Hargeysa(Hubaal)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Md Xaaji aadan Cilmi oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa oo maanta dib u soo laabtay ayaa ka warbixiyey socdaal uu ku tegay dalalka waqooyiga afrika iyo wadahadal uu dalka Morooko kala yeeshay dhanka kaluumaysiga iyo sidii ay labada wadan Somaliland iyo Morooko isaga kashan lahaayeen dhanka kheyraadka badaha.
waxaana wasiirka madaarka Egal intranational airport ku soo dhoweeyey wasiirka wasaaradaasi md cali jaamac Faarax Buureed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaasi. Markii lagu soo dhaweeyay madaarka kaddib ayuu ka waramay dulucda waxyaabihii uu safarkiisu daarnaa , isagoo xusay inuu kulamo kula qaatay dalka Marooko Masuuliyiinta Waaxda Kalluumaysiga ee Dawlada Marooko iyo Shirkaddo soo saara Kalluunka.
DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO DHAMAYSTIRAN