Somaliland: Loolan iyo laab la kac! By. Saleebaan kalshale Q.1aad

0
41

Waa qormo Taxane  ah oo aan intii suurto gal ah ku faaqidi doono Fooraha siyaasaddeed iyo fidmida Xisbiga kulmiye ka dhex aloosan..qaybtii 1-aad

Dhawaaqyada ka soo baxaya Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa ka xoog batay maalmahan u dambeeyey weedhihii kululaa ee ay todobaadyadii la soo dhaafay isweydaarsadeen garabyada xisbiga khilaafku hadheeyey Kulmiye u kala jabay.

loolana

Doodda Mucaaridka ayaa u muuqata mid sawir ka bixinaysa qorshaha Guddida Golaha Guurtidu doonayaan inay ku xaliyaan muranka murugsan ee madaxtooyada iyo Hogaanka Kulmiye u dhexeeya, taasoo ah laba arrimood oo labada garab la kala siinayo.

Xeel-dheerayaasha saadaalinta siyaasadda Somaliland, ayaa aaminsan inay Guurtidu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi kala siinayo muddo kordhin xil oo ugu yaraan saddex sanadood ah iyo  Musharaxnimo Madaxweynenimo oo wakhti daayac ku soo aadaysa.

Labadan qodob waxa dhinacyada  hore ugu soo bandhigay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo isku dayay markii uu dalka ku soo laabtay inuu maalin gudaheed isugu soo dhaweeyo garabyada kala fogaaday ee xisbiga.

Soo jeedinta labadan qodob hadii ay ku qancaan Madaxweynaha iyo Muuse Biixi waxa si cad uga hor imanaya oo ay rabitaankooda  Lidi ku yihiin Asxaabta Mucaaridka ah oo ku cel-celinaya digniin ah in doorashada dib loo dhigo.

Waxaase muuqata inay labada hogaamiye ee ishayaa si uun ugu qancayaan taas , hadii arinkooda lagu dhameeyo.

Doorasho Doorasho saaran iyo diwaan-gelin la’aan Saddex Doorasho oo muddo dhaafay ayaa ku soo fool leh Somaliland, kuwaasoo kala ah Madaxtooyada, Golayaasha Baarlamanka iyo Golaha Guurtida, waxaanay mar kale kaabiga yimaadeen iyadoo aan dalka wax diwaan-gelin ah laga samayn, qabyona yihiin xeerarka lagu dabaqayo dib u doorashada Golaha Guurtida iyo hawlaha kale ee doorashooyin lagu suurto gelin karaa.

Saddexdan Doorasho maaha kuwo ay Somaliland ka geyoon karto inay afarta Sanadood ee soo socda qabato, waxaana khasab ah inay mid waliba laba sanadood ku dhwaad diyaarinteedu qaadato.

 

Laakiinse arrinta isweydiinta mudan ee marka halkaa la marayo Maskaxada dadka ku soo dhacaysaa waxay tahay Xukuumadda ku wareertay shirweynihii Kulmiye, ma qaban kartaa Saddex doorasho oo isa soo gaadhay?

 

Su’aashan Jawaabteedu faahfaahin dheeraad ah uma baahna, hase ahaatee waxay ku xidhantahay hadba nooca uu yahay rabitaanka biyo kama dhibcaanka ah ee hogaamiyaha dalka oo ay masuuliyada badbaadinta dalku dushiisa saarantahay.

Mucaaridka Somaliland waxay leeyihiin “ Muddo kordhin Maya maya. Doorasho Haa haa”.

Hase ahaatee waxa muuqata inaanay arkayn haabkii iyo hanaankii Doorashooyinka lagu qaban lahaa, waxaana ku soo baxay wakhti ay daayaceen oo a u eekeyd inay kaga sii diyaar garoobaan waxa keenay walaaca Maanta haysta, dooddoodana ku soo qadimaan.

Laakiinse lahashada xiligan wakhti daayac ah ku soo aadaysaa waa laab la kac siyaasaddeed oo aan lahayn istaraatiijiyad cad oo lagaga gudbi karo duruuf kasta oo timaada.

Waxaana ka xeelad iyo xirfad wanaagsan ta  uu ciyaarayo Madaxweynaha Kursiga ku sii dhegsanaan doona ee Axmed Maxamed  Maxamuud Siilaanyo oo sida laga dhadhansanayo talaabooyinka uu qaadayo ka shaqaynaya sidii uu wakhti dherer u samaysan lahaa.

Madaxweyne Siilaanyo, waa madaxweynaha dalka, wuxuu ka badheedhay labadii bilood ee ugu dambeeyey inuu nabad-gelyada iyo midnimada umadda dhaafsado ku sii negaanshiyaha Xafiiska uu fadhiyo, isagoo u maray dariiq aan wax saameyn ah ku yeelanayn Kooxaha Mucaaridka ah ee loolanku ka dhexeeyo,balse ka bilaabay gurigiisa iyo gogoshii uu Kursiga ka soo fuulay ee (Xisbiga Kulmiye).

Tani waa xeelad ay ka shaqaynayaan xulafada ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo ee Loolanka ugu jira inay dhaxaltooyo ku hantiyaan Kursiga madaxtinimada ama aanay sii deyn ilaa ay helaan fursad ay kula wareegi karaan oo sharci ah.

Khilaafka Xisbiga Kulmiye waa arrin laba waji leh:

Wajiga koowaad waa dagaal ka dhexeeya afkaar siyaasaddeed oo kala durugsan oo cahdigii Mucaaridnimada xisbiga ku soo wada jiray iyagoo isu muuqda, balse tanaasul isu muujinaya.

Dhinacyada kala aaminsan Afkaarta siyaasaddeed ee xisbiga hadheeyey, ayaa wata ujeedooyin quwad leh oo dhawaan dibada u soo bixi doona, kuwaasoo aynu ka xusi karno dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee siyaasadda Gobolka ku soo xoogaysanaya oo xisbigan Halaagmay xulafaysigiisii Mucaaridnimada ka mid ahaa.

Dhanka kale, garabka ka soo horjeeda, ayaa waxa daaha dabadiisa ugu jira aragtiyo siyaasaddeed oo lid ku ah fikirkaas, taasoo xaajada Xisbiga ka dhigtay “Kaaf iyo kala dheeri”.

Wajiga labaad ee gundhiga u ah Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa ah, rabitaan lagu curiyey qorshe salka ku haya Loolanka u dhexeeya labada kooxood ee aynu kor ku soo xusnay, kaasoo dhinac ka mid ah uu door biday inuu Madaxweyne Siilaanyo Kursiga ku ilaashado ilaa wakhtigiisu imanayo.

Qorshahaasi waa ka lagu dhaliyay in Madaxweyne Siilaanyo lagu duduuco inuu markale isu soo taago Madaxweyne, isla markaana ku gacan saydho hanka siyaasaddeed ee bil ka hor ka soo bu’ay Guddoomiyaha Xisbigiisa Muuse Biixi Cabdi.

Xantu way badantahaye, waxa intaasi dheer  “dagaalkan Kulmiye ee socdaa ma waxaad moodaysaan inuu Siilaanyo iyo Muuse Biixi u dhexeeyo, waa dagaal u dhexeeya Cabdicasiis Samaale iyo Muuse Biixi”hadalkaasi ah oo mid micno badan samaynayaa wuxuu si xan ah uga soo baxay xubin ka mid ah Golaha Wasiiradda ee xukuumadda oo fadhiyay kulan balaadhan oo garabka Madaxweynuhu yeeshay todobaadkii la soo dhaafay.

Muran kama joogo in Khilaafka xisbigu dhinac marka laga istaago uu qayb ka yahay xurgufo soo taxnaa muddo ka badan afar sanadood oo u dhaxeeyey hunguri qabayaal doonayay Guddoomiyaha Xisbiga ee Muuse Biixi Geedka loogu waabay.

Waxaana ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Kooxda waddaada ah ee Madaxweynaha ku hareeraysan, kuwaasoo isku daygoodii Kursiga Guddoomiyaha Kulmiye ay ku doonayeen soo afjarmay bishii March, intaan shirweynihii aan lagu tartamin ee xisbigu dhicin.

 

La soco  qaybo kale iyo qormadan

 

Saleban Cabdi Cali

 

Suxufi Madaxbanaan

 

Tel: 0634229772

Email: editor@gobanimonews.com /curad1986@hotmail.com

Web: www.gobanimonews.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here