RADIO HUBAAL+AKHRI: Ciidammada Qaranka Somaliland oo Ka Dhex Toosay Saax-dheer+Sarreeye GAAS Shaqalle Oo Ka Hadlay+Cali Khaliif Oo Firxadkiisu 30Km Itoobiya Galay+Ciidammada Oo Gacanta ku dhigay 40 Xildhibaano Barlamaanka Soomaaliya ah
Saaxdheer (Hubaal)- Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Saaka Waabarigii Weerar ku qaaday Magaagada Saax dheer oo Maleeshiyada khaatumo ay qorshaynayeen in lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galaydh.
Khasaarada ka dhashay Weerar ay saaka Ciidamada Qaranku ku qabsadeen Saax dheer ayaan ilaan ilaa hada la soo sheegin maadaama oo uu Dagaalku goor dhawayd Bilaabmay, hase yeeshee Wufuudii ka qayb galaysay Caleemo saarka Cali Khaliif iyo Maleeshadii Khaatumo ayaa Cagaha wax ka dayey kana Baxsaday Deegaanka Saax dheer halkaasi oo aan ilaa hada layn meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen.
Geesta kale Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay in ka baddan 40 qof oo isku jirra Xildhibaano Barlamaanka Somaliya ka Tirsan, kuwii khaatumo iyo Qurbajoog faro badan oo shallay soo gaadhay Saax-dheer.
Ciidamada Qaranka Somaliland oo Waabarigii Saaka Dagaal Culus ku qaaday Saax-dheer oo lagu caleemo sarayey saaka Cali Khaliif Galaydh,.
Cali kahliif galaydh ayaa u baxsay dhanka itoobiya, balse Ciidnaka Somaliland oo Amar ka haysta dhanka Itoobiya ayaa waxa la sheegay in laysla marayo Meel Soddon Killomitir Gudaha itoobiya oo haatan dagaal culusi ka socdo.
Waxa Ciidanka Amar lagu siiyey in aanay ka hadhin illaa gacanta ay ku soo qabanayaan Cali khaliif galaydh