Siyaasad Hagoogan AKHRI: Midhaha Maanso 37 Sanno Ka Hor Saadaalisay Marxalad Maanta Caalamku Ku Sugan Yahay….Waxa Curiyey Abwaan Siciid Saalax Axmed

0
209

Hargeysa (Hubaal)-Akhyaarta qiimaha badan eek u xidhan wargeyska HUBAAL Waxa aanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa Maanso ka turjumaysa wacyiga dhabta ah iyo duruufaha dhaqan-dhaqaale, Nabad-gelyo iyo bulsho ee waqti xaadirkan ka jira dunida dacalladeeda.

abwaan siciid saalaxMaansadan oo Abwaan Siciid Saalax Axmed Curiyey Muddo haatan laga joogo 37 Sanno [1978], waxa ay ku sallaysan tahay ama la odhan karo xaalad xilligaas la dhaadanaa jiritaankeeda balse immika ku gedaaman guud ahaan dunida.

Abwaan Siciid Saalax oo xilligii uu maansadan tiriyey gadh wadeen ka ahaa kooxdii IFTIN la odhan jiray ee fanaanniinta wasaaradda waxbarashada dawladdii kacaanka, kuwaas oo markii dembe ku luuqeeyey midhaha maansadan oo qaab heeseed loo qaaday, waxa laxanka saaray fannaanka foollaadka u ahaa kooxdaas IFTIN ee Seyid Cismaan Cabdi oo Seyid-khaliifa loo yaqaan.

Midhaha Maansadan oo Abwaan Siciid Saalax uu hal-ku-dheggeeda ugu wanqalay ‘Halis weeye, Halis weeye’ waxa ay ku bilaabmaysaa sidan:

Hareeraa aduunka,

Dab baa ka holcaaya

Hub baa ka qarxaaya

Hed baa ku baxaysa

Kuwaa herdamaya

Habeen iyo maalin

Kuwaa biyo hoostood

Haraati is yeela

Kuwa isku hiifa

Siyaasad hagoogan,

Kuwaa hardafaaya

Kuwaa halgamaaya

Kuwaa holinaaya

Kuwaa hadimaya

Kuwaa haqab beela

Kuwaa hunga taagan

Haybtiisaba Aadmi

Dadnima ka huleelye

Hagardaamo adduunka

Dad maxaa kala haysta

*******

Hareera Adduunka

Hormuud talinaaya

Hagaas daba jooga

Aqoonta Habowday

Hub geeri samaysa

Hadmaa laga waayi?

Haddmuu sacu dhiiqay

Hadhuub caana dhiiga

Sabuulka hadhuudhka

Rasaas laga hoobshey?

Kuwa cudur heeray

Hamuun iyo qaajo

Aqoon darro haysa

Kuwa hagranaaya

Kuwaa halal beenta

Kuwaa u habaya

Kan haysta shidaalka

Heehaabka adduunka

Dad maxa kala haysta?

*****

Hareeraa Adduunka

Baqaa ka huraaya

Habaaska daluumay

Dadbaa isku haysta

Haddaad u garsoorto

Runtii helimaysid

Hidii Afrikaanka

Durbaankii Hadlaayey

Halaan-halka ciilka

Codbaa ka hugmaaya

Halyeyada koonfur

Hankooda la quudhay

Hadmaa geeska bari

loo soo hanqaltaagey

Haybtiisaba Aadmi

Dadnimo ka huleelye

Hagardaamo adduunka

Dad maxaa kala haysta!!!.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here