SO’ADA CEELKA GUULEED (JIIFTO)

0
159

SO’ADA CEELKA GUULEED (JIIFTO)

 

maqaalTixdan waxa hal-abuuray Ismaaciil Cabdi Nuur oo kamid ah tix-maallada da’da yare e dalkeenna, waxaanu kaga hadlayaa shaqaaqadii ka dhacday baliga Diiriye Guuleed ee ay; taas oo uu kaga tilmaan bixinayo sidii ay wax u dhaceen iyo habkii qaabka darraa ee dawladdu u maamushay. Abwaan Ismaaciil wuxuu maansadiisan qaybteeda dambe u dhigay qaab is-warraysi ah oo dhexmaraya Madaxweyne Siillaanyo iyo Saleebaan-Nuur. Runtii waa maanso qaab suugaaneedka uu u dhigay ay tahay mid aad u heersaraysa aadna farashaxannimadeedu u sarayso.

 

Maansadani “s” weeyaan

Nin abwaani sugayoo

Safka Habar-xabuushadu

So’ada ceelka guuleed

Iyo Diiriye sintiisii

Si yar inay ku qaataan

Markay sahansadeennee

Siilaanyana ku garab galay

Cabdallihii la sahansaday

Sidii ay ka yeelleen

Ab siyaasiyoo idil

Ninba si uga faalloo

Anna sawdka maansada

Ku sawiray wixii dhacay

Siillaanyo weligay

Xilligii Siyaad iyo

Soomaaliyoo idil

Inuuyahay sarkaal iyo

Nin siyaasiyiintaba

Ugu wada sarreeyoo

Sancan baan u haystee

Saakana si weyn iyo

Oday sayncaddaayiyo

Sayid aan boqradayoo

Dadku uu usimanyoo

Dalka samo ku wadiyoo

Saxan baan u haystee

Siduuyeelayuu falay

Saddex igu wallaahiya

Sabi kuma arrimiyeen

Odaygii ka sarantaye

Ma xanuun silloon iyo

Wax ku soo siyaaddaa

Mise weligii saaxiib

Sidannuu ahaan jiray

Illaa sabankii Qaaxiyo

Saakiyo intii hore

Arabkii ku sidi jiray

Sacabkiyo ciyaartiyo

Codka saayid dhaafka ah

Kuula soo safnaan jiray

So’adii ceela Guuleed

Sidii aad ka yeeshaa

Araboo dhan saaqdoo

Cod damboo ay ku siiyaan

Sacab timole weeyee

Ha ku seexan waa kow

Wixii aad samayseen

Uciddii saluugtiyo

Cirrihii saydhay gacantaan

Sadka iyo codkaygii

Aan siinayaayoo

Samahood ka dhigayaa

 

Markii uu siduu rabay

U suuroobiwayduu

Odaygii salsalayoo

Saleebaan u yeedhoo

Siillaanyo wuxuu yidhi

“Abidkay Saleebaan

Safka Habar-Xabuushada

Wixii aan dhul siin jiray

Ama aan sir iyo caad

Ugu sahaminaayee

Aan sare u guurriyo

Ku sinqada ku odhon jiray

Igumay sarmaynine

Waa maxay sanaadhkiyo

Sawaxanka iyo buuqani

 

Cabdallaha sidiisaba

Reer yaroo sidiisaba

Sinta buurta yaalloo

Waxba aan samayn Karin

Oo sahlan baan u haystee

Sawtan la igu saratagay

Cabdallaha Saleebaan

Saraciisu kululaa”

 

Wuxuu yidhi Saleebaan

“Culimadii Saraar iyo

Ilamaa sanaag iyo

Sinta Awdal joogtiyo

Soomaalilaand ba

Kuli wada sanaadhoo

Sebigiyo carruurtaa

Hurdadii ka seleloo

Anagaaba sigannoo

Subax yaaci gaadhnaye

Side baad wax leedahay?”

 

Wuxuu yidhi Saleebaan

“Raggaad sahashanaysaa

Sidaad moodday maahee

Waa niman sarreeyoo

Soobiyaha dushiisiyo

Guban iyo saraar iyo

Buuraha sintoodiyo

Illaa Hawdka simannoo

Burco sare u dhaafaye

Ha ku siganin waa kow

 

Wuxuu yidhi Saleebaan

Waa rag samaha jecelloo

Waa rag aan sokeeyaha

Ula iman safaaddoo

Sumuciyo dagaalkana

Lagagama sareeyee

Ha ku siganin waa kow

 

Siillaanyo wuxuu yidhi

“Allaylehe saleebaan

Sidaad sheegtay weeyee

Cabdalluhu sun weeyaan

So’adii ceelka Guuleed

Intay nagu sukuumeen

Sigay ciidankii qaran

Taa waxa ka sii daran

Sawtan Arab dhammaantii

Kuwii Saylla joogiyo

Kuwii ugu sarreeyiyo

Wadartood sanaadhee

Samanihii cadhoodee

Salaadiintii hadashee

Sooyaashay taladuyee

Arrintii sirgacantee

Saaxiibkay Nuuraw

Adaa soo jireenahe

Talo sugan isiiyoo

Sidee baynu yeelnaa?”

Axmedaw sidaadaba

Oday sayn caddaayiyo

Adigoo siyaasiya

Ayuun baad mar saleshaa

Ama markinka seegtaa

Ama seef la booddaa

Sida maanta oo kale

Markaad ceeb samaysaan

Anna kugu saluuggaa

Midda kalena saaxiib

Dadku maaha sarab iyo

Wax-yarood samaysoo

Sidii aynu doonaba

Ka samaysan maynee

Wixii suurto geli kara

Socodsii maddiidani

Wixii se ay salluugaan

Sanka lagama geliyee

Intaan ceebtu suuqiyo

Surimada u soo bixin

Wuxuu waa siyaasade

SILENT-BAA LA GELIYAA

Sasabaa la keenaa

Siyar loo bakhtiiyaa

Saakana inaadeer

Adaa saamo jiiddoo

Wax xillaad samaysaye

Sidaad kaga baxaysana

Talo aan ku siiyee

Sunto hadalladaydaa

Saddex xaalo uun yeel

Odayaasha sooryee

Xaal-Qaranna siiyoo

Saaka gogol nabdeed fidi

Wixii xidhanna siiddaa

U saxeex dhulkoodii

Haddii aanad sidaa falin

Waa in sulub rasaaseed

Afka la isku saaree

Haddaad belo siraaddana

Nina seexan maayee

Halka aad ku sugantaa

Soodh laguula soo geli

Adoo godob sokeeyena

Guudkaaga sudhantahay

Xilkaad saaka haysay

Kaa sahayan doontaa

Nimankana sidoodaba

Lagama salgaadhee

Sidaa waxay kugaadhana

Garanmaayo saaxiib”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here