Maxaa Ka Soo Baxay Nadiijada Qiimayn (Assessments) Shirkado Caalami Ahi Ku Sameeyeen Madaarka Hargeysa Kadib Casriyeyntiisa?
Taxanaha Horumarka Ballaadhan Ee Madaarka Hargeysi Ku Tallaabsaday ….Q:11aad
Mudadii isbadalka Horumar lagu sameeyey Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa marka laga yimaad shacabka rakaabka ah ee loo adeegaa aragtida togan (Positive) ee ay ka bixiyeen adeegyada iyo waxqabadka laga sameeyey Madaarka oo ay aad ugu ammaaneen Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland waxa taasi barbar socda warbixino bogaadin iyo ammaan isugu jira oo ay soo saareen Shirkadaha Duulimaadyada ee Madaarka Adeegsada iyo kuwo kale oo damacsan in ay duulimaadyo ka bilaabaan, kuwaasi oo ka markhaati kacay is badalka dhan walba leh ee Madaarka ku yimid iyo sida ay ka shirkado ahaan is badalkaasi wax weyn uga tarayaan adeegii Duulimaad ee ay dalka ku imanayeen. Shirkadaha waaweyn ee Madaarka hore u iman jiray iyo kuwa casriga ah ee ku soo xidhmay Madaarka adeegga duulimaadna ka bilaabay ayaa isaga mid ah sida ay uga hadleen iyo warbixinaha ay ka soo saareen qiimayno ay ku sameeyeen is badalka Madaarka ku yimid ee dhinacyada horumarka.
Isbadalada Horumar ee aan qormooyinkeenii taxanaha ahaa ka soo sheekaynay ee lahaa dhinacyada Amniga, Adeegga, Teerminaalada, guud ahaan dhismayaasha Madaarka, Adeegyada dhinacyada Dab-demiska, Ballaadhinta Run-way-yada, Adeegga iyo shaqaalaha tababaran, dhammaan arrimahaasi is badalka Horumar ku keenay Madaarka Hargeysa waxa uu rasmi ahaan keenay in Madaarku soo jiito shirkado diyaaradeed oo waaweyn, shirkadaasi caalamiga ah oo xiiseeyey in ay dalka ka bilaabaan Duulimaadyo joogto ah oo keenaya in ay Somaliland dunida inteeda kale ku xidhanto. Kuwaasi oo dalka yimid soona dirsaday kooxo qiimayn ku sameeya Madaarka is badalada Madaarka ka dhacayna ku qancay markii ay qiimeeyeen.
Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa saddex Shirkadood Diyaaradeed oo waaweyn kuwaasi oo kala ah:
1- Shirkadda Caanka ah ee Ethiopian Airlines oo markii qaraxyadu Hargeysa ka dhaceen sababo amni u hakisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland. Xukuumadda oo wasaaraddu wakiil uga tahay arrimahan ayaa shirkadda Ethiopian Airlines ka dalbatay in ay duulimaadyadii dib uga bilawdo Somaliland waxaanay taasi keentay in shirkaddu soo dirto koox khubaro ah oo baadhitaan qoto dheer ku sameeyey is badallada dhinaca amniga iyo horumarka ah ee laga hir geliyey Madaarka. Kooxdaasi khubarada ahi waxa ay dalka yimaadeen dhammaadkii 2011 waxaanay si walba u qiimeeyeen wixii adeeg iyo is badal ahaa ee Madaarka laga qabtay. Qiimayntaasi (Assessment) waxa ay ku hawlanaayeen muddo ku dhaw Lix bilood oo dhan. Lixdan Bilood waxa ay eegeen xaaladda Amni ee Madaarka, Nidaamka Shaqaalaha, isku-xidhnaanta hawsha Madaarka dhinac walba waanay qanceen waxaanay soo saareen warbixin muujinaysa sida ay ugu qanceen dib u habaynta Madaarka waxaanay warbixintoodaasi ku xuseen in Madaarka Hargeysa noqday mid hir-galay oo ka mid ah Madaarrada casriga ah ee laga shaqayn karo shirkaddooduna ku qanacday in ay hawl culus oo duulimaadyada ah ka bilawdo, Waxaanay shirkaddaasi duulimaadyadeedii Madaarka Berbera ka bilawday August 2012 halka ay August 2013 dib uga bilawday Madaarka Hargeysa sidaasaanay illaa maanta dalka u timaad iyada oo celcelis ahaan maalintii laba duulimaad samaysa. Duulimaadyadaasi markii ay shirkaddu bilawday waxa si rasmi ah u xidhmay muddo kadib shaqadii Madaarka iyada oo hawshii dhismaha ahayd Madaarka lagu bilaabay. Markii hadaba hawsha Madaarku dhammaatay inteedii badnayn ee Madaarka dib loo furay, Shirkadda Ethiopian Airlines waxa ay dib u samaysay qiimayn labaad (Second Assessment) iyada oo qiimayntaasi ku caddaysay in heerkii Madaarku noqday mid caalami ah oo ay iman karaan diyaaradaha waaweyn ee shirkadeedu sidaana ku sii laban laabtay adeegii duulimaad ee ay dalka ka bilawday iyada oo intii Madaarku hawsha laga qabanayay u xidhnaa ay u wareegtay dhinaca Madaarka Berbera.
– Diyaaradda Labaad ee la yidhaa Fly Dubai oo ah diyaarad weyn oo laga leeyahay wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa ay xiise weyn u qaaday Madaarka Hargeysa kadib markii dib u dhiska, Casriyeynta iyo ballaadhinta lagu sameeyey. Masuuliyiinta diyaaraddani waxa ay soo direen saddex kooxood (Teams) oo kala dambeeyey. Tiimka koowaad waxa ay qiimeeyeen awoodda suuqa Madaarka Hargeysa. Waxaanay qiimayntaasi ku soo saareen in Somaliland leedahay suuq wanaagsan oo dhinaca duulimaadka ah. Tiimka labaad ee shirkaddani soo dirtay waxa uu qiimayn ku sameeyey Hawl-galka Madaarka (Operations) iyo sida hawsha Madaarku u socoto. Qaabka ay u shaqeeyaan hawl-waddeenada Madaarka ee isku xidhan iyo sida ay duulimaadyada ugu adeegaan. Qiimayntaasi waxa ay shirkaddani ku soo saartay in uu heer wanaagsan taagan yahay oo uu gudbay. Qiimaynta saddexaad ee shirkaddani ku samaysay Madaarku waxa uu ahaa dhinaca amniga iyo safety-ga Madaarka waxa xataa ku jiray qaybtan Nidaamka Dab-demiska oo ay qiimeeyeen. Natiijadii qiimayntaasi waxa ay noqotay in ay si weyn ugu qanceen warbixintiina ay noqotay in Madaarka ay adeegsan doonaan oo ay ka heleen kaalintii ay ka rabeen. Shirkaddani waxa qorshaheedu ahaa in ay Bishii March ee dhammaatay duulimaadyadeeda bilaabaan balse dib u dhac kooban oo dhinaca farsamada ah ayaa ku yimid waxaana la filayaa in ay shirkaddaasi duulimaadyadeedii ka bilaabi doonto dalka dhawaan.
-Shirkadda saddexaad ee qiimayn iyo daraasad dheer ku samaysay Madaarku waxa ay noqotay shirkadda duulimaadyada ee Kenyan Airways oo ah shirkad caan ah oo dunida laga yaqaan. Shirkaddaasi waxa ay qiimayn dhinac walba ah ku samaysay dhawr arrimood sidii shirkadda Fly Dubai oo kale iyada oo shirkadda Kenyan Airways warbixintii ay ka soo saartay qiimaynteedaasi ay kaalin weyn ku galisay Madaarka ballana ku qaaday in ay duulimaadyo ka bilaabi doonto.
Warbixinada aan ka helaymo Madaarka Hargeysa waxa ay tibaaxayaan in ay jiraan shirkado waaweyn oo kale oo indhaha ku haya adeegsiga Madaarka Hargeysa kuwaasi oo sugaya oo kali ah inta la dhammays tirayo dhererka lagu kordhiyey Runway-ga Madaarka oo gabogabo ku dhaw. Shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin Turkish Airways iyo kuwo kale oo badan oo dhammaantood sugaya in ay duulimaadyo ka bilaabaan Madaarka Hargeysa kadib markii ay daraaseeyeen horumarka lagu sameeyey Madaarkan. ….
La Soco
XIgasho Foore