Somaliland oo gacan bir leh ku qabatay Ninkii Ingiriiska ka joojiyey Jaadka oo Hargeysa ka bilaabay OLolihii uu London oo kale….Warbixin
Hargeysa(Hubaal)- Nin la sheegay inuu Olole ka dhan ah Jaadka ka bilaabay dalka, isagoo dal dheer uga soo hiloobay ka wacyi-gelinta Dhalinyarada ee jaadka, ayaa laga joojiyey Ban-dhig uu ku qaban lahaa Magaalada Hargeysa habeenkii xalay.
Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka dawladda Somaliland, ayaa wakhti u qabtay inuu dalka kaga baxo Abuukar Cawaale oo loo yaqaanno Abukar Qaad-diid, isla markaana ah ninka ku guulaystay olole kan la mida oo ahaa kii Ingiriiska laga joojiyey Qaadka, kaasoo saamayn weyn ku yeeshay caalamka oo dhan markii uu talaabadan ka lib keenay horaantii sanadkii hore.
Ninkan ayaa hay’addaha nabad-gelyadu qabteen shalay, kaddib markii ay ka joojiyeen munaasibada wacyi-gelinta ah ee uu qaban lahaa.
Abukar, ayaa sheegay in muddo saddex saacadood ah su’aalo lagu weydiinayey Arbacadii shalay xarunta laanta Dembi-baadhista Ciidanka Booliska ee C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, iyagoo uga yeedhay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu ku soo degay, kuwaasoo su’aalo badan ka weydiiyey arrimo la xidhiidha amniga iyo dhaqdhaqaaqyada Kooxda Somaliland-diidka ah ee Khaatumo la baxday doorka uu ku leeyahay iyo ujeeddada uu u yimi halkan.
Waxa uu sheegay Abukar inay ayaan-darro tahay in Somaliland la yidhaahdo dhaqso uga baxa isagoo dhul dheer uga yimi, kharashna kaga soo baxay si uu dhalinyarada reer Somaliland kulan wacyigelinta Jaadka ku saabsan ugu qabto. Isla markaana, la xeerin-waayo? Wax isu-ahaanshaha iyo danta dhalinyarada toona.
Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa ayaa maanta muwduucyo kala duwan ka qoray dhacdadan.
Somaliland ayaa ka mid ah Suuqyada ugu waaweyn ee ay Dawladda Itoobiya u soo dhoofiso Geedaha Qaadka, waxaana maalin walba daraf ilaa daraf isaga gudba dhamaan Magaalooyinka oo dhan. sidoo kale Jaadka ay Itoobiya ka soo dhoofiso dalkeedu wuxuu isaga gudbaa gobollada Soomalidu degto oo dhan.
Ma cadda sababta ay Dawladdu uga joojisay ninkan Ololaha Qaadka lagula dagaalamayo, hase ahaatee waxaa loo aanaynayaa inuu ku sal leeyahay culays dhanka Ganacsatada Qaadka kaga yimi laamaha amniga. Shirkaddo badan oo qaadka soo dejiya oo ay leeyihiin Muwaadiniin Somaliland u dhashay, ayaan ogolayn in suuqoodu istaago.
geesta kalena Ganacsiga Jaadku wuxuu ka mid yahay Daruuriyaadka ay bulshada badankeedu ka xoogsato, waxaana ka sekow kuwa cunaya caleenta Jaadka, masaariif joogto ah kala soo baxa Boqolaal kun oo qof, inkasta oo aan tiro koob rasmiya laga haynin dadka ka ganacsada jaadka.
warbixinta: Gobanimonews