Soddomeeyo Tahriibayaal ah Oo Ku Geeriyooday Doonni ay Saarnaayeen oo ku jihaysnayd Talyaaniga

0
34

Lambadusa (Hubaal)-Dad kor u dhaafay soddon qof kana mid ahaa Tahriibayaal Doonayey inay Doonni Cidhiidhi ah ku galaan Dalka Talyaaniga ayaa ku dhintay Badda u dhexaysa Italy iyo Libiya.

tahriibayaal-150x150.jpg

Dadkan Geeriyooday ayaa la sheegayaa inay ku neef-qabatoobeen Khanka hoose ee Doonnida oo culaysku ka batay, waxana Dadka ay sidday tiradooda lagu sheegay 600-Qof.

Marka laga reebay Soddomeeyada dhimatay dadkaas intoodii kale waxa Badbaadiyey ciidamada badda Talyaaniga, kuwaas oo u qaaday dhinaca Jasiirradda Sicily.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada Bada ee Talyaaniga sidan oo kale ugu gurmadeen dad gaadhaya 1.600 tahriibayaal ka yimid qaarada Afrika oo u jihaysnaa dhinaca Xeebaha waddanka Talyaaniga

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here