“….Is-beddel Fiican Ayaa Dhacay, In Badan Ayaanu Rabnay In Wiilkaas [Maayarka GABILEY] Hadda La Doortay Uu Yimaado, Waxaanu Rejaynaynaa Inaanu Ka Dul Boodin Xildhibaannada Doortay” Xil. Xasan Cawaale
Hargeysa (Hubaal)- xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu golaha wakiilada u soo gudbiyo Gobolada cusub ee la magacaabay, kuwaas intooda badan uu magacaabay madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Xasan Cawaale Caynaan oo BULSHO TV La Hadlay ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay maayirka cusub ee loo doortay degmada Gabiley, kaas oo uu u soo jeediyey inuu iska ilaaliyo xildhibaanada doortay oo uu talada ka qayb geliyo.
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu Rajaynaynaa in uu dhowaan noo soo gudbiyo Madaxweynuhu Gobolada la magaaabay ansixin tooda, goboladana waa la qiimaynayaa oo ta ka soo baxda ayuunbaa gobol loo aqoonsanayaa, waxaanan rajaynayaa inuu gobolka Gebilay noqon doono gobolka koowaad marka la qiimeeyo, maadaama oo uu goboladii hore ku ladhnaan jiray oo la odhan jiray 6-da gobol iyo gebiley, markaa waxaanu doonaynaa in golaha si deg deg ah loo keeno Gobolada cusub ee la magacaabay si loo ansixiyo”.
Xasan Cawaale Caynaan oo ka hadlaya maayirka cusub ee Gabiley, waxa uu yidhi “Runtii is bedel fiican ayaa dhacay, waxaan qabaa in maayirka cusubi uu wax ka qaban doono gobolka gebiley, in badan ayaanu rajaynaynay in uu yimaado wiilkaas hadda loo doortay, waananu ugu ducaynaynaa, waxa doortay tiradii ugu badnayd ee golaha deegaanka oo dhammaan way u wada codeeyeen, sidaas daraadeed waxaan qabaa inaanay ka hor imanayn, waxaanan rajaynayaa in aanuu marnaba ka dul boodayn xildhibaanada doortay, waxaan u soo jeedinayaa in uu la tashado mar kasta oo uu talada wax ka siiyo” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.