Somaliland Oo Samaysatay Baasaboorka “E-passport” + Wasiir Waran-Cade Oo Sharaxaad ka Bixiyey Waxa Uu Ka Soomaaliya Kaga Duwan Yahay

0
63

Hargeysa(Hubaal) -Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Warancade ayaa daboolka ka qaaday in ay soo sameeyeen Passpor Cusub oo layidhaahdo Somaliland E-passport.waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ku rajo wayn yihiin in Passportkan Cusub ay Xujaajta sanadkani ay qaataan marka ay Xajayaan,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in Passportkan cusub uu yahay passport ka heer sareeya ka Somaliya,kaasi oo Caalamka aynu u gaynayno ay akhriyi karaan mashiinadoodu si loo ogaado qofka sita meesha iyo cida uu yahayba.

warancade 1

Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta horyimid Golaha Guurtida Somaliland,waxaana uu sheegay in Passportkan ay ku kacday lacag aad u qaaliya oo Hal Milyan Oo Dollarka maraykanka ah.

“Somaliland waxaa ay samaysay Passport- layidhaahdo E-Passport oo ka heer sareeya ka Somaliya,waxaana ay difcadiisii u horaysay ay soo dagtay Shalayto waxaa ku baxay lacag fara badan oo hal milyan oo dollar ah halkaa milyan inaga oo baahi badan qabna ayaa hadana waxa aynu u samaynay laba arimood in Caalamka aynu ugayno Passport ay mashiinadoodu akhriyi karaan oo ay garan karaan halka uu ka soo baxay Cida wadata noocu yahay iyo in aanu ahayn Been abuur Cidkale sidato ta labaad-na waxa weeye dalkan in aynu ka jarno Somaliya oo dib in aynu ula soo noqo Xoriyadeenii waxaa aynu udaadinay Dhiig badan,waxaa inagaga maqan dhalinyaro farabadan,waxaa inaga ga maqan odayaal farabadan waxaana aynu ugalnay dhib fara badan”Ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde

Cali Maxamed Waran Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:”Waxaan doonaynaa in dawlada Sucuudiga inta Xajka ka horaysa hadii ilaahay yidhaahdo in aanu u gayno Passport-ka Somaliland  Sucuudigu yaanu na ictiraafsnaan laakiin waa uu ina yaqaanaa in aynu nahay dad qarana oo gooni u taagan wuu na yaqaana in anan ahayn dad Somaliya ka mid ah,waxaanu u sheegi dona in ay noogu ogalaadaan in aanu ku soo xajno oo anay nagu khasbin mid aan dawlad wadan oo anan wakiil ka ahayn”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here