Hargeysa(Hubaal) -Masuuliyiin miisaan culus ku leh saaxada siyaasada oo hore uga tirsnaan jiray Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin iyo sida oo kale gudoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedkii dhacay ee RAYS iyo taagerayaal kale oo aad u tira badan ayaa maanta ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Waxanaa ka mid ahaa Siyaasiyiintani Wasiirkii hore Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed,Wasiirkii hore ee Arrimaha Haweenka Marwo Faadumo Suudi iyo gudoomiye ku xigeenkii urur siyaasadeedkii dhacay ee RAYS Md:Saleebaan Barre Qolambi.
Munaasibad soo dhawayn ah oo Masuuliyiintan loogu sameeyey Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,madax sar sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI,Masuuliyiinta soo dhawaynta loo sameeyey,Madax dhaqameed,taageerayaal, iyo Marti sharaf aad u tiro badan.
Waxana munaasibadan ugu horayn ka hadlay Xoghaye ku Xigeenka iyo Xoghayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Xisbiga WADDANI waxaana ay labada masuulba si diiran ay u soo dhaweeyeen ku biiristan Siyaasiyiintani in ay maanta ka mid noqdeen Xisbiga WADDANI,iyaga oo sida oo kalena ku amaanay go’aanka geesinimada leh ee ay maanta ku garteen cida qudha ee hagi karta hanaanka maamul ee dalka in uu yahay gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Gudoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedkii dhacay ee RAYS Md:Saleebaan Barre Qolambi oo ka mid ah masuuliyiinta maanta soo dhawaynta loo sameeyey ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in isaga iyo dhamaanta taageerayaashiisiiba ay maanta ku biireen Xisbiga WADDANI.
”Waxaan maanta aan doonayaa in aan halkan aan ka sheego in dhamaanba intii aan hogaminaayey iyo intii kaleba in aan dhamaantayo ku soo biirnay Xisbiga WADDANI,waa ay jirtay wakhti aanu ku tala galnay in aan ka mid noqono KULMIYE laakiin KULMIYE waxaa u saran yahay doon daloosha markaa biyihiina waa ay iska qaban kari la’a yihiin sidaasi darteed inta saarana waan u baqayaa oo ayaamaha hadhay dartood intii aan garanaayo waxaa leeyahay iskaga soo baxa oo halkan kaalaya”Ayuu yidhi Saleebaan Barre Qolambi
Wasiirkii hore ee Arrimaha Haweenka Xukuumadii Daahir Rayaale Marwo Faadumo Suudi oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa tilmantay in ay maanta si aada ugu faraxsantahay in ay ku soo biirtay Xibiga WADDANI oo ay tilmaantay in uu yahay Xisbiga qudha ee markii ay indha indheeyeen Axsaabta kale ay ku qanceen in uu yahay ka horumarin kara danaha shacbiga reer Somaliland
“Maanta waxaa farxad wayn noo ah anaga oo afar sanadood oo ahayn dawladii hore Xisbigii talada hayey ee UDUB aanu ka sokaynay intaana aanu wax indha indhaynaynay oo aanu markii hore islahayn bal horta axsaab hala yimaado,Axsaabka marka layimaadana tartanku ha adkaado waxana aanu maanta go’aan sanay oo aanu leenahay Xisbigan WADDANI waa kii badbaadin lahaa wadanka sidaas ayaanan ugu biirnay”Ayey tidhi Marwo:Faadumo Suudi
Waxaa isna sida oo kale halkaasi hadal ka soo jeediyey Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Xukuumaduu Daahir Rayaale Kaahin Md:Siciid Sulub,waxana uu ka halkaasi ka cadeeyey in isaga iyo taageerayaashiisiba ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI
“Madashan aan soo galnay ama aanu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI aniga iyo saaxiibadaydii golaha Wasiirada ee Xukuumada UDUB iyo taageerayaal aad u fara badan,waxaanan marka hore ka cudur daaranayaa taageerayaashayadii oo meel walba jooga oo Hargeysa jooga oo anan warka wada gaadhsiin,oo canaantu ay badan doonto oo la odhan doono oo aan hubo in la odhan doono maxaad wax noogu soo sheegi wayday,waxaan leeyahay waan idin salaamayaa,inta halkan fadhidaa maaha kaliya taageerayaashii ama dadkii aanu isku wacnayn ee aanu is baranay ee aanu wada shaqayn jirnay ee gabal walba waa ay joogaan,waxaana uu gudoomiyahu uu iga balan qaaday gobal walba in aanu tagno oo xaflad la samayno taageeyaashayadii waxii hadhay”Ayuu yidhi Siciid Sulub
Siyaasi Siciid Sulub oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu daaha ka fayday in u jeedada uu Xisbiga ugu soo biiray aanay ahayn in uu ugu soo biiray in ay hayso caadifadnimo reer balse waxaa uu tibaaxay in hadii ay caadifad nimo reer ay hayso uu hore ugu biiri laha markii uu ahaa ururka.sida oo kalena waxaa uu tibaaxay in ka dib qiimayn uu ka sameeyey Axsaabta Qaranka uu WADDANI noqday midka kaliya ee kor u qaadi kara himilada shacbiga reer Somaliland si loo helo aqoonsi buuxa oo aynu beesha caalamka inteeda kale kaga mid noqono dal jira oo la ictiraaf san yahay.
“Soo biirista maanta ama imaatinka maanta ee Xisbigan hadii dadka la eego dadka si kale ayaa loo eegaayee Siciid Sulub Maxamed baa lay yidhaahdayee laakiin hadana sawir kale ayaa la saaraa anagu qolo nimo ugu maanan soo biirin Xisbigan,Caadifadina nama keenin hadii qolnimo aanu ugu biirayno ama caadifad aanu ugu biirayno markii uu ciir ciiraayey ee uu ururka ahaa ayaanu ku biiri lahayn,Xisbigan waxaanu ugu soo biirnayn Axmed Cali dhawr urur ayaa uu sheegay horta aniga Xisbigii ugu horeeyey ee ilaahay naxariistiisii janatul fardawsa ha siiyee ina xaaji Ibraahim Cigaal ku dhawaaqay ee UDUB ururna iigama horayn ururna iigama danbayn,markii imika lays dhex yaacay ee boqolka urur lasamaystayna waa ka fadhiistoo waad ogaydeen intaas waxaan is lahaa caadifad qolonimo ahi yaanay ku qaadin mid danaysina yaanay ku qaadin bal waxaad eegtaa hada hogaanka dalkan ama madaxnimada dadkan tolow yaa gaadhsiin kara halka ay doonayaan,markaa markii aanu eegnay saddexdii Xisbig ee soo baxay ee 2001-dii iyo 2002-dii soo baxay UDUB ayaa ka hormuud ahayd UDUB hadii ay ka hormuud ahaydna doorashadii danbe may soo galin UDUB khilaaf bay ku hadhay waxaa kaalinteedii Soo galay WADDANI halkaa iyada ah doorashada koowaad ee aan anigu naftayda aan siiyey waxaa ay ahayd dee UCID iyo KULMIYE waanu isniqiinay,intaana cida aan daraasada ku samaynaayey WADDANI ayaa ay ahayd,WADDANI hogaamin ahaan intaba marka aanu qiyaasnay aniga iyo Asxaabtaydu,waxaanu isnidhi Xisbigii lagaga baxaayey gunimada ee Citiraafka keenayey waa Xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi Siciid Sulub
Gabgabadii oo munaasibadaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaah Cirro ayaa waxaa uu yidhi.“Soo dhaweyn: anniga oo ku hadlaya magaca dhamaan madaxda , hawlwadeenada, taageerayaasha WADDANI waxaan ku soo dhaweynayaa Saleebaan Barkhad Qaloombi, Marwo Faadumo Suudi, Md Siciid Sulub iyo Md Axmed Cali Shire, taageerayaashooda inay ku soo biiraan Xisibiga WADDANI. Waxaan shaki ku jirin inaad awood badan iyo taloba ku soo kordhin doontaan xisibiga .
Xisbiga mucaarida ah ee WADDANI wuxuu iridahaa iyo daaqadahaba u furay shacbiga Somaliland si loo helo cudud xoog leh oo dhalin karta is bedel taban”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).