beesha caalamka u gudbiyey iyo mawqifkii uu qarankani ka taagan yahay gooni isu taaggiisa iyo wada hadallada u socda laba dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo aynu xusi karno natiijadii ka dhalatay go’aamaddii u dembeeyey ee ka soo baxay wejigii shanad ee wada hadalka ee Jabuuti ka qabsoomay oo war murtiyeedka laga soo saaray marka laga yimaado ay barbar socotay Farriin codsi huwan oo Madaxweynuhu ugu sheegay Caalamka inay ictiraafaan Somaliland, maadaama oo ay xaq iyo xuquuqba u leedahay inay ka mid noqoto dalalka adduunka ee calamadoodu ka babanayaan xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo ay Beesha caalamkau uga Markhaati kacday in xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo si tifaftiran u maamushay wixii mashaariic ahaa ee kaga soo beegmay hiigsiga cusub (New Deal). Arrimahan ayaa ka mid ah kuwo uu ka faa’ideysanayo Madaxwaynaha Somaliland oo la aaminsan yahay inuu yahay shaqsiyaadka aabaha u ah siyaasiyiinta Geeska Afrika, marka la eego khibradda dhanka hoggaamineed.
La soco qaybo kale oo la xidhiidha qaddiyadan
Xasan Xuseen Cabdillaahi
HUBAAL Media
Hargeysa, Somaliland