Siyaasiyiinta Kaga Lumay Somaliland Hogaaminta M. Siilaanyo Saameyn Ma Ku Yeellan Karaan Qaranka?

0
33

Dhaartii Siilaanyo , Dhitadii Dar-daaranka Rayaale, Dhaxalkii Doorashada, Dhibcaha Dhacdooyinka , dhirbaaxooyinka Xamar iyo dheeliga Geediga

Hargeysa(Hubaal)-Saddex ka mid ah Siyaasiyiintii ku hun-goobay fursadii  furashada Ururrada Siyaasadda ee ka hor doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay sanadkii 2012-kii, kaddib markii ay Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Asxaabta Qaranku ku reebeen qiimeyntii hore ee kala shaandheynta 17-kii Urur ee lagaga dhawaaqay Dalka, ayaa saddex sanno gudahood ah si ay faddalada caddaani ku jirto uga soo dhex muuqday Saaxada Siyaasadda ee Dawladda Soomaaliya.

siyaasiyiinta lantaXildhibaan Foosiya Xaaji Aadan Qabille iyo Maxamed Cumar Carte Qaalib oo todobaadkii hore loo magacaabay Reysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,  oo dhalasho  ahaan ka soo jeeda laba Qoys oo magac ku leh Bulshada Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaana si weyn ugu suntan Taariikhda dalka Somaliland, iyo Nuur Faarax Xirsi, ayaa kala hogaaminayay Saddex Urur Siyaasaddeed oo ka qayb-galay loollankii hore ee Ururrada Siyaasadda sanadkii 2012-kii, kuwaasoo magacyadoodu kala ahaayeen ANDP, Damal iyo Nuur, kana mid ahaa sagaalkii Urur ee hadhay  intaan Doorashadii Deegaanka la gaadhin.

Siyaasiyiintan oo marka dhinac laga eego aan Miisaan Siyaasaddeed oo culus ku lahayn Somaliland, balse hadana marka la sarifo Meeqaamka ay ka ciyaareen tartankii u dambeeyey ee Doorasho aan la dhayalsan Karin saameyntooda shakhsiyaddeed iyo kooda bulsho, maadaama oo ay martabad sare oo muuqata ku muujiyeen hankooda siyaasaddeed, gees kale hadii laga dayo-na muddo dheer ka shaqaynayey Hay’addo Caalamiya iyo kuwo Maxali ah oo fadhigoodu yahay Somaliland, saameyn kalena taas ku muteystay, ayaa inta la ogyahay Waddankooda uga haajiray cadhadii ay ka qaadeen qaabkii lagu  reebay Ururradii ay hogaaminayeen  iyo natiijadii uga soo baxday dacwadii ay Maxkamadda sare ka furteen ee ay arrintaas kaga fal-celiyeen oo labaduba ula muuqday in eex iyo Cadaalad daro lagula kacay.

Inkasta oo xilligaas Guddida Diwaan-gelinta Ururradu aanay reebin saddexdii Xisbi ee ay kala hogaaminayeen xubnahan aynu xusnay, balse kala-shaandheyntii Ururradu saamaysay Ururro ka mug iyo miisaan cuslaa kuwooda oo ay aasaaseen ruug-cadaadiyaal siyaasaddeed iyo Mujaahidiin dalka u soo halgamay, kuwaasoo tusaalle looga soo qaadan karo Urur siyaasaddeedkii UDHIS ee ay hogaaminayeen mujaahidiinta hada ku bahoobay Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo iyagu wali dacalka Mucaaridka ka jooga Saxaada Siyaasadda, hadana ujeedo kastaaba haku kaliftee waxaan mugdi ku jirin inay noqdeen hormadii u horaysay ee Siyaasiyiin  cadaadis  iyo cadaalad daro ay tirsadeen awgeed intay  waddanka uga tageen ka soo jeestay  Maamulka Koonfur ee mar walba heeganka ugu jira kala daadinta midnimada Somaliland.

Waxaana  dhanka kale soofka siyaasaddeed ee ay waddanka kaga googoosteen saddexdan ku weheliyey  Siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Agaasimihii hore ee Wasaarada Maaliyada Jaamac Oday iyo xubno Madax-dhaqameedyo ah oo isla wakhtigii xulashada Baarlamanka Koonfur ka tegay Gobollada Somaliland, iyagoo sheeganaya inay metelayaan Shacbiga Gobollada Waqooyi ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, kuwaasoo miisaan u yeellay goosashadii  saddexda hogaamiye Urur oo aan markaa ka soo wada muuqan Shaashada xukuumaddi u horeysay ee Caleemo-saarkii  Xasan Sheikh Maxamuud, balse midkoodba mar shaashada soo galay, ilaa Magacaabista Xukuumaddan u dambeysa ee Xamar oo lagu soo daray Liiska Wasiirrada Maxamed Cumar Carte Qaalib oo aan kuwii hore ku jirin.

Haddaba, goosashada Siyaasiyiintan oo sababteedu ku suntantahay dhibaatooyinkii laga dhaxlay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka, furistii Ururrada Siyaasadda oo inkasta oo ay talaabo muhiima ahayd, hadana nusqaantii ka dhalatay  aanu hogaanka dalku si waayeelnimo iyo turxaan bixini ku jirto uga howl-gelin si aanay u dhaawicin masiirka Qaranka iyo midnimada Bulshada,  iyo sidoo kale loo sibir-saarayo bilowgii Saluuga Bulshada ee hogaaminta madaxweyne Siilaanyo, ayaa saameynteeda guud marka laga yimaado,  ka mid noqoshadooda hormuudka siyaasadda Federaaliga ah ee soomaaliya  ku tahay Qarannimada iyo qadiyada gooni-isutaaga Somaliland  gobol birlab ah oo uu ka jabay laba faliidh oo midbiba midka kale isku dayayo inuu soo jiito. Si kale hadii loo iftiimiyo halista ay ku soo kordhiyeen degenaanshiyaha Siyaasaddeed iyo midnimada qaranka Somaliland, waxay wali ku yihiin hogol daruurreed oo Hiyi kac Siyaasaddeed keentay.

Hiyi kaca Siyaasaddeed ee ay arrintani keentay, Dawladda Xamar waa u guul, Somaliland-na waa u guul-daro waxyeello kasta oo ka soo gaadha Qaranka masuuliyaddeeda dusha loo saarayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo intii ay xukunka haysay ku talaabsatay khaladdaad badan oo xagal-daac ku keenay qadiyada Dawladnimada iyo madaxbaananida waddanka, ilaa hadana sharciyad xakameynaysa isku milanka Siyaasadda Soomaaliweyn iyo Somaliland dib u yagleelin, kaddib markii ay laba sanno ka hor dabarka ka jartay Xeerkii hore arrintan uga yaalay.

Geesta kale, Xukuumadda Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo markii la doortay aan looga cabsi qabin inay gacantiisa ku lunto, dib ula soo noqoshadii xornimada Waddanku , ayaa marka la qiimeeyo  hantaaqooyinkaas iyo  dhacdooyin kale ee ifafaalle u noqday kala fur-fur iyo qaybsanaan shacbi  saddexdii sannadood ee u dambeeyay, kuwaasoo dadka siyaasadda u dhuunta daloola badankoodu ka dheregsanyihiin ,  hadii ay isugu biyo shubtaan dhinaca wer-werka laga qabo, waxa meesha ka saaraysa  Dhaartii Madaxweynuhu u maray  midnimada dalka iyo dadka iyo inuu daacad u noqon doono cadaalad iyo sinaan ugu adeegista Shacbiga.

Sidoo kale, waxay hal-bacaad lagu lisay ka dhigaysaa dardaarankii uu xilka kaga degay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, kana jeediyey Xafladii uu xilka kula wareegay Madaxayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 27-kii bishii 2010, kaasoo marka dib loo milicsado laga xusi karo in hogaamiyaha afaraad ee  Jamhuuriyada Somaliland la wareegay dal iyo dad mid ah oo meel u wada jeedda.

xigasho:Wargeyska Yool/GNA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here