Somaliland: Madaxtooyada Iyo Wararkii U dambeeyay Ee Socdaalka Dheer Ee Buuxinta Diiwaanka Balanqaadyada Aan Ficilka La dhalan!

0
30

Siilaanyo: Boorama, Dilla, Baki, Wajaale, Baligubadle, Salaxley, Oodweyne, Xaaji Saalax, Durukhsi, Balidhiig ilaa……

Soo dhawayn diiran, Mashaariic la dhagax dhigay, qaar kale oo la dhagax dhigi doono,  xadhig ka jaris iyo dhamaadka jidka dheer ee safarka 

Wajaale, (Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo Shir Jaraa’id ku qabtay shalay Magaalada Wajaale ee Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland, halkaas oo uu habeen hore madaxweynuhu u hoyday, waxa uu sheegay in Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku salaysan yahay u kuur galka Magaalooyinka ku teedsan Xuduudda dhinaca Koonfureed ee Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Weftigiisa ayaa habeen hore goor dambe soo gaadhay Magaalo xuduuddeeda Wajaale halkaas oo uu u hoyday habeen hore, shalayna uga soo dhaqaaqay deegaanada xuduudka ee bariga. Hase yeeshee madaxweynuhu intii uu joogay gobolka Awdal wuxuu kulan kula qaatay Boorama duqaydaa deegaankaa.

 maamulka-farawayne-iyo-siilaanyo-4

Wasiir  Cukuse oo kulankaa ka hadlayna wuxuu sheegay in Madaxweynuhu intii uu joogay Awdal uu kulan la yeeshay Hogaanka dhaqanka ee Awdal, islamarkaana halkaasi ugu sheegeen inuu yahay Gobolka Awdal mid nabdoon balse laga faafiyay Dacaayado ka dhan ah amniga. wuxuu sheegay in  madaxdhaqameedku Madaxweynaha u sheegeen inay wax tabanayaan iyagoo reer Somaliland ah balse aanay jirin cid Somaliland diidan.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu intaa ku daray, in Madaxweynuhu Hogaanka dhaqanka Awdal u ballanqaaday inuu fulinayo tabashadooda intii wakhtigan suuro gal noqota. Tabashada Awdal waxay ku salaysan tahay mid Madaxweyne Siilaanyo hore ugu tilmaamay mid culus oo ku salaysan Saamiga Kuraasta dalka iyo Shaqaalaha. “waxa la wada leeyahay dalka, waxa la wada leeyahay duunyada, waa wax wada lahaansho, wax kale oo dheer oo halkan yaalaa ma jiro.dadka reer awdal ama Gedabuursi waa mid, wixii  laguu keenay ee miiskaaga yaala ee aad hormuudka ka tahay, waa taasuun ta wax lagu doonayaa, waa wax wada lahaansho, waa midnimo, wax intaa ka saayidsan oo halkaa dhaafsanina ma jirto, waa wax cad, waa waxaad adigoo madaxweynihii dalka ah iyo acyaantii kugu xigtay waxay ka garaabeen weeye. Wixii tabasho ahaana waa sidaan kuugu keenay, intii kuu keentay uun baana ka hormood ah oo kaaga fadhida. ”sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah Salaadiinta gobolka Awdal oo hadal ka jeediyay xaflad soo dhawayn ahayd oo ka dhacday degmadda Baki oo uu booqday Madaxweynuhu.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan tiro badan oo wasiiraddiisa ah ayaan la cayimin wakhtiga uu qaadan doono safarkiisu, hase ahaatee, weftiga Madaxweynuhu wuxuu xalay u hoyday  Baligubadle, oo uu soo gaadhay shalay galab, isla markaana waxa lagu wadaa inuu af saarka subaxnimo ee maanta gaadho Salaxley,halkaas oo la filayo inuu uga sii gudbo gobolka Daad Madheedh gaar ahaan Oodweyne, kadibna u sii dhaafi doono  degmooyinka Xaaji Saalax, Durukhsi, Balidhiig iyo deegaanada u dhexeeya ee gobolka Togdheer, halkaas oo  la filayo inuu uga sii talaabi doono goboladda Saraar iyo Sanaag oo la filayo inuu furo qayb ka mid ah jidka Burco iyo Ceerigaabo oo la dhameeyay.

Socdaalkan dheer ee Madaxweynaha oo ay ku weheliyaan tiro badan oo xukuumaddiisa ahi, kama tagana safar aan la taaban Karin macnihiisa. ka sokow indha indhaynta xaaladda dalka iyo dadka ee eray ahaan warbaahinta dawladu ku soo celceliso, waxa weheliya balanqaadyo goob kastaba ah oo dul fuuli doona qaar badan oo hore oo aan afkii laga yidhi loo dhaafin. Sidoo kale dhagax dhigyo meelaha qaar ah ayaa iyana ilaa haatan muuqda.

Dhinaca kale dadka falanqaynta socdaalkan wax ka yidhi, ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid uu madaxweynuhu kaga jawaabayo dhaliilaha shakhsiyan loo jeediyo ee dhinaca gacan ku haynta taladda, isla markaana, uu ku qaboojinayo tabashooyin u baahan inuu ficil kaga jawaabo, sida ta reer Awdal. “ Kani waa safar jimicsi, dadka in la soo maraana ma xuma, laakiin, soo maristu waxay fiicantay markaad si dhab ah uga jawaabi karto waxay dadku kaa qabaan”, weedhaasi waxay ka mid tahay doodaha ra,yul caamka ee la xidhiidha safarka madaxweynaha. Mid kale oo ka mid ah doodayaasha oo wargeyska Ogaal la hadlay ayaa isna yidhi; “Maaweelo ma bogsiiso meel ku bugta. Socdaalkan eraygaasaan ku dhaafayaa”. Mid kale ayaa isna ku tilmaamay socdaal muhiim ah oo loo baahnaa oo madaxweynuhu ugu kuur gelayo xaqiiqada nolosha dadkiisa. “qaar baa talaabo kasta oo xukuumadu qaado canjila oo dacaayadeeya, kuwaa ilaahay ha daweeyo”, ayuu yidhi. Qaar kale oo ka mid ahaa dadka wargeyska Ogaal la hadlay ayaa ku raacsanaa fikirkaa oo taageero u muujiyay socdaalka madaxweynaha. Hase ahaatee tiro kale oo ka badan kuwaa ayaa u arka mid aan tiqo iyo kalsooni u soo celinaynin xukuumadda. “ xaddiga kharashka ku lumaya humaagaa iska socodka ah, waxa dhaantay iyadoo Baki, Dilla, Wajaale….mid ka mid ah dhulkaa uu maray hal mashruuc lagaga hirgeliyo. Laakiin, imika waxa la odhan karaa, socdaalkii buuxinta diiwaanka balanqaadyada  ficilka ka fog”, sidaa  waxa yidhi, M. Cali Diiriye oo ka mid ahaa dadka warg. Ogaal la hadlay.

Dhinaca kale, madaxweyne Siilaanyo deegaanada ilaa haatan uu soo maray, wuxuu u balan qaaday tabashooyinka uu kala kulmay in xukuumaddiisu ay wax ka qaban doonto intii awooddeeda ah. wararka kooban ee wasiirka warfaafintu marba soo lalinayo mooyee, ma jiraan warar madax banaan oo ka turjumaya xaqiiqada wada hadalada dhex maray ilaa hadda deegaanada uu tegay.

xigasho: Ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here