Somaliland:  Tirada Xoolo Ku Le’day Biyo Sumaysan Oo La Waraabiyey Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

0
43

Hargeysa (Hubaal)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa ka hadashay tirada xoolo dhowaan ku le’day deegaanka halleeya ee bariga Hargeysa oo la siiyey  Biyo sumaysan, waxaanay sheegeen in boolisku gacanta ku hayaan arrintaasi oo ay xidheen dirawalka Booyaddii biyaha u soo dhaamisay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowaa oo ka Hadlay arrintan  ayaa waxa uu sheegay in ay xoolahaasi sumoobay inta dhimatay ay gaadhayso ilaa boqol iyo dhawr iyo toban Neef, halka in badan oo kalena uu sheegay in la badbaadiyey.

Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo ugu horrayn ka hadlaya abaar ka taagan deegaamada dalka qaar, waxa uu yidhi  “Hadii ay Daaq tahay iyo haddii ay Biyo tahayba gabaabsi ayey ku jiraan, waxa meelaha qaarna laga cabanayaa biyo la’aan, xaaluf badan lagama cabanayee waxa laga cabanayaa biyo la’aan, xooluhuna haddii ay wax ay quutaan waayaan iyo biyo way dhimanayaan, gobolada dalka waxaanu u kala dirnay kooxo caafimaad oo ka hawl gelaya xanuunada xoolaha, deegaamada aad looga soo cabanayo Abaarta waa Gobolka Sanaag¸ ILAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa inuu raxmaddiisa u shubo”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo ka hadlaya xoolo ku  sumoobay deegaanka Halleeya, waxa uu yidhi “Salaasadii ayaa waxa naloo soo sheegay inay xoolo sumoobeen deegaanka dhinaca hawd ka xiga Halleeya, waxaana ka hawl galay isku duwaha gobolka maroodi-jeex oo dawooyinkii sii qaaday, waxaanuu u tegay xoolaha oo intooda badani ay dhinteen, markaa intii dawada lala gaadhay way ladnaadeen, suntaasina waxa la tuhun san yahay in ay suntaasi uga timid ceelkii biyaha looga soo dhaamiyey ama ay booyadda shubtay sunta lahayd, labadaas meelood ayaa loo malaynayaa in ay tahay, Booliska ayaana gacanta ku haya oo marka ay war ka soo saaraan ayeynu eegaynaa, waxaana dhintay ilaa boqol iyo dhawr iyo todnan neef illaa todobaatanna way badbaadeen, ninkii booyadda biyaha soo dhaamisay wadayna waa la qabtay oo waa la hayaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee xannaanada xoolaha Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowaa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here